ITOOBIYA oo fara-gelin ku billowday arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya

0
Sunday March 01, 2026 - 11:15:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITOOBIYA oo fara-gelin ku billowday arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay degmada Buurhakaba ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidamada milateriga Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayaan arrimaha siyaasadda gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal rasmi ah oo taariikhdiisu ku beegan tahay 27-kii Febraayo 2026, loona diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayay saddexda xildhibaan ee kala ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow, Fowsiyo Maxamed Sheekh, iyo Maxamed Cali Xasan, ku caddeeyeen in ciidamada Itoobiya ee ka hawlgala aagga loo yaqaan Qaybta 3-aad (Sector 3) ay cadaadis xooggan saarayaan maamulka degmada Buurhakaba.

Mudanayaasha ayaa sheegay in ciidamadu ay dayaceen waajibaadkoodii aasaasiga ahaa ee sugidda amniga, beddelkeedana ay dhex-quuseen oo ay faragelinayaan arrimo siyaasadeed oo heer degmo ah.

 

 

Xildhibaanada ayaa uga digay taliska Midowga Afrika in ficilada noocan ah ay si weyn u dhaawici karaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan hawlgalka nabad-ilaalinta, isla markaana ay kasii dari karaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed oo markii horeba ahayd mid aad u jilicsan.

"Ciidamada amniga ee loo igmaday inay difaacaan dadka rayidka ah, dalkana xasilshaan, ma ahan inay qayb ka noqdaan qaabeynta jiheynta siyaasadda,” ayay mudanayaashu si adag ugu xuseen warqaddooda.

Sidoo kale, xubnahan baarlamaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka siyaasadeed ee ka taagan Buurhakaba uusan ahayn mid ku kooban maamulka degmada oo qura, balse uu yahay mid ay wadaagaan wakiilada la doortay, odayaasha dhaqanka, jilayaasha bulshada rayidka ah, siyaasiyiinta, iyo laamaha amniga ee deegaanka.

 

 

Warqadda ayaa dib u milicsatay dhacdooyinkii doorashadii maamulka Koonfur Galbeed ee sanadkii 2018-kii, xilligaas oo ciidamada Itoobiya lagu eedeeyay inay si toos ah lug ugu lahaayeen xariggii Mukhtaar Roobow oo ahaa musharrax madaxweyne. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in dhacdadaas ay wali bulshada dhexdeeda ku abuureyso kalsooni darro iyo shaki qoto dheer.

Dhanka kale, mudanayaasha ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bani’aadannimo ee kasii dareysa gudaha Buurhakaba. Waxay iftiimiyeen go’doominta saaran degmada, carqaladeynta lagu hayo duulimaadyada rayidka iyo kuwa sida gargaarka bini’aadantinimo, iyo saameynta abaar ba’an oo deegaanka ku dhufatay taas oo keentay biyo-yari baahsan oo saameysay nolosha dadka.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah ama jawaab rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Itoobiya ama taliska hawlgalka Midowga Afrika oo ku aaddan eedeymahan culus ee loo jeediyay ciidamadooda.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip