Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

0
Saturday February 28, 2026 - 16:23:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha kala duwan, kuwaas oo si khaldan ula xiriiriyay shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Gaar ahaan, wararka la xiriira bixinta taargooyinka gaadiidka, Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa inaysan jirin wax caqabad ah oo ka taagan adeeggaas. Adeegyada taargo-bixinta waxay u socdaan si habsami leh, mana jiraan wax hakad ah oo ku yimid.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in wararkan been abuurka ahi ay yihiin kuwo si ula kac ah loo faafinayo, ujeeddadooduna tahay in lagu carqaladeeyo amarkii ka soo baxay Hay’adaha Amniga ee ku saabsanaa qaadashada iyo ku xirnaanshaha taargooyinka rasmiga ah ee gaadiidka.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan shakhsiyaad si gaar ah lacago loogu siinayo si ay u faafiyaan wararkan, iyagoo u adeegaya cadowga ummadda Soomaaliyeed isla markaana isku dayaya inay wiiqaan kalsoonida dadweynaha iyo fulinta awaamiirta sharciyeysan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeyneysaa in xirashada taargada rasmiga ah ay dan weyn ugu jirto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay xoojinayso amniga guud, fududeynayso la socodka gaadiidka, kana hortagayso falalka amni-darro ee lagu waxyeelleyn karo shacabka. Taargadu waa astaan sharciyeysan oo kaalin muhiim ah ka qaadata badqabka iyo ilaalinta hantida iyo nafta muwaadiniinta.

Intaa waxaa dheer, heer, Wasa Wasaaraddu waxay si cad u shaacinaysaa inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka taagan gudaha Wasaaradda, islamarkaana howlaha shaqo ay u socdaan si mideysan, nidaamsan, oo waafaqsan sharciga dalka. Wararka sheegaya khilaaf gudaha ah waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna doonayo in lagu jahawareeriyo bulshada.

Wasaaraddu waxay faraysaa Hay’adaha Amniga inay si degdeg ah dabagal ugu sameeyaan shakhsiyaadka ku lugta leh arrintan, isla markaana la horkeeno sharciga cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah amniga iyo danaha qaranka.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin, ayna xogaha saxda ah ka qaataan warbaahinta rasmiga ah ee Wasaaradda.



XIGASHO:-SONNA.SO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip