
Xasan oo shir xasaasi ah la yeeshay Shariif iyo siyaasiyiin kale
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada shir kula yeeshay koox siyaasiyiin ah oo ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur oo dhammaantood ah musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha, kana sooo jeeda Hawiye.
Sidoo kale, dhinacyada ayaa is-dhaafsadayaragtiyo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa hannaankaiyo waqtiga doorashada, iyadoo la raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ay gaaraan madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, saddexda musharrax oo isku beel yihiin madaxweynaha ayaa si hoose ‘ugu caqli celiyay’ wuxuuna kulankooda ubadnaa waano iyo wax isku sheegis, iyaga oo siiyay talooyin ku aadan xaaladda dalka.
Kulankan ayaa kusoo beegmay, xilli ay todobaadkan ay fashilmeen wada-hadalladii u socday Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka, ee a xiriiraygeeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka kadib doodo hareeyay shirka.
Golaha Mustaqbalka ayaa horay xudunta is-mariwaaga iyo kala aragti duwanaanta labada dhinac ku sheegay inay sabab u tahay in goluhu ku adkeystay in Dastuurka KMG ka ah ee 2012 uu yahay aas aaska sharciga ee dalka u dagsan, wax ka beddalkiisana uu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dhanka kale ay dowladdu taas beddalkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineyn wax ka beddalka, siina wadi doonto.
Arrinta labaad ee fashilka keentay ayuu goluhu ku sheegay in sidoo kale ay ku adkeysteen in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena iyaduna waxay dowladdu dooneysay in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto, waxayna taasi dhalisay in ugu dambeyn lagu kala tego shirka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaan doorashada iyo arrimaha Dastuurka.


0 




Xasan oo shir xasaasi ah la yeeshay Shariif iyo siyaasiyiin kale
.