
UK oo go'aan ka gaartay aqoonsiga Somaliland kadib tallaabadii ay qaaday Israel
Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegtay in aysan aqoonsan doonin maamulka Somaliland, kaddib markii Israa’iil ay dabayaaqadii sanadkii hore ku dhawaaqday inay dal madax-bannaan u aqoonsantay Somaliland.
Safiir Ku-xigeenka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Luke Bullock oo la hadlay Addis Standard ayaa arrintaan caddeeyay, isagoo sheegay in UK ay dhiirrigelinayso wada-hadallo dhexmara Hargeysa iyo Muqdisho.
Luke Bullock wuxuu xusay in dowladda Ingiriiska ay haatan diiradda saarayso dadaallada nabadeynta Soomaaliya, isla markaana aysan u arkin in aqoonsi la siiyo Somaliland uu kaalin ka geysan karo xallinta xaaladda taagan.
"Waxaan dooneynaa inaan taageerno geeddi-socodka nabadda Soomaaliya, mana aaminsanin in aqoonsi caalami ah oo la siiyo Somaliland uu wax ka tari karo arrintaas. Waxa aan ku baaqeynaa in Muqdisho iyo Hargeysa ay wada-hadal yeeshaan,” ayuu yiri.
Sidoo kale, safiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal nabadeed oo ay si wadajir ah u gaaraan Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqon karo jidka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, isaga oo xusay in Ingiriisku muddo dheer ku lug lahaa dadaallada xal u raadinta arrimahan.
Inkasta oo Ingiriisku uu Somaliland maamulayay in ka badan 70 sano xilligii gumeysiga, isla markaana uu madax-bannaani siiyay sanadkii 1960, ayaa kamid ah dalalka xafiisyada ku leh Hargaysa, ee wada-shaqeynta dhow leh Somaliland.
Dowladda Ingiriiska ayaa marar badan ku cel-celisay in aysan waqtigan diyaar u ahayn aqoonsiga Somaliland, iyadoo mar kasta ku adkeysata muhiimadda wada-hadal toos ah oo dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa.
Ingiriiska ayaa hore u martigeliyay wada-hadalladii ugu horreeyay ee dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland sanadkii 2012, kuwaas oo ka qabsoomay London. Inkastoo kulamadaasi socdeen muddo, haddana ma aysan horseedin heshiis rasmi ah oo labada dhinac dhexmara.
Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland uu olole xooggan ugu jiro aqoonsi raadinta kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay dal madax-bannaan u aqoonsatay, taasi oo si adag uga hortimid Dowladda Federaalka, ayna cambaareeyeen inta badan dalalka caalamka, oo tallaabadaas u arka xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.


0 



UK oo go'aan ka gaartay aqoonsiga Somaliland kadib tallaabadii ay qaaday Israel
.