Turkiga oo saddex qodob kala hadlay madaxweynaha Puntland + Sawirro

0
Thursday February 26, 2026 - 10:21:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo saddex qodob kala hadlay madaxweynaha Puntland + Sawirro

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Alper Aktaş oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan safaarada Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Maaamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo kala hadlay saddex qodob oo xasaasi ah.

 Kulanka oo ka dhacay hoteelka uu Deni ka dagan yahay xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Bani’aadantinimada Soomaaliya.
  

Sidoo kale, kulankan oo ka qayb-galeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulkaas ayaa waxaa lagu soo qaaday xiisadda ka taagan hannaanka doorashooyinka, si xal loogu helo.

Saciid Deni ayaa haatan wada kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka, isaga oo xalay ay is arkeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo isna booqasho ugu tegay

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda dalku marayo, gaar ahaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxweynaha maamulka Puntland.

 

Waxaa kale oo kasii horreeyay kulan kaleoo Arbacadii dhex-maray Saciid Deni iyo Maxamed Farmaajo, kaas oo isna ku saabsanaa xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo xal-u-helidda khilaafaadka ka taagan dastuurka iyo doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip