Masar oo beenisay warkii la xiriiray yabooha badda Itoobiya ee laga faafiyey

0
Wednesday February 25, 2026 - 09:22:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo beenisay warkii la xiriiray yabooha badda Itoobiya ee laga faafiyey

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Qaahira (Caasimada Online) —Dowladda Masar ayaa Talaadadii si adag u beenisay warar soo baxay oo sheegayay in Qaahira ay u bandhigtay Itoobiya inay ka caawiso helitaanka marin badeed ee Badda Cas, si looga beddesho dabacsanaan iyo tanaasul laga sameeyo arrinta muranka dhalisay ee Biyo-xireenka Webiga Niil (GERD).

 

Mas’uul u hadlay dowladda Masar, oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah (MENA), ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in Masar ay gacan ka geysanayso sidii dalkaas aan badda lahayn uu u heli lahaa marin badeed, kuwo "aan sal iyo raad toona lahayn”.

Mas’uulka ayaa ku adkeystay in mowqifka rasmiga ah ee Masar ee ku aaddan khilaafka biyo-xireenka uu yahay mid aan waxba iska beddelin.

 

 

Xudunta warka la beeniyay

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo wargeyskaThe Nationalee ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta uu toddobaadkan daabacay warbixin sheegaysa in Masar ay toddobaadkii hore u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, dalab cusub.

Wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo Masar ah, ayaa ku warramay in Qaahira ay u yaboohday inay saaxiibadeeda kala hadasho sidii Itoobiya loo siin lahaa marin ganacsi oo dhanka badda ah.

 

 

Beddelkeeda, sida warbixinti tiri, Itoobiya waxaa laga doonayay inay tanaasul ka samayso isticmaalka biyaha Niilka, isla markaana ay ka waantowdo inay ciidamo milateri soo dhoobto Badda Cas.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in soo-jeedintan sidoo kale lala wadaagay Mareykanka, xilli Madaxweyne Donald Trump uu dhowaan ballanqaaday inuu dhexdhexaadin ka geli doono heshiis dhexmara labada dal.

Xiisadda webiga Niil

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo ka badan toban sano ku jiray loolan adag oo salka ku haya dhismaha biyo-xireenka weyn ee (GERD), kaas oo ku kacay lacag dhan 5 bilyan oo dollar, lagana dhisay isha ugu weyn ee Webiga Niil.

Masar, oo kamid ah dalalka ugu biyaha yar caalamka, ayaa ku tiirsan Webiga Niil ku dhawaad boqolkiiba boqol si ay u daboolaan baahidooda biyaha macaan, waxayna biyo-xireenkan u aragtaa mid khatar ku ah jiritaankeeda.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa diiday inay dhinto xawaaraha buuxinta biyo-xireenka ama ay kordhiso qulqulka biyaha u gudbaya dhanka hoose ee Masar.

 

 

Helitaanka marin badeed ayaa ah dan istaraatiijiyad oo qaran oo Itoobiya ay dadaal badan ku bixineyo kadib markii ay noqotay dal aan bad lahayn kadib markii Ereteriya ay madax-bannaanideeda qaadatay in ka badan 30 sano ka hor.

Labada dal midna weli si furan ugama hadlin warbixintaThe National, marka laga reebo beeninta kasoo yeertay sarkaalka Masar u hadlay.

Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi attends a press conference with his Russian counterpart (unseen) following their talks at the presidential palace in the capital Cairo on December 11, 2017. Speaking on state television during a visit to Egypt, Putin stressed the importance of "the immediate resumption of Palestinian-Israeli talks over all disputed issues, including the status of Jerusalem". / AFP PHOTO / KHALED DESOUKI (Photo credit should read KHALED DESOUKI/AFP/Getty Images)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip