DF oo amar cusub kusoo rogtay wasiirada iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda

0
Wednesday February 25, 2026 - 14:16:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo amar cusub kusoo rogtay wasiirada iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba maamnuuncday baabuurta taariko la’aanta ah, iyadoo wasiirada iyo mas’uuliyiinka kale ee hay’adaha dowladda la faray inay diiwaan-geliyaan gaadiidkooda.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dardar-gelinta dadaallada hay’adaha amniga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, mudaneyaasha baarlamaanka iyo xubnaha Golaha Wasiirrada laga doonayo in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 ay qaataan tallaabooyin dheeraad ah oo ku saabsan amniga gaadiidkooda, gaar ahaan hubinta iyo diiwaangelinta gaadiidka ay isticmaalaan.

 

 

"Mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ee kor ku xusan waxaa laga rajaynayaa in ay hay’adaha amniga ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan hubinta, diiwaan-gelinta, iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qaadashada taargada gaadiidka ayay wasaaraddu sheegtay inay tahay waajib sharci ah oo saaran qof kasta oo wata nooc kasta oo gaadiid ah, waxayna ciidamadu ammaanka u sahleysaa fulinta howlaha xaqiijinta amniga iyo kala soocidda gaadiidka.

Dhinaca kale, wasaaradda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku bogaadisay u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda.

 

 

"Wasaaradda waxay markale adkaynaysaa muhiimmadda ay leedahay wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta, iyo badqabka guud ee dalka.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinaysa u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta shaqadooda ayaa masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda ku wargelinaysa xoojinta habraacyada amniga gaadiidka, si looga hortago isku dayada naf-la-caariga ah ee kooxaha Khawaarijta.

 

 

Iyadoo la dardargelinayo dadaallada joogtada ah ee hay’adaha amniga ay ku bixinayaan ilaalinta amniga iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, iyo ka hortagga falalka foosha xun ee Khawaarijta, wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan masuuliyiinta dowladda, mudaneyaasha baarlamaanka, iyo xubnaha Golaha Wasiirrada in laga bilaabo 5-ta Maarso 2026 aan la oggolaan doonin masuul wata gaari aan lahayn taargo rasmi ah.

Masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha dowladda iyo goleyaasha kala duwan ee kor ku xusan waxaa laga rajaynayaa in ay hay’adaha amniga ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan hubinta, diiwaangelinta, iyo nidaaminta gaadiidka rasmiga ah.

Qaadashada taargada gaadiidka waa waajib sharci ah oo saaran qof kasta oo wata nooc kasta oo gaadiid ah, waxayna ciidamadu ammaanka u sahleysaa fulinta howlaha xaqiijinta amniga iyo kala soocidda gaadiidka.

 

 

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay markale adkaynaysaa muhiimmadda ay leedahay wada-shaqaynta bulshada iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo xasilloonida, kala dambeynta, iyo badqabka guud ee dalka.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip