
Somaliland oo safiir buuxa u magacowday Israel iyo Israel oo go'aan ka soo saartay
Madaxtooyada Somaliland ayaa Arbacada maanta ah shaacisay inay magacawday danjiraheedii ugu horreeyay ee u fadhin doona Israa’iil, tallaabadaas oo Tel Aviv ay aqbashay, sida lagu sheegay qoraallo ka soo kala baxay labada dhinac.
Labada dhinac ayaa si degdeg ah u rasmiyeeyay xiriirkooda kadib markii Israa’iil ay dabayaaqadii sannadkii hore aqoonsatay madax-bannaanida jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee waqooyiga Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday magaalada Hargeysa, ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ku sheegay in uu u magacaabay Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud inuu noqdo Danjiraha aan caadiga ahayn ee awoodda buuxda leh (Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary) ee Somaliland u qaabilsan Dowladda Israa’iil.
Qoraal borotokool oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil 23-kii Febraayo, 2026, kaas oo ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Israa’iil ay oggolaansho (agrément) siisay magacaabista "Dr. Maxamed Xaaji”.
Sida ku cad qoraalka, go’aanka Israa’iil ayaa yimid kadib codsi uga yimid Madaxtooyada Somaliland 15-kii bishii Febraayo, iyo is-fahan la gaaray intii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, booqashada ku joogay Hargeysa bishii la soo dhaafay.
Wasaaradda ayaa ku tilmaamtay danjiraha cusub inuu yahay la-taliye sare oo aad ugu dhow Madaxweyne Cirro, door weyna ku lahaa dhismaha xiriirka labada dhinac sanadkii 2025-kii.
Dr. Maxamed Cumar Xaaji oo hore u ahaa wakiilka Somaliland ee Taiwan ayaa haatan noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee buuxa oo Somaliland u dirto Israa’iil, xilli Israa’iil dabayaaqadii sanadkii 2025 ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland.
Dardar-gelinta xiriirka iyo safarka madaxweynaha
Dhaq-dhaqaaqa dublamaasiyadeed ayaa dardar ku socday tan iyo markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland 26-kii Diseembar, 2025. Tallaabadaas ayaa soo afjartay tobanaan sano oo go’doon diblamaasiyadeed ah oo ay ku jirtay Somaliland.
Wasiir Gideon Saar oo Hargeysa booqday 6-dii Janaayo ayaa ballanqaaday inuu si "adag u horumarin doono” xiriirka labada dhinac.
Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo la socda qorshaha, Madaxweyne Cirro ayaa hadda la filayaa inuu safar rasmi ah ku tago Israa’iil dhammaadka bisha Maarso.
Safarkan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Somaliland ah ku tago Israa’iil tan iyo aqoonsiga, inkastoo Cirro uu horey safar qarsoodi ah ugu tagay dalkaas ka hor inta uusan xiriirku soo shaac-bixin.
Isbaheysigan ayaa si weyn isha loogu hayaa sababo la xiriira goobta istaraatiijiga ah ee gobolka Somaliland kaga yaallo Gacanka Cadmeed iyo marinka Baab al-Mandab, halkaas oo ah marin muhiim u ah gaadiidka badda caalamiga ah oo ay weeraro joogto ah ku hayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.
Israa’iil ayaa xiriirkan ku tilmaamtay qayb ka mid ah dadaallada lagu ilaalinayo danaha badda iyo ballaarinta saaxiibada ay ku leedahay gobolka, iyadoo raacaysa dhabaha heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ballan-qaaday iskaashi degdeg ah oo dhinacyada beeraha, teknoolajiyadda iyo amniga ah.
Maalintii Arbacada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil waxay shaacisay in tababar u socdo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Biyaha Somaliland, kaas oo ay bixinayso hay’adda horumarinta u qaabilsan Israa’iil ee MASHAV.
Xiriirkan sii xoogeysanaya ayaa caro weyn ka dhaliyay magaalada Muqdisho, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaamtay booqashadii Saar "xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida qaranka,” iyadoo taageero u raadisay mowqifkeeda dalalka Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Midowga Afrika.
Heshiiska Israa’iil iyo Somaliland ayaa sii murjiyay xaaladda gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay xiisaddii ka dhalatay is-fahamkii Itoobiya iyo Somaliland ee Janaayo 2024.
Madaxweyne Cirro, oo xilka ku guuleystay bishii Nofembar 2024, ayaa weriyeyaasha u sheegay horaantii bishan in inkastoo aan weli heshiis ganacsi oo rasmi ah la saxiixin, haddana xukuumaddiisu diyaar u tahay inay Israa’iil u ogolaato maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah, balse wadahadallada aanay weli gaarsiisnayn heer la sameeyo saldhigyo milateri.




0 



Somaliland oo safiir buuxa u magacowday Israel iyo Israel oo go'aan ka soo saartay
.