HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 21-FEB-2026

0
Saturday February 21, 2026 - 08:03:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 21-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne xasan sheekh oo xubnaha golaha mustaqbalka ku soo dhaweeyey madaxtooyada qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxto -oyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaa si oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soo maaliya.

Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomi yey kulan labo-geesood ah oo lagaga had layo xaalada guud ee dalka, doorashoo yinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Alshabaab.

Golaha Wasiirrada XFS oo Muqdisho ku yeeshay shirkii todobaadlaha ee golahaasi

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo ba dan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’ aadannimo iyo dardargelinta qorshey aasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaara daha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhama ystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka, waxaanna guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista taya da diyaaradaha iyo adeegyada ay bixi yaan kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Golaha ayaa ansixiyay Axdiyo iyo Siyaa sado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah

Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda San duuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Wax yeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).

Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasak -howga Saliideed (1990).

Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahor tagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalami ga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa ji hada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaa siyadeed iyo midka horumarineed ee dal ka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo shalay baaqday.

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaali yeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shalay baaqay, mana cadda sababta keentay baaqashada.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dorraad si rasmi ah uga furmay aqalka madaxtooyada Soomaaliya mucaa radka iyo dowladda Soomaaliya.

Shirka oo maalinimadii dorraad u badnaa gogol xaar iyo jeexidda dhabbayaasha qo dobada ugu muhiimsan ee miiska saaran ayaa dib u furmi doona Maalinta beri oo Sabti ah.

Dhinacyada ka qaybgelaya shirka ayaa shalay oo Jimce ah yeelan doona kulamo doceedyo ay kaga hadlayaan xoojinta aragti yadooda ku aadan arrimaha doora shooyinka iyo waxka-beddelka dastuurka oo ah qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran.

Sidoo kale Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa shalay la filayaa inuu la kulmo Hog gaanka Golaha Mustaqbalka Soomaali yeed, waxaana kulanka uu ka dhici doo naa halka ay degan yihiin madaxda Jubba land iyo Puntland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonay sa meelmarinta damaceeda ku qaadan qa bashada doorashooyin dadweyne xilli mud do xileedka madaxda dowladda iyo barla maanku gabaabsi yahay, ayna golaha Mustaqbalku riixayaan in dalku doorasho aado.

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobola da dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran iyo ku wa barakacayaasha ah ee ka soo cararay abaaraha ba’an ee ka jira gudaha dalka.

Dowladda Sooaaliya,qaar kamid ah dalal ka carabta, Hey’adaha samofalka iyo bul shada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay taakuleeyaan dadka la ildaran dhibaaatoo yinka ee ku soo jabay caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee ay ka maamulaan dowlad goboleedyada.

Maalinimadii dorraad Hay’adda Qadar Charity ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay mashruuc ballaaran oo deeq gargaar ah lagu gaarsiinaayo ilaa 6 kun oo qoys oo danyar ah,kuwaas oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Sidoo kale maamulka Somali Action Network ayaa raashin u qeybiyay qoysas ka soo barakacay abaaraha oo ku sugan duleedka magaalaa Muqdisho,halka Hay’adda SSWC ay iyaduna lacago maal gelin iyo gargaar raashin ah gaarsiiseen haweenka leh ganacsiyada yaryar iyo kuwa dantayar ee degmada Hodan.

Dhinaca kale, dadka xoola dhaqatada ah ee wajahaya abaaraha ka jira gobolada dhexe,gaar ahaan deegaanada dhaca Magaalada Cadaado ayaa helay deeq biyo dhaamin ah oo lagu diirsaday.

Sidoo kale,Urur Siyaasadeedka Xornimo iyo Xaqsoor ayaa magaalada Baydhabo ka bilaabay gurmad biyo dhaamin ah oo lagu taageerayo qoysaska danyarta ah.

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqor -tooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada Gaadiidka Badda iyo Horuma rinta Dekadaha, waxa uu xoojinayaa xiriir ka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.

Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha deka daha, tayeynta adeegyada gaadiidka bad da, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaaf siga khibradaha iyo aqoonta farsamo.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya hufnaan ta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale, waxa uu kaalin muu qata ka qaadan doonaa kobaca dhaqaala ha qaranka iyo abuuridda fursado horuma rineed oo waara.

Maamulada warbaahinada ee hey’adaha dowladda oo yeeshay kulan la xiriiray xaaladda abaaraha

Maamulada warbaahinada ee he’yadaha dowladda ayaa ka qeybgalay kulan ka dhacay xarunta Hey’adda SODMA oo loo ga hadlaayey xaaladda abaaraha ee ka jir ta dalka iyo sida gacan looga geysan karo dhinaca wacyigalinta bulshada.

Kulanka oo ay soo xaadireen agaasime yaasha iyo uqaybsanayaasha warbaahin ta waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska War baahinta ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaal iya.

Kulanka waxaa furay Agaasimaha War faafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha ahna Afhayeen Xukuumadda Mudane Abdinasir Ahmed Bashir,iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray warbixin ka hadleysa xaa ladda abaaraha dalka oo ay soo diyaari yeen hey’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Muda ne Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shir-guddoominayay kulanka ayaa soo xiray gunaanadka shirka isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta ,si loo wacyigeli yo bulshada ,isla markaana loo dardar-geliyo gurmadka Abaaraha.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soo maaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo Taliyaha Ciidan ka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavu -ma.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojin ta wadashaqeynta iyo iskaashiga istiraat iijiyadeed ee u dhexeeya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Howlg alka AUSSOM, hirgelinta Qorshaha Kala guurka Amniga, iyo dardargelinta howlgal lada socda ee lagula ciribtirayo Alshabaab, Taliyaha Ciidanka XDS ayaana uga mahadceliyay AUSSOM doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasillinta dalka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah xalay u daah-furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad kasta loo qabto degmooyinka dalka.

Wasiirka oo ka hadlay xafladdii furitaan ka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaali yeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,isagoo hambal yo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka tartanka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaali yeed ay tahay mid lagu kororsanaayo clmi iyo aqoon ,isagoo boogaadiyay shaqaa laha Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda,gaar ahaan xilliyada adag.

Xafladdii furitaanka tartanka waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah Maamulka Gobo lka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah ee hoos ku xusan:

Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Horta gga Isku-Dhacyada Badda (COLREG 1972)

Axdiga Caalamiga ah ee Aasaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Mag-dhawga Waxyeellada Wasakheynta Shidaalka (1992)

Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga,

U-diyaar-garowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990)

Meel-marinta axdiyadan waxay muujinay saa dadaalka joogtada ah ee lagu xoojina yo badbaadada, ilaalinta deegaanka badda, iyo kor u qaadista sumcadda iyo kalsoonida Soomaaliya ee saaxadda caa lamiga ah.

Sidoo kale, waxay laf-dhabar u yihiin horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee gaadiidka iyo ganacsiga badda, iyagoo waafaqsan heerarka iyo xeerarka caala miga ah.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaaboo yinkan istiraatiijiga ah ay qeyb ka yihiin qor shayaasha Wasaaradda iyo siyaasadda guud ee Xukuumadda Dan-Qaran, iyagoo si toos ah u taageeraya hirgelinta Qorsha ha Isbeddelka Qaranka (NTP), difaacidda danaha qaranka, iyo sare u qaadista kaa linta Soomaaliya ee ganacsiga iyo gaadiid ka badda ee heer gobol iyo mid caalami ah.

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’a dda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya (WFP), Mudane Hameed Nuru. Kulanka ayaa lagu xoojiyey iskaa shiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Wa saaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimi lada (MoECC) iyo Hay’adda WFP.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saa ray la qabsiga isbeddelka cimilada, sug naanta cuntada, barakaca, iyo saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada sida abaa raha, fatahaadaha, iyo masiibooyinka da biiciga ah.

Labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ilaalinta nolosha, dhowrista deegaanka, iyo dhisi dda adkaysi waara ee bulshooyinka nugul ee Soomaaliya.

Wasiir Xasan Xuseen "Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xool -aha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ka hadlay xaflad loo sameeyay la wareegidda 11 gaadiid ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii loo ilaalin la haa badqabka xoolaha oo inta badan ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa yiri "Gaadiidka gurmadka deg degga ah ee aan la wareegnay waxaa muhiimaddu tahay in loogu shaqeeyo dadka xoolo dhaqatada ah ee ku kala sugan gobolada dalka”.

Wasiirka Xanaada Xoolaha XFS ayaa xu say in gaadiidkaasi oo ku qalabeysan adeegyada loogu talagalay caafimaadka xoolaha loo qeybin doono dowlad gobolee dyada,si wax loogu qabto dadka xoolo dha qatada ah ee ku nool deegaanada ka fog magaalooyinka.

Deeqdaan gaadiidka ah oo ay maalgali yeen Bangigga Horumarinta Afrika waxaa loo soo marsiiyay Hey’adda Caruurta Save The Children ee ka howlgasha guda ha Dalka Soomaaliya

Trump: Haddii Iran 10 maalmood gudahood heshiis lagu gaadhi waayo, tallaabo militari ayaa xigi karta

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Iran ay haysato qiyaastii 10 ilaa 15 maalmood si ay heshiis ula gaadho Washington, haddii kalena ay la kulmi karto weerarro dheeraad ah oo militari.

Trump oo ka hadlayay shirkii ugu horree yay ee "Gudida Nabada” ee ka dhacay Washington, DC, ayaa sheegay in Maray kanku doonayo "heshiis macno leh” oo lala galo Tehran, isaga oo intaas ku daray in haddii taas la waayo ay dhici karto in xaaladdu u gudubto tallaabo kale.

"Waxaan rabnaa heshiis dhab ah. Haddii kale, waxyaabo xun ayaa dhici doona,” ayuu yidhi Trump, isaga oo xusay in 10-ka maalmood ee soo socda ay caddayn doonaan jihada arrintu qaadi doonto.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Maraykanka iyo Iran ay yeesheen wareeg labaad oo wada-hadallo dadban ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in wada-hadalladii ka dhacay Geneva ay sameeyeen "horumar wanaagsan” isla markaana la isla qaatay mabda’yo hagaya heshiis suurtagal ah.

Si kastaba, xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo Maraykanku ku ururiyay awood militari oo ballaadhan gobolka Khaliijka, oo ay ku jiraan laba markab dagaal oo nooca diyaaradaha xambaara ah iyo diyaarado dagaal oo tiro badan.

Iran oo beenisay inay doonayso hub nukli yeer ah, ayaa sheegtay inay oggolaan karto in la xaddido kobcinta yuraaniyamka iyo in la hoos geeyo kormeer caalami ah oo adag. Hase yeeshee, maamulka Trump ayaa si cad u muujiyay inuu ka soo horjeedo nooc kasta oo kobcin ah oo Iran samayso, sidoo kalena doonayo in la xaddido gantaallada riddada dheer ee Tehran, arrintaas oo ay Iran ku tilshalayy mid aan laga tanaasuli karin maadaama ay la xidhiidhto difaaceeda qaran.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Cali Khamenei, ayaa isna ka jawaabay hanjabaadaha Maraykanka, isaga oo sheegay in inkastoo markabka dagaalku uu yahay hub halis ah, ay haystaan hub ka khatar badan oo awood u leh inuu badda hoosteeda dhigo markabkaas.

Xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran ayaa sii xoogaysatay tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2025, iyada oo hadallada kulul iyo hanjabaaduhu ay sii socdaan inkasta oo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo socda. Trump ayaa hore uga baxay heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iran sannadkii 2018, taas oo keentay in cunaqabataymo culus dib loogu soo rogo Tehran.

Hadda, indhaha caalamka ayaa ku jeeda 10-ka maalmood ee soo socda, kuwaas oo go’aamin kara in wada-hadalladu miro dhalaan iyo in kale, ama in xiisaddu u gudubto wejigi ciidan.

Turkiga oo Beeniyay Eedeymaha inuu faaido doon ka yahay qodista Shidaalka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in Ankara ay dooneyso inay faa’iido gaar ah ka hesho kheyraadka tamarta ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira sahminta shidaal ka.

Bayaan kasoo baxay xarunta la-dagaal lanka wararka been abuurka ee madaxtoo yada Turkiga ayaa lagu caddeeyay in heshiiska u dhexeeya Shirkadda Batroolka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya uu si cad u dhigayo in khey raadka dabiiciga ah uu yahay hanti ay leey ihiin shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale la xusay in iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay sharci cad iyo mabda’a dan wadaag.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soo maaliya ayaa dhowaan shaacisay in mar kabka qodista shidaalka ee Turkiga, "Çağrı Bey”, uu kasoo shiraacday deked da Mersin ee koonfurta Turkiga, kuna soo jeedo biyaha Soomaaliya si uu u bilaabo hawlaha sahminta shidaalka.

Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa ku til maamay tallaabadan mid taariikhi ah oo muujinaysa soo kabashada dalka iyo bilow ga ka faa’iidaysiga rasmiga ah ee kheyraa dkiisa dabiiciga ah, kadib sanado badan oo caqabado jiray.

Wararka ayaa sheegaya in safarka mar kabku qaadan doono ku dhowaad 45 maal mood, ka hor inta aan la bilaabin qodista ceelka loo yaqaan "Korad-1” bisha Abriil ee soo socota. Mashruucan ayaa qayb ka ah heshiisyo siinaya Turkiga xuquuqda sahminta iyo soo saarista shidaalka ee dhowr qaybood oo ka tirsan badda Soo maaliya.

Iran oo Qaramada Midoobay uga dacwootay hanjabaadaha Maraykanka

Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa warqad rasmi ah u dirtay Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka, iyadoo ka cabanaysa hanjabaado ay sheegtay in ay uga ima nayaan Maraykanka, isla markaana ku tils halayy kuwo khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamka.

Warqadda oo ku taariikhaysan 19 Febraa yo 2026, kuna socota Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka James Kariuki, ayaa lagu sheegay in hada lladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay yihiin ku xadgudub Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.

Iran ayaa si gaar ah u xustay qoraal uu Trump ku daabacay baraha bulshada 18 Febraayo, kaas oo uu ku sheegay in haddii Iran diido inay heshiis gaadho, ay Maraykanku isticmaali karaan saldhigga Diego Garcia iyo garoonka Fairford si ay u qaadaan weerar ka dhan ah Iran.

Danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Mi doobay, Amir Saeid Iravani, oo saxeexay warqadda, ayaa ku adkaystay in hanjabaa daha adeegsiga xoogga aan loo aqbali karin inay noqdaan "caado siyaasa deed” ama qalab diblomaasiyadeed. Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka inuu si degdeg ah uga hortago waxa uu ku til maamay "ku tumasho sharci” si aanay xaa laddu ugu gudbin dagaal toos ah oo saa meeya gobolka iyo caalamkaba.

Iran ayaa ku celisay inayna doonayn da gaal ama xiisad cusub, balse haddii la weeraro ay ku dhaqmi doonto xaqeeda is-difaaca ee ku cad Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay intaas ku dartay in dhammaan saldhigya da, xarumaha iyo hantida ciidamada wee rarka qaada ay noqon doonaan badhtil maameed sharci ah marka laga hadlayo jawaab difaac ah.

Sidoo kale, Tehran waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay in la gaadho xal diblo maasiyadeed, iyadoo tilshalayy in wada-hadallada nukliyeerka ay u wajahayso si dhab ah, isla markaana ay doonayso in la qaado cunaqabataynta oo ay ku tilshalayy "mid sharci-darro iyo bani’aadannimo darro ah”.

Warqadda Iran ayaa ku soo beegantay xilli ay sii kordhayaan hadallada kulul iyo diyarowga militari ee Washington iyo The ran, inkasta oo ay jiraan wada-hadallo dib u bilowday oo lagu doonayo in lagu yar eeyo xiisadda taagan.

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono toban bilyan oo doolar oo dib loogu dhisayo magaalada Gaza.

Wuxuu kaga dhawaaqay daahfurka shir ka ee Guddiga Nabadda Gaza ee Washin gton.

Xubnaha kale oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday toddoba bilyan oo doolar.

Xulafada reer galbeedka ee dimuqraadi ga ah ee Washington (oo ay ku jiraan UK, Canada, Faransiiska iyo Jarmalka) ayaa diiday inay ku biiraan Guddiga.

Madaxweyne Trump ayaa shirka ka shee gay in "ay u muuqato” in Xamaas ay di yaar u tahay inay hubka dhigto, inkastoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan inaa nay jirin wax calaamado ah oo taas muuji naya.


Israa'iil oo xaddiday gelitaanka Falastiiniyiinta ee Masjidka Al-Aqsa Jimcaha ugu horreeya ee Ramadaan


Ciidamada Israa'iil ayaa si weyn u xaddiday gelitaanka Falastiin iyiinta ee Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa, si ay uga qaybgalaan salaadda Jimcaha ee ugu horreysa bisha barakaysan ee Rama -daan, iyada oo boqolaal qof ay safaf dhaadheer u galeen isbaa rada Qalandiya ee u dhaxaysa Ramallah iyo Quddus.

Mas’uuliyiinta Israa'iil ayaa sheegay in aan ka badnayn 10,000 oo Falastiiniyiin ah oo ka imanaya Daanta Galbeed loo oggolaan doono inay galaan Quddus, isla markaana ay khasab ku tahay inay haystaan oggolaansho gaar ah. Tiradan ayaa aad uga yar boqollaal kun oo cibaadaystayaal ah oo sannadihii hore u tegi jiray Masjidka Al-Aqsa maalmaha Jimcaha ee Ramadaan.

Shuruudaha la dejiyey ayaa dhigaya in carruurta ka yar 12 sano, ragga ka weyn 55 sano, iyo dumarka 50 sano jirka ah ama ka weyn oo keliya ay u qalmaan inay dalbadaan oggolaanshaha geli taanka.

Warbaahinta gudaha Israa'iil, gaar ahaan Channel 12, ayaa werisay in subaxnimadii Jimcaha ay qiyaastii 2,000 oo qof oo keli ya u suurtagashay inay ka gudbaan isbaarada Qalandiya, xilli cii danka Israa'iil ay ku jireen heegan sare oo ka jira dhammaan isbaarooyinka u dhexeeya Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

Suxufiyadda Al Jazeera, Nour Odeh, oo ku sugnayd Qalandiya, ayaa sheegtay in marka la eego tirada guud ee dadka ku nool Daanta Galbeed oo gaadhaysa 3.3 milyan, oggolaanshaha 10,000 oo qof ay tahay "dhibic bad ku dhacday”, maadaama sa nnadihii hore ay Masjidka Al-Aqsa ku tukan jireen ilaa 250,000 oo qof Jimcaha ugu horreeya ee Ramadaan.

Waxay intaas ku dartay in boqolaal qof ay weli ku xaniban yihiin isbaarada, iyaga oo rajaynaya inay gaadhaan Masjidka barakay san, balse intooda badan dib loo celinayo.

Suxufiyaddu waxay xustay in tagista Masjidka Al-Aqsa ay qayb ka tahay dhaqanka iyo hidaha Falastiiniyiinta oo soo jiray qarniyo badan, gaar ahaan bisha Ramadaan oo ay caado u tahay inay hal kaas ku afuraan oo ay maalinta ku qaataan.

Xayiraadahan cusub ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ay weli taagan tahay, iyada oo tallaa booyinkan loo arko kuwo sii kala fogeynaya xidhiidhka u dhe xeeya Falastiiniyiinta ku nool Bariga Quddus iyo kuwa ku dhaqan Daanta Galbeed.

Soomaaliya oo Billowday Bixinta Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday bixinta Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika (EAC Passport), tallaabo loo arko mid taariikhi ah oo xoojinaysa is-dhexgalka gobolka iyo sare u qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in baasaboorkan cusub uu muwaadiniinta Soomaaliyeed u furayo albaab cusub oo dhinaca socdaalka, ganacsiga iyo waxbarashada ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in ku biirista East African Community ay astaan u tahay dib u soo kabashada iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ka qaadanayso gobolka.

Wuxuu tilmaamay in baasaboorka cusub uu fududeynayo isu-socodka shacabka, isla markaana uu abuurayo fursado wadaag ah oo dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada iyo is-dhexgalka bulshada ah.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, baasaboorka Soomaali yeed oo sanadkii 2021 ku jiray kaalinta 111-aad ee caalamka, ayaa hadda gaaray kaalinta 96-aad, taasoo ka dhigan koror muuqda oo gaaraya 15 darajo.

"shalay, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay si dal-ku-gal la’aan ah ama dal-ku-gal laga qaato garoomada ugu safri karaan ku dho waad 40 waddan, arrintaas oo faa’iido toos ah u leh ardayda, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale, dalal badan ayaa hore u oggolaaday dal-ku-gal la’ aan dadka sita baasaboorka diblumaasiga, iyadoo dowladda ay rajo ka muujisay in mustaqbalka dhow fursaddaasi ay gaari doon to dhammaan shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkee yay in Soomaaliya aysan ahayn dal faro-maran oo ku biiraya ururrada caalamiga ah, balse ay tahay dal leh xeebta ugu dheer Afrika, kuna yaalla meel istaraatiiji ah oo isku xirta qaaradda Afrika iyo Gacanka Carbeed.

Wuxuu xusay in khayraadka dhaqaalaha buluugga ah, dekedaha, kalluumeysiga iyo marin-biyoodka Badweynta Hindiya ay siina yaan Soomaaliya fursado waaweyn oo horumarineed oo ay kula wadaagi karto dalalka gobolka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in Soo maaliya ay si buuxda uga go’an tahay ka mid ahaanshaha Bulsha da Bariga Afrika, isla markaana ay door firfircoon ka qaadan doonto horumarka waara, ganacsiga, shaqo-abuurka iyo kor u qaadista tayada nolosha dadka gobolka.


Qaramada Midoobay oo Soo Dhoweysay Wadahadallada u bilowday Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka


Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweeyay bilaabashada rasmiga ah ee wadahadal lo heer sare ah oo ka furmay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaq balka Soomaaliyeed.

Bayaan kasoo baxay Xafiiska UNTMIS ayaa lagu ammaanay la bada dhinac muujinta tanaasul iyo is-afgarad horseeday in miiska wada-hadalku si rasmi ah u furmo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrintan ay tahay tallaabo wanaa gsan oo loo qaaday dhinaca xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee taagnaa.

"Waxaan soo dhoweyneynaa bilowga rasmiga ah ee kulanka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaq balka Soomaaliyeed ee ka furmay Muqdisho, Waxaan ku bogaa dinaynaa dhammaan dhinacyada ruuxa tanaasulka ee suurtage liyay in wada-hadalladu bilaabmaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaramada Midoobay waxay xustay in waqtigu kooban yahay, maadaama muddo xileedyada dastuuriga ah qaarkood ay gaba gabo ku dhow yihiin, isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo mud naan gaar ah leh, sida doorashooyinka, kuwaas oo u baahan he shiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada.

UNTMIS waxay ku boorrisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan in la gaaro heshiis waqti ku habboon, iyagoo ku shaqeynaya niyad-wanaag iyo wada-shaqeyn.

Kulamadan ayaa u dhexeeya Dowladda uu hoggaamiyo Madax weyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Mus taqbalka, oo ay ku jiraan madax ka socota Dowlad-goboleedyada.

Wadahadallada waxaa si weyn loogu arkaa kuwo muhiim u ah jebinta ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan qaabka doora shooyinka, arrimaha dastuurka iyo hannaanka dowladnimada, iyadoo Soomaaliya isu diyaarineyso doorashooyinka 2026.

Saaxiibada caalamka ayaa si joogto ah ugu baaqayay madaxda Soomaaliya inay khilaafaadka ku xalliyaan wadahadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo xasilloonida loona sii xoojiyo dadaallada dhismaha dowladnimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip