Sidoo kale, Riyadh ayaa dhambaalkan ku difaacday faragelinteeda milateri ee Yemen, iyadoo ku sifeysay tallaabo lagama maarmaan u ah sugidda amniga qarankeeda. Sacuudiga ayaa bishii Diseembar weerar ku qaaday xulafada gooni-u-goosadka ah ee uu Imaaraadku taageero ee koonfurta Yemen, wuxuuna tan iyo xilligaas billaabay olole uu ku doonayo inuu gabi ahaanba meesha uga saaro saameynta Imaaraadka ee dalkaas.
Warqadda ayaa dib u xaqiijisay in Sacuudigu uu Yemen u arko "mandiiqad hoos timaada awooddiisa iyo saameyntiisa”, isla markaana Riyadh ay qorsheyneyso inay si buuxda "mas’uuliyadda” ula wareegto dalkaas colaaduhu halakeeyeen ee xuduudda la wadaaga.
Maxamed Bin Salmaan ayaa warqaddiisa ku tilmaamay go’aanka Imaaraadku uu taageerada milateri ku siiyay Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC) oggolaansho la’aan inuu yahay "khad cas”. Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee xiisaddan sii huriyay waxaa kamid ah:
Duqeyntii Mukalla: Dabayaaqadii bishii Diseembar, diyaaradaha Sacuudiga ayaa duqeeyay shixnad hub ah oo Imaaraadku lahaa oo ku sugnayd dekedda magaalada Mukalla.
Taageerada dowladda: Sacuudiga ayaa taageero xagga cirka iyo sirdoonka ah siiyay dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, si loo wiiqo awoodda STC.
Fashilinta qorshe dhuumaaleysi ah: Warqadda ayaa si kulul Imaaraadka ugu eedeysay inay horraantii bishii Janaayo soo agaasimeen howlgal qarsoodi ah oo Yemen looga saarayay hoggaamiyihii hore ee STC, Caydaruus Al-Zubaydi, kadib markii lagu soo oogay dambi ah "khiyaano qaran”.
Doorka Washington iyo farriinta dadban
Mas’uuliyiinta reer Galbeedka ayaa Middle East Eye u sheegay in inkastoo warqaddu aysan lahayn saxiix rasmi ah, haddana qiimeynta sirdoonka Washington ay muujineyso inuu soo diray Maxamed Bin Salmaan.
Sidoo kale, dhambaalka ayaa u muuqday mid loo qoray in Washington ay aragto, si Sacuudigu u soo bandhigo dhibaatooyinka uu ku qabo Imaaraadka, inkastoo eray-bixinta warqadda lagu xusay in xiriirka labada dal uu yahay "mid walaaltinimo.”
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa toddobaadkan si fagaare ah u qirtay markii ugu horreysay khilaafka u dhexeeya labadan dal ee xulafada la ah Washington. "Runtii khilaaf ayaa u dhexeeya,” ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay inuu "si aad u fudud u xallin karo.”
Sida warqadda lagu xusay, Sacuudiga ayaa muujiyay "yaab” ku aaddan in Imaaraadku aaminsan yahay in Riyadh ay ku cadaadisay Mareykanka inuu cunaqabateyn saaro Abu Dhabi.
Middle East Eye ayaa horey u kashiftay in Dhaxal-sugaha Sacuudigu uu qorsheynayay inuu Trump ku cadaadiyo arrinta Imaaraadka iyo taageeradooda RSF markii uu booqday Aqalka Cad bishii Nofeembar.
Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in ololahaas Riyadh uu ahaa dhibicdii ugu dambeysay ee Imaaraadka ku dhiirrigelisay inay taageeraan duullaankii ciidamada gooni-u-goosadka Yemen bishii Diseembar.
Waa kuma Tahnoon bin Zayed?
Dhambaalkan ayaa iftiiminaya doorka muhiimka ah ee uu Tahnoon bin Zayed ku leeyahay dejinta xasaradaha dalkiisa. Wuxuu kamid yahay lixda carruur ah ee loo yaqaan "Bani Fatima” – oo ah wiilashii uu dhalay aasaasihii Imaaraadka Sheekh Saayid Bin Suldaan iyo xaaskiisii Faaduma Bint Mubaarak, waana koox uu ku jiro Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed Bin Saayid.
Tahnoon, oo lagu yaqaan muraayadaha madow ee indhaha oo uu u xirto xaalad caafimaad darteed, ayaa maamula hanti-qaran oo lagu qiyaaso hal trillion oo doollar.
Mas’uuliyiin Mareykan iyo Carbeed ah oo la kulmay ayaa ku tilmaamay shaqsi "ka debecsan kana tallaabo ogaal badan” madaxweynaha walaalkiis ah. Tusaale ahaan, isaga ayaa hormuud ka ahaa soo celinta xiriirkii Imaaraadka iyo Qadar kadib go’doomintii 2017.
Isku soo wada duuboo, warqaddani waxay hoosta ka xarriiqaysaa in maaraynta khilaafkan diblomaasiyadeed ee culus uu noqon doono "arrin qoys” oo ay u xusul-duubayaan walaalaha maamula labadaas dal ee awoodda badan.




0 



Maxamed Bin Salmaan oo warqad xasaasi ah u diray Maxamed Bin Zayed walaalkiis
.