Taliban oo digniin culus dirtay

0
Sunday February 22, 2026 - 10:37:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo digniin culus dirtay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay "toddobo goobood iyo xero argagixiso” oo ku yaalla xadka Pakistan iyo Afgaanistaan, iyadoo la tixraacayo sirdoon.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in tobaneeyo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur lagu dilay duqeymaha ay diyaaradaha Pakistan ka fuliyeen Nangarhar iyo Pakistan.

Isla mar ahaantaana, Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taliban ayaa ka digtay aargoosi ‘waqtiga ku habboon’.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareynayso weerarrada Pakistan ay dhawaan ku qaadday ‘goobaha rayidka’ ee gobollada Nangarhar iyo Paktika.

Sida laga soo xigtay BBC Pashto, afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Afgaanistaan ​​Inayatullah Khawarizmi, ayaa hadal uu soo saaray oo lagu sii daayay mareegaha xiriirka bulshada ee X, wuxuu ku tilmaamay duqeymaha Pakistan inay yihiin "kuwo xadgudub ku ah madaxbannaanida qaranka Afgaanistaan” wuxuuna sheegay in Afgaanistaan ​​ay u aragto tallaabadan mid si cad u jabinaysa sharciga caalamiga ah, mabaadi’da deris wanaagga iyo qiyamka Islaamka.

Taliban oo digniin culus u dirtay ...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip