Muxuu Saciid Deni ka yiri wada-hadallada Villa Soomaaliya iyo doorashooyinka 3 maamul?

0
Sunday February 22, 2026 - 07:21:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Saciid Deni ka yiri wada-hadallada Villa Soomaaliya iyo doorashooyinka 3 maamul?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay kulan la yeeshay qaar kamid ah bulshada Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Deni ayaa ugu horreyn ka hadlay wada-hadallada ay kula jiraan Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay dhab ka tahay oo ay doonayaan in la gaaro heshiis siyaasadeed, si looga gudbo xaaladda adag ee uu dalku ku jiro.

"In la heshiiyo ayay danta dalkaan ku jirtaa, runtii annaga dhab buu naga yahay heshiisku, Dalkaan in uusan culays kale sii fuulin baa na damqaysa” ayuu yiri Siciid Deni

 

 

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay doonayaan Golaha Mustaqbalka in la aado doorasho, wuxuuna farta ku fiiqay saddexda maamul ee la safan dowladda Dhexe ee ka haray doorashooyinka, isla markaana ku darsaday muddo dheeraad ah.

"Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Glbeed waa in ay doorasho galaan sida ugu dhakhsaha badan, kadibna loo sii jeesto doorashada dowladda dhexe” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xaaladda Muqdisho, isaga oo sheegay in weli ay lix jeclo ay ka hayso caasimada iyo inuu sii arko dadkiisa, gaar ahaan degmadii uu daganaa ee Howl-wadaag.

 

 

"Xamar waa naloo kala sheekeyey, cid iiga lexo jeclo badan ma jirto dadka in aan arko rabaa, waxaan garanayaa Xamar siday ahayd berisamaadkii. "Waxaan jeclaan lahaa caawa in aan Howl-wadaag joogo, dadka Soomaaliyeed waa walaalo.”ayuu sii raaciyay Saciid Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in la sii amba qaado wada-hadallada uu dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo markii labaad ka dhacaya Xarunta Villa Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirka maanta diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta. Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

 

 

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip