
Dalalka Cararbta iyo Islaamka oo jawaab kulul ka bixiyey hadalladii Mike Huckabee
Isbaheysi ka kooban dala Carab yo kuwa Islaam ah ayaa Axaddii si adag u dhaleeceeyay hadallo ka soo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, kaas oo si dadban u xalaaleeyay in Israa’iil ay dhulal hor leh ka goosato waddamada Carabta ee deriska la ah.
Dalalkan ayaa ka digay in hadalladan xanafta leh ay qalalaase hor leh u horseedi karaan gobol markii horeba xasarado la daalaa-dhacayay.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay hormuud ka ahayd Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa 14 waddan iyo saddexda urur goboleed ee ugu waaweyn dunida Islaamka waxay ku tilmaameen hadallada Danjire Mike Huckabee inay yihiin kuwo "khatar ah, xaaladdana sii hurinaya,” isla markaana ah xadgudub qaawan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.
Qeyladhaantan ayaa dhalatay kadib wareysi xasaasi ah oo uu Huckabee siiyay weriyaha muxaafidka ah ee Mareykanka, Tucker Carlson. Markii wax laga weydiiyay sheegashada dhuleed ee Israa’iil, danjiraha ayaa soo xigtay aayad ku jirta Baybalka oo qeexaysa in dhulka Yahuudda uu ku fidsan yahay "laga soo bilaabo Webiga Niil ilaa Webiga Furaat,” isagoo raaciyay: "Waa caadi haddii ay dhammaan wada qaataan.”
Huckabee, oo ah barasaabkii hore ee gobolka Arkansas, xiriir dhow-na la leh dhaqdhaqaaqa Masiixiyiinta Wacdiyaha ah (Evangelicals) ee Mareykanka, isla markaana in muddo ah taageere weyn u ahaa deegaameynta Yahuudda, ayaa markii dambe isku dayay inuu jilciyo hadalkiisa.
Wuxuu sheegay in Israa’iil aysan qorsheynayn inay ku fido dalalka madax-bannaan ee deriskeeda ah. Si kastaba ha ahaatee, raalli-gelintaas ma aysan damin carada ka dhalatay gobolka oo weli la tacaalaya cawaaqibka dagaalkaG.
Waddamada saxiixay baaqa Axadda soo baxay waxaa ka mid ah:Saudi Arabia, Masar, Jordan, Imaaraadka, Indonesia, Pakistan, Türkiye, Qatar, Kuwait, Oman, Bahrain, Lebanon, Syria, iyo Falastiin, iyo ururada;Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Jaamacadda Carabta iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).
Isbaheysigan ayaa sheegay in erayada danjiraha ay "khatar weyn” ku yihiin amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, iyagoo ku eedeeyay inuu isku dayayo "in la sharciyeeyo in lala wareego dhulal ay leeyihiin dad kale.”
Waxay sidoo kale ku booriyeen Washington inay si cad u qeexdo mowqifkeeda rasmiga ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo dowladda Israa’iil aysan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.
Dalalkan ayaa isku dayay inay kala saaraan fikirka xagjirka ah ee Huckabee iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee rasmiga ah ee Mareykanka, iyagoo xusay in hadalladiisu ay ka hor imaanayaan "aragtida” uu soo bandhigay Madaxweyne Donald Trump iyo qorshaha ballaaran ee lagu soo afjarayo colaadda Gaza.
Murankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Daanta Galbeed (West Bank), taas oo ay Israa’iil xoog ku haysatay tan iyo dagaalkii 1967-kii.
Toddobaadkii hore, xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa oggolaatay in la bilaabo diiwaangelin dhuleed oo rasmi ah oo laga sameeyo Daanta Galbeed markii ugu horreysay tan iyo 1967, tallaabadaas oo Falastiiniyiinta iyo hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay ku tilmaameen "la-wareegid dadban”.
U.S. Ambassador to Israel Mike Huckabee is seen during an interview in Jerusalem,
Wednesday, Aug. 20, 2025. (AP Photo/Ohad Zwigenberg)


0 



Dalalka Cararbta iyo Islaamka oo jawaab kulul ka bixiyey hadalladii Mike Huckabee
.