Guul-darro taariikhi ah oo maanta ku dhacday Trump

0
Friday February 20, 2026 - 11:56:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guul-darro taariikhi ah oo maanta ku dhacday Trump

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa Jimcaha maanta ah gaartay go’aan taariikhi ah oo ay ku laashay canshuurihii baaxadda lahaa ee uu Madaxweyne Donald Trump kusoo rogay badeecadaha caalamka, taasoo dharbaaxo weyn ku ah udub-dhexaadka barnaamijkiisa dhaqaalaha.

 

Go’aankan oo muujinaya kala qeybsanaan dhif iyo naadir ah oo dhanka aragtida ah, ayay maxkamaddu cod aqlabiyad ah oo 6-3 ah ku xakameysay awoodaha fulinta ee uu si ballaaran u adeegsanayo madaxweynaha Jamhuuriga ah.

Garsoorayaasha muxaafidka ah ee kala ah Guddoomiyaha Maxkamadda John Roberts, Amy Coney Barrett iyo Neil Gorsuch ayaa la saftay saddexda garsoore ee garabka bidix, si ay u ridaan xukunkan.

 

 

Xukunkan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya canshuurtii aasaasiga ahayd ee10%ahayd ee Trump uu si iskiis ah ugu soo rogay ku dhawaad dhammaan waddamada adduunka bishii Abriil ee sanadkii 2025-ka, tallaabadaas oo uu ugu magac daray "Maalinta Xoreynta” (Liberation Day).

Sidoo kale, go’aankan wuxuu burinayaa canshuuraha kale ee aargoosiga ah ee la saaray saaxiibbada ganacsi ee ugu waaweyn Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mexico, Shiinaha, Midowga Yurub, Japan, iyo Kuuriyada Koonfureed.

"Madaxweynuhu wuxuu sheeganayaa awood aan caadi ahayn oo uu iskiis ugu soo rogi karo canshuuro aan xad lahayn dhanka cadadka, waqtiga, iyo baaxaddaba,” ayuu yiri Guddoomiye Roberts oo u hadlayay aqlabiyadda maxkamadda.

 

 

"Marka la eego baaxadda, taariikhda, iyo macnaha dastuuriga ah ee awoodda uu sheeganayo, waa inuu keenaa oggolaansho cad oo ka yimid Koongareeska si uu u adeegsado,” ayuu raaciyay.

Aqlabiyadda garsoorayaasha ayaa caddeeyay in sharciga awoodaha xaaladaha degdegga ah ee sanadkii 1977-kii—kaas oo Trump uu cuskaday si uu u meelmariyo canshuurahan—uusan gaarsiisnayn heerkii oggolaanshaha Koongareeska ee loo baahnaa si loo hareermaro Dastuurka, kaas oo awoodda canshuur-qaadista siinaya oo kaliya Koongareeska.

Jawaabta kulul ee Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag u dhaleeceeyay garsoorayaasha laashay canshuuraha, isagoo lixda xubnood ee Maxkamadda Sare ku eedeeyay inay "ka baqayaan inay sameeyaan waxa saxda ah.”

Shir jaraa’id oo uu qabtay saacado kadib markii maxkamaddu go’aanka soo saartay, madaxweynaha ayaa sheegay inuu "ceeb u dareemayo ” garsoorayaasha u codeeyay inay hor istaagaan canshuurihiisa.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay garsoorayaasha garabka bidix ee ku biiray saddexda muxaafidka ah, isagoo ku tilmaamay inay yihiin "kuwo ceeb ku ah qarankeenna.”

 

 

"Go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan canshuuraha waa mid si qoto dheer looga niyad jabo, waana ceebeeneynaa xubnaha qaar ee maxkamadda, gabi ahaanba waan ceebeeneynaa, maadaama aysan lahayn geesinimo ay ku sameeyaan waxa u wanaagsan dalkeenna,” ayuu yiri Trump.

Go’aankan ayaa guul-darro taariikhi ku ah Trump, oo soo rogista canshuuraha ka dhigtay aalad iyo awood uu ku handado dalalka caalamlka, oo ay ku jiraan kuwo saaxiibo dhow la ah Mareykanka, sida Canada iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa, si kastaba, ballan qaaday inuu adeegsan doono "waddooyin kale oo beddel ah” si uu dib ugu soo celiyo canshuurihiisa, isagoo soo jeediyay suurta-galnimada inuu cunaqabateyn ganacsi kusoo rogo waddamada kale.

President Donald Trump walks to Marine One for departure from the South Lawn of the White House, Friday,
 Jan. 16, 2026, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip