
Rajada Sacuudi Carabiya ee helitaan Nukliyeer oo sare u kacday kadib go'aanka Trump
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku wargeliyay Koongareeska dalkaas inuu wado qorshe uu Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula galayo heshiis dhanka tamarta nukliyeerka rayidka ah, kaas oo aan la socon shuruudihii adkaa iyo damaanad-qaadyadii looga hortagayay in Riyaad ay horumariso hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.
Sida ku cad dokumiinti loo diray Koongareeska oo ay aragtay wakaaladda wararka eeReuters, tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa siyaasad soo jireen ah oo Washington ay ku xakameyn jirtay barnaamijyada nukliyeerka ee xulafadeeda.
Madaxweyne Trump iyo madaxweynihii isaga ka horreeyay, Joe Biden, ayaa labaduba Boqortooyada kala shaqeynayay waddooyin u gogol-xaaraya dhismaha warshaddii ugu horreysay ee Sacuudigu u adeegsado dhalinta korontada nukliyeerka.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli uu caalamka ka jiro walaac xooggan oo ku aaddan in dib loo bilaabo loolanka hubka nukliyeerka, gaar ahaan kadib markii horraantii bishan uu dhacay waqtigii heshiiskii ugu dambeeyay ee xaddididda hubka istiraatiijiga ah ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Ruushka, iyo sidoo kale xukuumadda Beijing oo si xowli ah u ballaarinaysa keydkeeda hubka nukliyeerka.
Walaaca siyaasiyiinta iyo khubarada amniga
Khubarada xakameynta hubka, siyaasiyiin badan oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, iyo xubno sarsare oo Jamhuuri ah – oo uu ku jiro Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio xilligii uu ahaa Senator – ayaa si adag ugu dooday in heshiis kasta oo lala galayo Riyaad uu yeesho xadeyn adag.
Shuruudaha ay dalbanayaan waxaa ugu weyn:
1- In Sacuudiga laga mamnuuco awoodda lagu tayeeyo (enrichment) Yuraaniyamka ama dib-u-warshadaynta shidaalka nukliyeerka, kuwaas oo loo arko waddooyin fududeyn kara sameynta hubka atoomikada.
2- In Sacuudiga uu aqbalo waxa loo yaqaan "Hab-maamuuska Dheeraadka ah” (Additional Protocol), kaas oo Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka (IAEA) siinaya awood ballaaran oo ay kormeero kedis ah ugu sameyn karto xarumaha aan horey loo diiwaangelin.
Ururka u dooda xakameynta hubka eeArms Control Association (ACA)ayaa Khamiistii sheegay in maamulka Trump uu bishii Nofeembar warbixin horudhac ah u diray madaxda guddiyada Koongareeska.
Kelsey Davenport, oo ah madaxa siyaasadda xakameynta faafitaanka hubka ee ACA, ayaa tiri: "Warbixintu waxay kicineysaa walaac ah in maamulka Trump uusan si taxadar leh uga fiirsan khataraha ku gadaaman heshiiskan iyo tusaalaha xun ee uu gobolka uga tagi karo.”
"Daloolka” heshiiska iyo ujeedada Sacuudiga
Qabyo-qoraalka heshiiskan iskaashi oo loo yaqaan "123 Agreement”, ayaa dhigaya in shirkadaha Mareykanka ay udub-dhexaad u noqdaan barnaamijka nukliyeerka Sacuudiga si loo xaqiijiyo ammaanka.
Si kastaba ha ahaatee, dokumiintiga ayaa wuxuu albaabka u furayaa in Sacuudigu uu aakhirka yeesho barnaamij lagu tayeeyo Yuraaniyamka.
Walaacan ayaa ah mid salka ku haya hadal uu sanadkii 2023-kii jeediyay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS), kaas oo ku hanjabay in boqortooyadu ay sameysan doonto hub nukliyeer ah haddii xafiiltankooda Iiraan ay sidaas sameyso.
"Haddii ay mid helaan, waa inaan anaguna mid helnaa si aan u ilaalino amniga iyo isku dheellitirnaanta awoodda Bariga Dhexe,” ayuu u sheegay telefishinkaFox News.
Ugu dambeyntii, ururka ACA ayaa sheegay in maamulka Trump uu heshiiskan rasmiga ah u gudbin karo Koongareeska ugu horreyn 22-ka bishan Febraayo.
Sharciga Mareykanka ayaa dhigaya in haddii labada aqal ee Koongareeska (Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiilada) aysan muddo 90 maalmood gudahood ah ku meel-marin qaraar ay kaga soo horjeedaan, heshiiska "123 Agreement” uu si toos ah u dhaqan-geli doono, Riyaadna ay u oggolaan doonto barnaamijkeeda nukliyeerka rayidka ah.
Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Safaaradda Sacuudiga ee Washington kama aysan jawaabin codsiyo ku aaddan inay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.


0 



Rajada Sacuudi Carabiya ee helitaan Nukliyeer oo sare u kacday kadib go'aanka Trump
.