Soomaaliya oo ku biirtay dalalka cambaareeyay tallaabooyinka Israa'iil ee Daanta Galbeed

0
Thursday February 19, 2026 - 17:25:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ku biirtay dalalka cambaareeyay tallaabooyinka Israa'iil ee Daanta Galbeed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Soomaaliya ayaa ku biirtay in ka badan 100 dowladood iyo ururo caalami ah oo soo saaray bayaan wadajir ah oo si adag u cambaareynaya tallaabooyinka ay Israa’iil ka waddo dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Bayaankan oo ay taageereen dalal badan iyo ururo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, ayaa lagu sheegay in go’aannada dhinac keliya ah ee lagu ballaarinayo degsiimooyinka ay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah isla markaana ay wiiqayaan dadaallada nabadeed.

Qodobada ugu muhiimsan ee bayaanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa in si adag loo cambaareeyay ballaarinta deegaanmeynta yo ku-darista dhul cusub.

Waxaa la diiday tallaabo kasta oo wax ka beddeleysa qaab-dhismeedka demograafiyadda dhulka Falastiiniyiinta.

Waxaa la adkeeyay in tallaabooyinkaas ay carqaladeynayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaa la taageeray xaqa shacabka Falastiin ee is-go’aaminta.

Bayaanku wuxuu sidoo kale ku celiyay in xalka laba dowladood oo ku dhisan xuduudihii 1967 uu yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta, iyadoo labada dal ay ku wada noolaanayaan nabad iyo amni.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee bayaankan ayaa muujinaya mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo taageerada xal nabadeed oo waara

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip