
Golaha wasiirada oo xilkii ka qaaday agaasimihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka, waxaanna guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.
Golaha ayaa ansixiyay Axdiyo iyo Siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah
1. Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).
3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).
Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.


0 




Golaha wasiirada oo xilkii ka qaaday agaasimihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha.
.