HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 18-FEB-2026

0
Wednesday February 18, 2026 - 08:55:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 18-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirkii u dhaxeeyay Dowladda iyo Mucaaradka oo shalay ka furmay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay kulan fool-ka-fool ah la yeeshay hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin ma daxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, madaxweynihii hore Shei -kh Sharif Sheikh Ahmed, ra’iisul wasaa reyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo muca -arad ah.

Kulankan oo ku furmay qado sharaf uu madaxweynuhu u sameeyay madaxda Golaha, ayaa hordhac u ah wada-hadal lo la xiriira muranka doorashooyinka iyo wax-ka-beddellada dastuurka ee haatan taagan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisha -kuur Warsame oo ka mid ahaa masuu liyiinta mucaaradka ee shirka ka qeyb galay, ayaa sheegay in kulanka uu rajo gelinayo in la helo xal siyaasadeed oo lagu wajaho xaaladaha adag ee dalka.

"Waxaan rajaynayaa in wadahadalku miro-dhal noqdo si dalka looga samatabi xiyo xaaladda adag ee abaaraha, culays yada dhaqaale, hubanti la’aanta siyaasa deed ee xilliga kala-guurka iyo damaca shisheeyaha,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi -raxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, xoghayaha Golaha Musta qbalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Car -ab, ayaa warbaahinta u sheegay in kula nka shalay uu ahaa "is-arag kaliya”, isla markaana la filayo in maalmaha soo soc da ay sii socdaan kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya dhinacyada.

Shirka ayaa duhurnimadii shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku til maamay kulanka mid ku furmay jawi deg gan oo wada-hadal ah, islamarkaana la isku afgartay in la sii ambaqaado wada-xaajoodyada si xal waara looga gaaro arrimaha muranka dhaliyay, gaar ahaan doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuu rka.

Kulamadan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xa saasi ah, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku sii jeedaan natiijada ka soo baxda wada-hadalladan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa -alka Soomaaliya, Mudane Xasan Shee kh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaali yeed ee ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu ha mbalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida oo har iyo habeen, qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku bixinayaan sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bulsh -ada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, isla markaana ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bul shada.

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa kuwareejiyey Wasiirka Amniga Gu daha Mudane General Abdulahi Sheikh Ismail "Fartaag” iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Mustafa Sheekh Axmed Dhuxu -low, go’aanka rasmiga ah ee Dowlada Soomaaliya loogu Ogalaadey daabacaa da baasaboorka EAC iyo naqshadiisa (Passport Features)

Go’aankan ayaa ayaa kusoo beegma ya xili ay shaley kala saxiixdeen Dowlad aha Soomaaliya iyo Tanzania sidoo ka leed go’aanka rasmiga ah ayaa u ogolaa naya in laga bilaabo bishii hore ee Dece mber 2025 ay Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya si rasmi ah u daabacan karto baasaboorka Ururka Bulshada Afri ka Bari (EAC), Arintaan ayaa dowlada Soomaaliya uga dhiganta horumar diblo maasiyadeed oo muhiim ah, isla markaa na xoojinaysa isdhexgalka gobolka, fudu deynta isu socodka muwaadiniinta EAC.

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka munaasabadda bilo wga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaam ay in bishan ay ku soo aadday xilli ay da dka Soomaaliyeed wajahayaan duruufo adag iyo abaaro saameyn weyn ku yee shay dadka iyo duunyada intaba. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay badiyaan ducada iyo baryada Alle, si dalka looga saaro dhibaatada, loona helo nabad iyo barwaaqo waarta.

Madaxweynihii hore ayaa ku boorriyay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan taakuleynta walaalahooda danyarta ah, si looga fududeeyo culayska nololeed ee ay xilligan la daalaa-dhacayaan.

Wuxuu ku sifeeyay bisha Ramadaan inay tahay fursad qaali ah oo loo baahan yahay in lagu dhex jiro cibaado, is-cafin iyo xoojinta walaalnimada.

Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay saa meynta abaaraha, isagoo xasuusiyay dadka wax haysta inay gacan qabtaan dadka ay tabaalaysay abaartu.

Wasiirka arrimaha Dibadda oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa -shiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfur ta Suudaan. Kulankaas ayay uga wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.

Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabil san Koonfurta Suudaan ayaa ugu ham balyeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya doorashadeeda kursiga Go laha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, isaga oo sidoo kale ku ammaa nay doorka ay Soomaaliya ka qaadanay so horumarinta nabadda iyo amniga qaa radda Afrika, iyo taageerada ay siiso xas illoonida iyo koboca dhaqaale ee Koonfu -rta Suudaan, iyada oo loo marayo xubin nimada wadajirka ah ee Ururka Gobolee dka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afri ka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee ku aadd an nabadda gobolka iyo tan qaaradda, wuxuuna ballanqaaday in la xoojin doono wada-shaqeynta iyo isku-duwidda IGAD iyo la-hawlgalayaasha gobolka.

Dowladda Imaaraatka oo hakisay taageeradii amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa -shiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdi salaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa xaqiiji yay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay joojisay taageeradii dhinaca amniga oo ay siin jirtay Soomaaliya, ka ddib markii ay xukuumadda federaalku si rasmi ah uga baxday heshiisyadii u dhexeeyay labada dal.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in taageera da Imaaraadku ay si gaar ah ugu koo bnayd dhanka ciidamada iyo hay’adaha amniga. "Taageerada ay dowladda Imaa raadku bixin jirtay badankeeda waxay ku koobneyd dhinaca ciidamada. Maaddaa ma heshiisyadii laga baxay, ma jirto sa bab muuqata oo taageeradaas ay ku sii socon karto,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdi salaan Dhaay ayaa xusay in inkastoo taageerada amni la joojiyay, haddana xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uusan go’in. Wuxuu tilmaamay in labada safaaradood ee ku kala yaalla Muqdisho iyo Dubai ay si caadi ah u shaqeyna yaan, taasoo muujinaysa in xiriirka guud ee labada dowladood uu weli taagan ya hay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ay qaateen uusan wax xiriir ah la lahayn eedeymaha loo jeediyay Imaa raadka ee ku saabsan faragelinta lagu sheegay inuu ku hayo dalalka Suudaan iyo Yemen, halkaas oo lagu eedeeyay inuu taageero siiyo jabhado hubeysan oo dagaal kula jira dowladahaas.

Bishii Janaayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u baabi’I say dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen ku wa la xiriira iskaashiga amniga, iyadoo ku eedeysay in Imaaraadku faragelin ku hayo arrimo wax u dhimaya madax-ban naanida iyo midnimada dalka.

Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwid da Ilaalinta Bulshada (Social Protection Coordination Meeting), kaas oo loogu ta lagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Gobolee -dyada, iyo bah-wadaagta si loo dardar geliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Salim Aliyow Ibroow, oo adkeeyay muhiimadd a ay leedahay isku-duwidda dadaallada ilaalinta bulshada iyo gaarista dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaa radda, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa ka qeyb-gashay shirka, iyadoo iftii misay doorka hoggaanka Wasaaradda ku leeyahay horumarinta iyo isku-duwid da barnaamijyada ilaalinta bulshada

Intii uu socday shirka, waxaa lagu soo bandhigay horumarka iyo casharrada la ga bartay barnaamijyada kala ah.

Child Sensitive Social Protection (CSSP),Baxnaano, SAGAL Project, USR iyo SPDS.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray si dii loo xoojin lahaa nidaamka ka jawaabi sta dhibaatooyinka degdegga ah (Shock Responsive Social Protection) iyo kor u qaadista isku-duwidda iyo wadaagista xogta.

Shirkani wuxuu qeyb ka yahay dadaalla da Wasaaradda ee lagu dhisayo nidaam ilaalin bulsho oo waara, isla markaana gaaraya dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Muda -ne Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheli yaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Muda ne Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidan ka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shalay gaaray deegaannada Sa biid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeel laha Hoose, si dib-u-dejin loogu samee yo qoysaskii ay kooxda Khawaarijta ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan.

Ujeeddada socdaalka mas’uuliyiinta ay aa ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, isla markaana la dardargeli yo howlaha dib-u-soo-kabashada bulsha da.

Dadka deegaanka ayaa lagu wareeji yay guryo cusub oo la dhisay kaddib xor eyntii deegaannadan.

Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deega annadaas, si loo xoojiyo nolol-maalmeed ka bulshada loona dardargeliyo dib-u-dhiska deegaannada xorta ah.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in bishii Ramadaan laga arkay meelo ka mid ah dalka

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa ku dha waaqay in maalinta berri ay tahay maali -nta koowaad ee bisha Ramadaan, kad dib markii la xaqiijiyay aragtida bisha meelo ka tirsan gobollada dalka

Wasiirka oo goor dhow ka soo muuq day warbaahinta dowladda, ayaa shee gay in aragtida bisha laga xaqiijiyay magaalooyin ay ka mid tahay Baladwey ne, halkaas oo nin dhaqtar ah oo ay wa saaraddu la xiriirtay uu caddeeyay inuu bisha arkay.

Sheekh Mukhtaar ayaa xusay in dowla ddu ku kalsoon tahay muwaadiniinta soo sheegay aragtida bisha, sidaas darteed na ay ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed aya a sidoo kale sheegtay in la arkay bisha Ramadaan, iyaga oo tilmaamay in dalal badan oo Islaami ah laga arkay bisha, islamarkaana ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan fursad da cibaado ee bisha barakaysan.

Ra’iisul Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kaddib shaacinta bisha Ram -adaan wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Ramadaan.

Raysal wasaare Xamse ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay in la garab istaago dadka ay abaartu saamey say.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan dowl ad goboleedyada dalka ayaa looga dha waaqay dhalashada bisha Ramadaan.

Maxkamadda Degmada Hargeysa oo xukun ku ridday fannaanka Mubaarik Oktoober oo jidh dilay Fannaanada Farxiya Fiska

Maxkamadda Degmada Hargeysa aya a xukun ku ridday Mubaarik Axmed Yuu suf, oo loo yaqaan Mubaarik Oktoober, kadib markii lagu helay dambi la xidhii dha jidh dil uu u geystay xaaskiisa, fan naannada Farxiya Axmed Caddaawe Geedi (Farxiya Fiska).

Sida ku cad warqadda rasmiga ah ee kasoo baxday maxkamadda, taariikhdee duna tahay 17/02/2026, dambiga lagu helay fannaanka waxa uu ku salaysan yahay qodobka 440(1) ee Xeerka Ciqaa -bta.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Muba -arik Oktoober xadhig dhan hal sano iyo afar bilood, iyadoo sidoo kale ku xukun tay inuu bixiyo xuquuq madani ah oo la xidhiidha falka lagu helay.

Warqadda maxkamadda ayaa sheegay sa in muddada xadhigga laga bilaabayo maalintii la qabtay, oo ku beegnayd 18/01/2026, halka xukunkana si rasmi ah loogu dhawaaqay 17/02/2026. Sidoo kale, waxaa lagu caddeeyay in xukunka uu ka furan yahay racfaan muddada sharcigu oggol yahay.

Ugu dambayn, maxkamaddu waxay far riin u dirtay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, iyadoo ku amartay in xabsiga lagu hayo fannaanka ilaa inta uu ka dhammaanayo xadhigga lagu riday, isla markaana uu bixiyo xuquuqda madaniga ah ee lagu waajibiyey.

Wareysi ay Farxiya Fiska siisay warbaa hinta 5 Febraayo ayay Farxiya ku sheeg tay in ninkeeda Mubaarik Axmed Yuusuf, oo goobaha fanka looga yaqaano "Mub aarik Oktoober”, uu weerar ku qaaday, kuna hayay qol muddo ku dhow afar saacadood, halkaas oo ay sheegtay in uu ku jidhdilay.

"Waxa igu dhacay ma aha wax yar. Ma aanan filayn,” ayay tidhi Farxiya. "Jidhka yga meel caafimaad qabta ma jirto. Wuu i ceejiyay, wuxuuna rabay inuu i dilo. Cunahayguna weli wuu i xanuunayaa.”

Farxiya waxay sheegtay in Mubaarik la xidhay kadib dhacdada, balse lagu sii daayay dammaanad. Waxay intaas ku dartay in ay go’aansatay inay dacwad maxkamadeed la tiigsato, isla markaana ay haatan ku guddo jirto sidii ay dhib keeda maxkamada ugu soo bandhigi lahayd.

Somaliland oo ka hadashay sababta Turkiga iyo Jabuuti uga soo horjeedsadeen aqoonsigeeda

Somaliland ayaa sheegtay in dowlado kooban ay si adag uga horyimaadeen aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, iyada oo si gaar ah u xustay Soomaaliya, Turki ga iyo Jabuuti, kuwaas oo ay sheegtay in danohooda awgeed u diidan yihiin aqoonsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waray si siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in dunida badankeedu aanay si toos ah uga hor iman aqoonsiga.

Waxa uu sheegay in dowladaha ka Soo horjeedsaday aqoonsigu anay dantooda ka dhex arag sida darteeda ay ku jiraan olole lagu diidandanyahay xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil, isaga oo si gaar ah uga hadlay dowlada Turkiga, oo dano badani ka dhexeeyaan Soomaaliya.

"Turkigu in uu arrinta dhibsado aad aya anu ula yaabannahay, waayo waxa uu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Islaa m ah ee aqoonsada Israa’iil. Turkigu wa xa uu ahaa dowlad aanu walaalo nahay, laakiin waxa ay u egtahay in uu ka eegay uun dhanka dantiisa,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in heshiisyada ay Ankara la gashay dowladda Soomaaliya awgood uu Turkigu uga soo horjeedo aqoonsiga Somaliland, balse aanu diidn ayn Israa’iil, isla markaana muddo aad u dheer uu xidhiidh diblumaasiyadeed la lahaa Israa’iil lafteeda.

Aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil ayaa diidmo ballaadhan kala kul may Jaamacadda Carabta, Midowga Afri ka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ururro goboleedyo kale, iyada oo qaar ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn Bariga Dhexe sida Sucuudi ga, Masar iyo Qatar ay ka hor yimaa deen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankee da wada olole diblumaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedo aqoonsiga, iyada oo cadaadis ku saaraysa Israa’iil in ay si buuxda uga noqoto xidhiidhka cusub ee ay la yeelatay Somaliland.

Dalalka Carbeed iyo Islaamka oo si kulul u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ee Deegaamaynta Daanta Galbeed

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boq -ortooyada Sacuudi Carabiya, Urdun, Imaaraadka Carabta, Qatar, Indonesia, Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aan ay Israa’iil ku sheegtay in dhulal ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto loo aqoonsado "dhul dowladeed”, iyada oo lagu deegaa maynayo dad Yuhuud ah.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen a yay ku tilmaameen tallaabadan mid shar ci-darro ah oo khatar weyn ku ah xaalad da, islamarkaana lagu dardargelinayo ballaadhinta degsiimooyinka, la wareegi dda dhulka Falastiiniyiinta, iyo xoojinta gacanta Israa’iil ku hayso dhulka la haysto.

Wasiirradu waxay sheegeen in go’aan kani uu si cad u jebinayo sharciga caala miga ah iyo sharciga bani’aadannimada, gaar ahaan Heshiiska Afraad ee Geneva, iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo uu ka mid yahay Qaraarka 2334.

Sidoo kale, bayaanka ayaa xusay in tal laabadani ay ka hor imanayso aragtidii talo-bixinta ahayd ee Maxkamadda Caa lamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee ku saabsanayd cawaaqibta sharci ee ka dhalan karta siyaasadaha iyo ficillada Israa’iil ee dhulka Falastiin ee la haysto. Maxkamaddu waxay hore u muujisay in tallaabo kasta oo wax ka beddelaysa xaaladda sharci, taariikheed iyo midda dadweyne ee dhulka la haysto ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana ay waajib tahay in la soo afjaro gumeysiga.

Dalalkan ayaa sheegay in go’aankan cusub uu yahay isku day lagu abuurayo xaalad sharci iyo maamul oo cusub si loo xoojiyo gacan-ku-haynta dhulka la haysto, taasoo wiiqaysa rajada xal laba-dowladood ah, isla markaana halis gelinaysa in la helo nabad caddaalad waarta oo ka hirgasha gobolka.

Ugu dambeyn, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa ku baaqay in beesha caa lamku qaadato mas’uuliyaddeeda, isla markaana ay tallaabooyin cad oo wax ku ool ah ka qaaddo joojinta xadgudubya daas, si loo ilaaliyo xuquuqda aan la duu dsiin karin ee shacabka Falastiin, in la soo afjaro gumeysiga, iyo in la dhiso do wlad madax-bannaan oo leh xuduudihii 4-ta Juun 1967, iyadoo Qudus Bari ay noqoneyso caasimaddeeda.

Bayaankan ayaa lagu taariikheeyay 17-ka Febraayo 2026, waxaana soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Somaliland oo beenisay in Israa’iil ay ka wada hadleen arrimaha qaxootiga Falastiin sida Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somali -land, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa beeniyay waraysigii Madaxweynaha Soo maaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dhawaan siiyay Al Jazeera, kaas oo uu ku sheegay in Somaliland iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen in qaxootiga Falastiiniyiin -ta loo raro Somaliland.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha, isa ga oo sheegay in Somaliland iyo Israa’iil labaduba ay si toos ah marar kala du wan u beeniyeen jiritaanka warkan.

"Horta taasi dee wuu iska hadlay, nin iska hadlay weeye, laakiin anigu taa la manaan yaabin, waayo waxay ku tusay saa uun sida uu uga soo horjeedo aqoo nsiga Somaliland, taas uun baa ku kalif tay. Laakiin waad ogtahay Israa’iilna way ka hadashay, annaguna waanu ka hadalnay, wax arrintaas ku saabsan oo aanu ka wada hadalnayna ma jiro,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xa -san Sheekh looga baahan yahay in uu keeno caddaynta halka ay Somaliland iyo Israa’iil kaga wada hadleen arrimaha Falastiin, isaga oo tilmaamay in Madax weyne Xasan uu dhowr jeer dhankiisa is ku dayay in uu xidhiidh la sameeyo Israa’iil, balse aanay u suuragelin.

Waxa uu sidoo kale beeniyay eedayntii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahayd in Somaliland ay Israa’iil kula heshiisay in ay saldhig milatari oo weerar ah ka siiso Badda Gacanka Cadmeed, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan aanu waxba ka ogayn heshiiska labada dhi nac, isla markaana uu raadinayo wax ka sta oo uu ku ceebayn karo.

Wasiirka oo mar kale si khaas ah loo weydiiyay in Israa’iil saldhig ka dhiganay so Somaliland, ayaa ku gaabsaday in labada dhinac ay ka wada shaqayna yaan wixii dan u ah, isaga oo ka gaab saday in uu si cad u sheego in saldhiggu ka mid yahay waxyaabaha lagu heshii yay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Al Jazeera u sheegay in Somaliland iyo Is raa’iil ay ku heshiiyeen in dadka Israa’iil laga barakiciyo dhulkooda loona raro Somaliland. Dhanka kale, Wasiirka Arri maha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa isaguna sheegay in arrimaha Falas tiin aanay qayb ka ahayn heshiiska dhex maray labada dhinac.

Warka sheegaya in dib u dajin Somali land loogu samaynayo qaar kamid ah dadka reer Falastiin, ayaa sannad ka hor baraha bulshada ku baahay, kadib markii wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AP ay wariyeen in Maraykanka iyo Israa'iil ay wadaan qorshe dadka reer Falastiin loogu rarayo meelo kale, sida Suudaan ama Somaliland.

Trump oo rajo ka muujiyay wadahadallada Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aaminsan ya hay in Iiraan ay doonayso inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hadalkiisa ayaa yimid ka hor wareegii labaad ee wadaxaajoodyada aan tooska ahayn ee u dhexeeya wakiillada Marey kanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Geneva, iyadoo ay dhexdhexaadineyso dowladda Khaliijka ee Cumaan.

Isagoo la hadlayay weriyeyaasha xili uu saarnaa diyaaraddiisa Air Force One, Mr Trump waxa uu sheegay inuusan u male yneynin in maamulka Iiraan ay rabaan inay wajahaan "cawaaqibka ka dhalan kara inaan heshiis la gaarin.”

Dhankeeda, wasaaradda arrimaha diba dda ee Iiraan, (iyada oo loo marayo afha yeenkeeda, Esmaeil Baqaei) ayaa shee gtay in Mareykanka uu u dhaqaaqay dhan "macquul gal ah” oo ku saabsan wadahadallada ku barnaamijka nukliyeer ka ee Tehran.

Isla kulankaas uu la yeeshay weriy eyaasha, Mr Trump waxa uu u sheegay inay "dhawaan” go’aan ka gaadhi doono inuu hub dheeraad ah u diro Taiwan.


Soo saarihihii taxanaha 'Tehran' oo maydkeeda laga helay qol hotel ku yaalla Giriigga


Booliiska Giriigga ayaa sheegay in meydka Dana Eden, oo ahayd soo-saare Israa'iili ah ee taxanaha telefishin ee "Tehran", ayaa laga helay qol hotel oo ku yaalla badhtamaha Athens.

Meydkeeda ayaa laga helay qolkii ay ka degganayd hotel u dhow Fagaaraha Syntagma ee caasimadda Giriigga Axaddii (15 Febraayo), sida ay booliisku sheegeen.

Sida ay booliiska Giriiggu sheegeen, meydka haweeneyda 52-jirka ah ayaa la ogaaday kadib markii walaalkeed uu ku guu ldarreystay inuu la xidhiidho iyada, inkasta oo uu dhowr jeer is ku dayay oo uu waayay.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa yidhi: "Baadhitaan mayd keeda ah (autopsy) ayaa la amray, muuqaallada kamaradaha ammaankana (CCTV) waa la eegay, wax walbana waxay u muuqdaan inay tilmaamayaan is-dil."

"Waa waqti murugo weyn u leh qoyska, asxaabta iyo shaqaa laha," ayay shirkadda wax-soo-saarka Donna and Shula Produ -ctions – oo ay Ms Eden wada maamuli jireen soo-saare Shula Spiegel – ku tiri bayaan ay soo saareen

Shirkaddu waxay sidoo kale bayaan ku sheegtay, iyadoo u muuqata inay ka jawaabayso warar baraha bulshada ku faafay oo ku xidhayay dhacdada Iran, in "soo-saarehu ay doonayso inay caddeyso in wararka sheegaya in geeridan ay la xirdhiidho arrimo dambiyeed ama qaranimo ay yihiin kuwo aan run ahayn oo sal lahayn."

Kan, oo ah shirkadda sii faafisa taxanahan gudaha Israa'iil, ayaa iyaduna bayaan ku sheegtay: "Waxaan la wadaageynaa dadka oo dha murugada geerida Dana Eden, oo nala soo sha qeysay muddo dheer oo wax-soo-saarro, taxane iyo barnaa mijyo ah oo ka baxay Hay'adda Warbaahinta Dadweynaha Israa'iil. Dana waxay ahayd qof sare oo ka tirsan warshadda filim samaynta Israa'iil, waxayna door weyn ka qaadatay abuu rista iyo hagidda qaar ka mid ah wax-soo-saarrada ugu caan san uguna saameynta badan."

Ms Eden ayaa u duushay Athens 12 maalmood ka hor si ay u duubto qaybtii afraad ee taxanaha basaasnimada ku saabsan, kaas oo laga sii daayo Apple TV. Saddexdii qaybood ee hore ee "Tehran", oo diiradda saaraya howlgal wakiil ka tirsan Mossad uu ka fulinayo Tehran, ayaa sidoo kale lagu duubay Athens.

Duubista qaybta afraad ayaa dib loo dhigay kadib dhacdooy inkii 7-dii Oktoobar 2023 iyo dagaalka Gaza.

Taxanahan ayaa noqday mid ka mid ah wax-soo-saarrada Israa'iil ee ugu iibka badan caalamka, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta Emmy ee Taxanaha Riwaayadda ugu Wanaag san sanadkii 2021.

Qeybtii ugu horreysay ee taxanaha "Tehran" ayaa la sii daa yay 22-kii Juun 2020 kana baxay kanaalka Israa'iil ee Kan, kadi bna Apple TV ayaa la wareegtay sii baahinta caalamiga ah.

Taxanuhu wuxuu daba socdaa Tamar Rabinian, oo ah basaa sad ku dhalatay Iran balse ku kortay Israa'iil, taasoo loo dirayo Iran howlgalkeedii ugu horreeyay ee qarsoodiga ah si ay uga qayb qaadato isku dubbaridka weerar Israa'iil ku qaaddo barn aamijka nukliyeerka Iran. Sanadkii 2021, taxanuhu wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta International Emmy ee Taxane fili meedka ugu Wanaagsan.

Qaybtii labaad ayaa la sii daayay 2022, waxaana ka soo muu qday jilaaga ruug-caddaaga Mareykanka Glenn Close, halka baahinta caalamiga ah ee xilli-ciyaareedka saddexaad ay bilaabatay Janaayo 2026. Wararka ku saabsan soo saarista qaybta afraad ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay Diseembar 2025.

"Tehran" wuxuu isku dayay inuu daawadayaasha u soo bandhigo sawir casri ah, la rumeysan karo, oo ka duwan midkii hore ee marar dhif ah lagu arkay shineemada reer galbeedka.

Qoraaga sheekada taxanaha, Moshe Zonder, ayaa sheegay in isaga iyo Daniel Sirkin ay waqti badan ku bixiyeen baaritaan ku saabsan Iran, iyagoo wareystay aqoonyahanno, saraakiil amni, khubaro amniga internetka ee Mossad, iyo tobanaan qof oo Iranian qurbajoog ah si ay u soo bandhigaan sawirka ugu saxsan ee Tehran.

Abuurayaasha taxanaha ayaa isku dayay inay si taxaddar leh ugu ekaysiiyaan jawi la mid ah caasimadda Iran magaalada Athens, iyagoo dib u sameeyay biraha jaamacadda Tehran, Waddada Enghelab, gudaha xafiisyada iyo garoonka diyaara daha Imam Khomeini, iyo faahfaahinno kale.

Mid ka mid ah qodobbada xiisaha leh ee taxanahan ayaa ah inuu soo bandhigo sawir ka duwan kii hore ee saraakiisha sir doonka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC).

Saraakiisha amniga iyo booliiska Iran ee ku jira filimkan wa xaa lagu muujiyay kuwo xirfad leh, khibrad leh, isla markaana si weyn ula mid ah wakiillada caqliga badan ee khibradda leh ee lagu arko filimada Hollywood.


Muxuu yahay ujeedka ciidamo ka socda Mareykanka ay u tageen Nigeria


Ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa gaaray dalka Nigeria si ay u tababaraan ciidammada qala bka sida ee dalkaas Galbeedka Afrika ku yaalla, isla markaana ay u siiyaan xog sirdoon dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaad la Islaami ah iyo kooxo kale oo hubeysan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Nigeria, Major General Samaila Uba, ayaa sheegay in askarta iyo qalabkoodii ay ka da geen garoon ku yaalla gobolka waqooyi-bari ee Bauchi.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in askartan aysan ka qeyb qaa dan doonin hawlgallada dagaalka tooska ah, islamarkaana ay u yimaadeen codsi ka yimid dowladda Nigeria.

Tallaabadan ayaa timid kaddib duqeymo cirka ah oo uu Marey kanku fuliyay xilligii ciidda masiixiga ee bsihii December, ku waas oo lagu beegsaday laba xero oo ay maamulayeen koox maleeshiyaad Islaami ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nigeria.

Dalka Nigeria wuxuu wajahayaa caqabado amni oo kala du wan, oo ay ka mid yihiin kacdoonno ay wadaan kooxaha Islaa miga ah, weerarro ay fuliyaan burcad dhac iyo afduub samee ya, iyo sidoo kale khilaafaad la xiriira dhul iyo kacdoonno goo ni- ugoosad ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip