
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 17-FEB-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed -eraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Muda ne Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.
Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen mu hiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dha xeeya labada dalMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceli yey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaag tay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku bo gaadiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Qatar u fidiso hay’adaha Dow ladda Federaalka Soomaaliya, gaar aha an dhinacyada horumarinta kaabeyaa sha dhaqaalaha, gargaarka bani’aada nnimo iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuum adda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka qeyb galeen madax, ga nacsato, iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa khu dbaddiisa ku soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. isaga oo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigalin ta ganacsiga, soo jiidashada maalgashi ga, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo maalga shi, gaar ahaan dhinacyada Dekadaha, Beeraha, kalluumeysiga, waxa uunna ku booriyay maalgashadayaasha caalami ga ah inay ka faa’iideystaan fursada haas.
Intii uu shirka socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda iyo daneeyayaasha kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ga nacsiga Soomaaliya.
Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka
Waxaa shalay si rasmi ah u furmay ku -lanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaali ya, kaas oo ay xildhibaannadu kaga doodayaan wax-ka-beddel lagu samey nayo Cutubka 6-aad ee soojeedinta Gud diyada Dastuurka.
Doodda kulanka ayaa si gaar ah diirad da u saareysa qodobbada la xiriira awoo daha Labada Gole iyo habraaca sharci-dejinta Baarlamaanka, iyadoo la falanqe ynayo sida loo waafajin karo nidaamka dastuuriga ah iyo hannaanka shaqo ee hay’adaha sharci-dejinta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, si loo helo hannaan sharci oo sugan, hufan, kana tarjumaya baahiyaha dowladnimada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyad da Midowga ee Tanzania ayaa kala saxii xday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha la xiriira.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mu dane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Far taag), halka dhinaca Tanzania uu u saxi ixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Muda ne Patrobas Paschal Katambi. Sidoo ka le munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa madaxda hay’adaha soc daalka ee labada dal, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.
Heshiiskan cusub waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo gana csi ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay East African Community.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobbada he shiiska, kuwaas oo diiradda saaraya fu dudeynta isu-socodka muwaadiniinta. Muwaadiniinta sita baasaboorrada diblo maasiga ah iyo kuwa shaqaalaha dowl adda ayaa laga dhaafay dal-ku-galka (Visa on Arrival). Sidoo kale, muwaadinii nta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo dardargeliyo isu-socodka dadka iyo ganacsatada.
Ugu dambeyn, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan howlwadeennada safaarad da Soomaaliya ee ka howlgala dalka Tanzania, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta heshiiskan.
Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shalay kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dad ka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danji -re Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooj inta iskaashiga labada dal ee dhinacya da kala duwan, guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen furimaha la-dagaallanka argagixisada, iyo doorka saaxiibada Soomaaliya ee taageerada iyo awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wa da hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa hambal yo u diray Dowladda iyo Shacabka Jam huuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ahmiyad siinaysa Ilaalinta xuquuqda macaamiisha Isgaarsiinta
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ay aa qabatay kulan wadatashi hal maali -n ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaar siinta.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay shir kadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeeg ga internet-ka (ISPs), shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, wakiillo ka socday macaamiisha, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah si ay u falanqeeyaan qaab-dhismeedka qab yo-qoraalka una bixiyaan talooyin ku saabsan hirgelintiisa wax-ku-oolka ah.
Wadatashigu wuxuu iftiimiyay ujeedda da siyaasadeed, mabaadi’da hagta xeer-nidaamiyaha, iyo qodobbada muhiimka ah ee ku jira qabyo-qoraalka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaa rsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka kulanka, ayaa tilmaamay baahida loo qabo xoojin ta kalsoonida macaamiisha maadaama suuqa dijitaalka ee Soomaaliya uu sii ballaaranayo.
"Jawi isgaarsiineed oo caddaalad ah, hufan, isla markaana isla-xisaabtan leh ayaa lagama maarmaan u ah dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo taageeridda isbeddelka dijitaalka ah ee dalka. Ilaalinta xuquuqda macaamiishu waa masuuliyad wadajir ah oo ka dhexaysa Hay’adda iyo bixiyeyaasha adeegga.”
Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyuhu wu xuu dejinayaa ilaalin cad oo ku saabsan xuquuqda macaamiisha iyo heerarka tayada adeegga; wuxuu xoojinayaa huf naanta qiimeynta iyo shuruudaha qanda raaska; wuxuu qeexayaa waajibaadka hawl-wadeennada iyo shuruudaha u hoggaansanaanta, wuxuuna dhigayaa tallaabooyin fulineed iyo ganaaxyo lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka guud ahaan qaybta Isgaarsiinta.
Daneeyayaashu waxay soo jeediyeen aragtiyo la xiriira arrimaha hirgelinta, jad walka waqtiga, iyo diyaar-garowga u hoggaansanaanta. Sidoo kale, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay natiijooyinka Sahanka Ilaalinta Macaamiisha iyo qor shaha lagu dhammeystirayo.Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay tixgelin doo ntaa dhammaan talooyinka la soo jeedi yay ka hor inta aan la soo saarin nuqul ka kama dambaysta ah ee Xeer-Nidaa miyaha Ilaalinta Xuquuqda Macaamiisha Isgaarsiinta. Hay’addu waxaa ka go’an horumarinta suuq Isgaarsiineed oo tartan leh, ammaan ah, isla markaana si buuxda u ilaaliya danaha macaamiisha guud ahaan dalka.
Golaha Mustqablka Soomaaliyeed oo kulamo ka wada Muqdisho.
Kulan xasaasi ah ayaa haatan waxaa uu u socdaa xubnaha Golaha Mustaqbal ka Soomaaliyeed, kaasi oo ka socda Hotel Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal hore oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.
Kulanka waxaa goob joog ka ah madax weynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaare yaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale madaxda dowlad-goboleedyada Sa -ciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxa -med Islaam (Axmed Madoobe).
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in diiradda lagu saarayo is-xog-wareysi ku saabsan ujeeddada safarka wafdiga, xaaladda siyaasadeed ee ka jirta caasimadda, iyo ajandayaa sha hortabinta u leh Puntland inta ay ku sugan yihiin Muqdisho.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada dib ugu soo laabtay Mada xweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sare u qaadaysa xiisaha siyaasa deed iyo dhaq-dhaqaaqa wadatashiyada la xiriira mustaqbalka siyaasadda dalka.
Wasiirka ganacsiga oo Addis Ababa kula kulmay mas’uul sare oo QM ka tirsan
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver Gatete, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qara mada Midoobay u qaabilsan Afrika, isla markaana ah Madaxa United Nations Economic Commission for Africa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoo jinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, horumarinta maalgashiga, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada farsamo iyo tan maalgashi ee lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha, fududeynta ganacsiga, iyo horumarinta warshadaha dalka.
Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sa meyn doona Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo di faac oo ka dhaxeeya dowladaha Soo maaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,
Dekadda "Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubin ta shidaalka ahaa.
Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa shalay ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiir ka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo ma suuliyiin kale, dhanka Turkiga masuul iyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hog gaaminayo ayaa ka qeyb galay munaa sabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bad da Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaageeda dhan kasta ah.
Wasiirka Battoolka Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya Daahir Shire Maxa -med ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo amba-bixiyo Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona Xeebaha Soomaaliya. "shalay waxay noo tahay maalin weyn, waxaan gaa rnay xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraa dka dalkeena”.
Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaaba dan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysaneyso Kheyraadkeeda dihan. "shalay waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso mustaqbal horumar leh, markabkan shalay u amba-baxaya biya ha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.
Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraa dkeenna uu yahay hanti Qaran, islamar kaana ay xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan xeerarka caala mi ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha shalay iyo kuwa dambe, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda in ay muuji yaan garab istaag, midnimo iyo horumar ka socda ah ee ah Shidaal qodista.
"Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya markabka Cagri Bey Axadii, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono howlgalkii ugu horreeyay ee sahaminta badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid "waqti taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu bisha Abriil ka bilaabi doono qodista ‘Ceelka Curad-1’ ee Soomaaliya.
"Wa markii ugu horreysay, Markabkaya ga qodista badda gunteeda hoose, ee u socda howl ka baxsan (Aagga baddee na),” Bayraktar ayaa ka sheegay xaflad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka koonfureed ee Mersin, isagoo xusay inay tahay markii ugu horreysay ee uu ka howl galo meel ka baxsan dalka Turkiye.
Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgal ka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biya ha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda badda ee Turkiga.
Arrintaani waa guul wayn iyo himilo muddo dheer la sugayay in uu ka soo ambabaxay dalka Turkey Markabkii qodi lahaa Shidaalka ku jira badda dalkeena Soomaaliya. Rajadaani waxay ku soo beegmeeysaa xili dalkeenu uu wajahayo abaaro ba’an iyo gaajo ka dhalatay abaartaas, waxaanse rajeeynayaa in riyadii Ummadda Soomaaliyeed ay mud dada dheer ku taamayeen, oo aheyd, in ay mar uun arkaan khayraadka dal kooda, oo ay ka baahnaayeen mudda daas fog in ay la soo baxaan, kuna bar waaqoobaan Eebe Idamkiis, waxaana looga baaha yahay Ummadda Soomaa liyeed in ay ku fara adeegaan rajadaas soo bidhaantay ee mudadda fog la su gayay, si dalkeenu u helo dhaqaalo lagu hormariyo, islamarkaasna looga maar mo gacan hoorsiya Shisheeyaha.
Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo mar ka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soo malidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horree yay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxa ddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:- ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY
RAFAADKA AAN KA REYSANNEE.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sid da ayaa saakay dil toogasho ah ku fuli say laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Al Shabab.
Dhagarqabeyaasha dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Cali Iftiin Buule (Gacmey) Iyo Xasan Cali Ibra -ahim Maxamed Axmed {baari, biibaaye, kuwaas oo ay horay xukun toogasho ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS.
Labada dhagarqabe ayaa loo haystay Dilal & Qaraxyo ka dhacay Caasimada laguna guumaday Muwaadiniin Soomaa liyeed ayaa saakay laga oofiyay xadkii Qisaasta ahaa ee horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi
Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhawe yn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib markii uu dha waan magacaabay Madaxweynaha William Ruto inuu noqdo Danjire Ku-xige -enka dalka Kenya u fadhiyi doona Soo maaliya.
Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aden Duale, iyo Danjire Jabril Ibrahim Cabdul -le. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Baarla maanka, danjireyaal, senatarro, culuma -a’udiin, odayaal, musharraxiin siyaasad -eed iyo wakiillo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dadkii halkaas ka hadlay ayaa ku boga -adiyay Danjire Elyaas Barre Shiil kalsoo nida loo muujiyay, iyagoo u rajeeyay guul iyo horumar shaqadiisa cusub, gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruu ca Dowlad-Kaab, isaga oo ka hadlay ahmiyadda mashruucan uu u leeyahay dowlad-dhiska dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Mashruuca Dowlad-Kaab uu yahay tiir muhiim u ah ajendaha dowlad-dhiska, gaar ahaan xoojinta dowladaha hoose. Wuxuu tilm aamay in tan iyo markii mashruuca la bilaabay la gaaray horumarro wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:
Dhammaystirka iyo hirgelinta siyaasa -do iyo habraacyo heer Federaal, Dowlad -Goboleed iyo degmo, sida Siyaasadda Qaran ee Maamul-Daadejinta, Xeerka Ururka Dowladaha Hoose, iyo istaraatiiji yadaha iyo habraacyada maaliyadda iyo adeeg-bixinta.
Xoojinta nidaamyada maaliyadeed, iyadoo la hirgeliyay hannaan casri ah oo lagu maareeyo dakhliga iyo kharashaad ka si loo helo isla-xisaabtan dhab ah.Kor u qaadidda awoodda shaqaalaha wasaa radaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka mashruucu taageero.
Horumarinta nidaamyada dijitaalka ah si loo fududeeyo adeeg-bixinta loona yareeyo dib-u-dhacyada iyo khaladaad ka.
Degmooyinka uu mashruucu ka shaq eeyo oo dhammaantood ku daray qoon do lacageed oo dhan 3% kharashaadka mashruuca, taas oo muujinaysa lahaan sho iyo ka-go’naansho.
Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Mashruuca Dowla d-Kaab uusan ahayn oo keliya ma shruuc horumarineed, balse uu yahay hannaan lagu dhisayo kalsoonida shaca bka iyo dowladnimada dalka.
Israa’iil oo dirtay fariin ku saabsan Nukliyeerka Iran.
Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa dalba day in meesha laga saaro dhamaan uranium-ka la kobciyay ee Iran iyada oo qayb ka ah heshiis kasta oo laga gaaro barnaamijka nukliyeerka Texran.
Benjamin Netanyahu ayaa hadalkaan jeediyay, iyadoo wasiirka arrimaha dibad da Iran uu u safray Switzerland, si uu uga qayb galo wareeggii ugu dambee yay ee wadahadallada aan tooska ahayn ee lala yeelanayo Mareykanka.
Wadahadallada Talaadada dhacaya ayaa waxaa ka qeyb gali doona ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner.
Horaantii, ku xigeenka wasiirka arrima ha dibadda Iran ayaa sheegay, in dowla ddiisu ay u furan tahay tanaasul haddii cunaqabateynta la qaado, balse aysan ka hadli doonin barnaamijkeeda gantaa laha ballistic-ga – dalab kale oo muhiim ah oo Israa’iil ay waddo.
Nin si khiyaano ah uga dhacay 69 milyan oo Yuuro howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah
Muwaadin u dhashay dalka Spain ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kaddib markii uu iska dhigay bixiye adeeg oo la shaqeeya howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, si uu si khiyaano ah u helo lacago, kaddib baarit aan ay sameysay Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Yurub (EPPO) ee magaalada Madrid, Spain.
Arrintaan ayaa waxay ku saabsan tahay lacago loo qoondeeyay Howlgalka Midowga Yurub ee Dhismaha Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia), oo loo igmaday inuu ka caawiyo Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Soomaaliyeed kor u qaadista awoodda fulinta sharciga iyo xoojinta amniga badda.
27-kii Diseembar 2022, eedeysanaha oo iska dhigaya bixiye adeeg qalab caafi maad ah iyo shaybaar siiya howlgalka Midowga Yurub, ayaa diray email uu ku codsanayo in lacago loogu shubo akoon bangi oo uu isagu maamulayay. Sidaas ayuu ku helay lacag dhan 69,751.40 yuuro, taas oo 9-kii Janaayo 2023 lagu wareejiyay akoonka bangi uu gacanta ku hayay.
Marka laga soo tago xukunka xarigga, Qaybta Labaad ee Maxkamadda Dambi yada ee Audiencia Nacional ayaa sidoo kale ku xukuntay inuu bixiyo ganaax soconaya 10 bilood, oo ah 10 yuuro maalintii. Sidoo kale, waxaa lagu amray inuu dib u bixiyo lacagtii uu si sharci darro ah ku helay.
Xukunka oo la soo saaray 9-kii Febraa yo 2026, ayaa noqday kii ugu horreeyay ee Maxkamadda Dambiyada ee Audien cia Nacional ku rido kiis ay baartay EPPO ee Madrid, waxaana wali suurag -al ah in racfaan laga qaato.
EPPO waa xafiiska xeer-ilaalinta mada xbannaan ee Midowga Yurub, waxaana uu mas’uul ka yahay baarista, dacwad-oogista iyo maxkamadeynta dambiyada ka dhanka ah danaha maaliyadeed ee Midowga Yurub.
Turkiga oo sharaxay waxa uu qabanayo Markabka Shidaalka ay u soo direen Soomaaliya
Turkiga ayaa Axaddii u diray Soomaaliya markabkiisa qodis ta shidaalka ee gunta badda ee lagu magacaabo Cagri Bey, taas oo wasiirka tamarta ee dalkaas uu ku tilmaamay howlgal kii ugu horreeyay ee Ankara ay baaritaan shidaal uga samayso bannaanka aagga baddeeda.
Alparslan Bayraktar, oo tallaabadan ku sifeeyay "daqiiqad taa riikhi ah” oo ku saabsan dadaallada Turkiga ee baaritaanka saliidda iyo gaaska, ayaa sheegay in markabku uu bisha Abriil Soomaaliya ka bilaabi doono qodista ceelka Curad-1.
"Markii ugu horreysay, markabkeenna qodista gunta badda wuxuu u baxayaa hawlgal ka baxsan (aagga baddeenna),” ayuu yiri Bayraktar xilli uu ka hadlayay xaflad ka dhacday de kedda Tasucu ee gobolka Mersin ee koonfurta Turkiga.
Wuxuu sheegay in Cagri Bey, oo dhawaan ku soo biiray mara akiibta qodista ee Turkiga, la filayo inuu Soomaaliya ku gaaro qiyaastii 45 casho, isagoo intaas ku daray inay galbin doonaan saddex markab oo ah kuwa dagaalka ee ciidanka badda Turkiga.
Turkiga wuxuu hiigsanayaa inuu soo saaro 500,000 oo fuus -to oo saliid ah maalintii ama wax u dhigma marka la gaaro sanadka 2028-ka, ayuu yiri Bayraktar, isagoo raaciyay inay Ankara rajaynayso inay cadadkaas labalaabto iyadoo loo mara -yo sahminno iyo heshiisyo wax-soo-saar qaybsi ah oo ay dalal ka dibadda la gasho.
Alparslan BAYRAKTAR oo ah wasiirka tamarta Turkiga ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in tani ay tahay horumar weyn oo dalkiisa uu gaaray.
"Madaxweynaheenna, Mudane Erdogan, isagoo kaashanaya dardaaranka adag iyo aragtida fog ee uu muujiyey Madaxweyn aha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa shalay xiriirka labadeenna dal u bilaabmay bog cusub oo taariikhi ah. Waxaan Soomaaliya u dirnay Çağrı Bey, oo ah xubinta ugu cusub ee raasamaalkeenna tamarta qaranka, waana markabka qodista biyaha aadka u madow ee faca 7-aad, si uu u fuliyo howlgalkii ugu horreeyay ee qodista ee Turkiga ka fuliyo meel ka baxsan Aagga Baddeeda.
"Kadib shaqo baaxad leh oo uu markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis ka soo qabtay saddex aag oo kala duwan oo badda ah, waxaan hadda bilaabaynaa howlgal qodis ah goobtii aan cayinnay, annagoo gaari doonna qoto dheer oo gaaraysa qiyaastii 7,500 mitir. Godka aan ka qodayno xeebaha Soomaali ya waxaan u bixinnay ‘Curad-1’. Magacan, oo afka Soomaaliga ku ah ‘curad’, wuxuu astaan u yahay howlgalkii ugu horreeyay ee laga fuliyo biyaha Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale mata layaa qodistii ugu horreysay ee Turkigu ka sameeyo badda madow ee masraxa caalamiga ah.” Ayuu yiri.
Markabka Cagri Bey oo kamid maraakiibta casriga ah ee loo gu yeero jiilka 7aad ayaa hawlgalkiisa ka fulin doona Soomaali ya, taas oo ka dhigan in Turkiga uu markii ugu horreesay shi daal qodis ka sameeyo meel ka baxsan dalkiisa.
Isla bishan Febraayo ayaa la filayaa inuu markabkaas bilaabo qodista shidaalka, laakiinse weli lama shaacin halka uu qodista ka bilaabi doono.
Turkiga ayaa hore u sheegay in sanadkan 2026 uu noqon doono sanad cusub oo ay furi doonaan sahamin saliid iyo gaas ah.
Diyaargarowga hawlgal ee Cagri Bey ee Dekedda Tasucu ayaa dhammaaday dhammaadka bishii hore ee Janaayo 2026, kaddibna markabka ayaa hadda u dhaqaaqaya goobaha la calaamadiyey ee uu ka qodi doono gaaska.
Australia oo wadda qorshe Soomaalida looga mamnuucayo inay dalkaas u safraan
Dowladda Australia ayaa lagu eedeeyay in ay waddo qorshe sir ah oo la doonyo si ballaaran loo mamnuuco muhaajiriinta ka imaanaya 37 gobol oo ku yaalla 13 dal, waxaana ka mid ah Soomaaliya iyo Gaza.
Qorshahan oo lagu magacaabo "Fortress Australia” ayaa sida ay qortay The Guardian Australia, waxa uu muujinayaa in la diyaariyay liis gobollo lagu eedeeyay inay gacanta ku hayaan ururo argagixiso. Sababtaas awgeed ayaa la sheegay in si guud loo joojiyo dadka ka imaanaya meelahaas. Dalalka la xusay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Nayjeeriya, Masar iyo Falastiin (Gaza).
Qorshuhu wuxuu ku doodayaa in aan si buuxda loo hubin karin dadka ka imaanaya meelaha ay maamulaan kooxo sida Al-Shabaab, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo mamnuucid guud. Waxa kale oo ku jira in la yareeyo tirada muhaajiriinta sannadkii la qaato, iyo in la masaafuriyo ilaa 100,000 oo magangalyo-doon iyo arday ah.
Arrintan ayaa soo baxday xilli khilaaf hoggaamineed ka dhex jiro xisbiga Liberal-ka. Hoggaamiyaha cusub ee mucaaradka, Angus Taylor, ayaa sheegay in uusan arkin qorshaha la dusiyay, balse muujiyay mowqif adag oo ku saabsan socdaalka. Wuxuu sheegay in dadka imaanaya Australia ay tahay inay aaminaan dimuqraadiyadda iyo qiyamka dalkaas.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu si weyn u saameyn karaa qoysaska Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Geeska Afrika ee leh ehel ama xiriir waxbarasho oo Australia ah, maaddaama uu adkeyn karo mideynta qoysaska, fiisooyinka ardayda iyo fursadaha shaqo.
Ilaa hadda ma jiro go’aan rasmi ah oo laga gaaray, balse wararkan la dusiyay ayaa kiciyay dood cusub oo ku saabsan siyaasadda socdaalka ee Australia.


0 


HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 17-FEB-2026
.