HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 16-FEB-2026

0
Monday February 16, 2026 - 08:52:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 16-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wa naagga Afrika ee APRM [African Peer Review Mechanism (APRM)], oo ah hab raac uu aas-aasay Midowga Afrika si dalalka xubnaha ahi ay isu qiimeeyaan, isu la xisaabtamaan, isla markaana u ho rumariyaan maamul wanaagga, hufnaan ta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.

Ku biiristan ayaa lagu xaqiijiyay intii uu socday Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka iyo Dowla daha ee APRM, halkaas oo Madaxwey naha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya, Mudane Hassan Sheikh Moha -mud, uu ku saxiixay Heshiiska Is-afgara dka ku biirista (MoU), taas oo muujinay sa go’aan heer qaran ah oo lagu xoojina yo hannaanka dib u habaynta dowla deed.

APRM ma aha hannaan kormeer diba deed oo lagu farageliyo dalalka, balse waa nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn. Tani waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtan, wadaagis khibradeed, iyo isbarbardhig wax ku ool ah oo u dhexee ya dalalka Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ee APRM waxay caddeyn u tahay sida ay Dowladda Fede raalka Soomaaliya uga go’an tahay xooji nta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaa gga, dhisidda hay’addo dowladeed oo hufan oo isla xisaabtan leh, maareyn dhaqaale oo mas’uuliyad ku dhisan iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.

Tallaabadani waxay sidoo kale sii xooji naysaa kaalinta Soomaaliya ee qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyada oo la jaanqaadaysa himilooyinka Ajandaha 2063: Afrikada aan doonayno, kana tarju maysa dadaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka waara.

Ku biirista APRM waa astaan muujina ysa in Soomaaliya ay si kalsooni leh uga qaybqaadanayso hannaannada wadajir ka ah ee qaaradda, iyada oo door firfir -coon ka qaadanaysa kor u qaadidda maamul wanaagga iyo iskaashiga Afrika.

Madaxweynaha JFS” Afrika waa in ay heshaa kursi joogta ah oo Golaha Ammaanka ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee -kh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqb alka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhii mka ahaa ee Shir Madaxeedka Midow ga Afrika.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qara mada Midoobay ay saameeyeen caqaba do ay ka mid yihiin colaadaha daba dhe raaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaa disyo dhaqaale, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafaji nayo nidaamka caalamiga ah duruufaha shalay jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa xusay in Afrika ay door muu qda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaara ddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta, waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriy adda ayaa ku baaqay midnimo iyo diblo maasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isaga oo adkeeyay in Soo maaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarla maanka Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ayaa shalay kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, wax aana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeen ka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Gud doomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka labada Aqal ee sha lay ayaa waxa uu ahaa sii wadida ka doodista cutubka lixaad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan Qodobadiisa 80-aad ilaa 95-aad.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shac baan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka lixaad ee dastuurka ay sii socon doonto, isla markaana lasii amba qaadi kulanka kan xiga.

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed mun aasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aaasaaskoda.

Wasiirku waxa uu si gaar ah u bogaa diyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ku leeyihiin difaaca qaranka, taageeridda hawlgallada la da gaallanka argagixisada, fulinta samatab bixinta degdegga ah, iyo ka qayb-qaada shada sugidda amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaa nay Ciidanka Cirka geesinimada, hufnaa nta, iyo heeganka joogtada ah ee ay u muujiyaan difaaca dalka iyo ilaalinta bad qabka shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxa -med Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bo gaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoog ga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo shalay u dabaal-degaya sanad-guura dii 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aas kooda.

Taliyaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka doorkooda muhiimka ah ee ay ka ga jiraan difaaca qaranka, ilaalinta hawa da dalka, iyo ka qeyb-qaadashada how laha amniga iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeye yaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenna da, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cir ka ee XDS oo shalay u dabaal-degaya xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ku boorriyay Ciidanka Cirka inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana xoojiyaan wadajirka iyo heeganka ay u hayaan difaaca dalka, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo la aas-aasay 15-kii Feberaayo sanadkii 1960-kii, ayaa muddo dheer laf-dhabar u ahaa difaaca hawada dalka, inkastoo ay soo mareen marxalado kala duwan oo dib-u-dhis iyo tayeyn ah.

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoo nsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midow ga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mow qifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale taageeray ba yaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midow ga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuu suf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kas ta ama hindise kasta oo lagu aqoonsa nayo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrab ka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ahi uu ka hor imaanayo mabaa di’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana uu halis gelin karo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Qaaradda Afrika.

Golaha Midowga Afrika ayaa xusay mu hiimadda ay leedahay ixtiraamka xuduu daha si caalami ah loo aqoonsan yahay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caala miga ah.

Wasiirka Beeraha oo booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa booqasho ku tegay qaar ka mid ah beeraha degmada Afgooye, halkaas oo ay ka jiraan xaalado biyo la’aan oo aad u daran.

Wasiirka ayaa la kulmay beeralayda deegaanka, isaga oo si dhow u dhagay stay caqabadaha ka taagan waraabka iyo saameynta ay biyo la’aantu ku yee latay wax soosaarka dalagyada, beerala yda ayaa la wadaageen cabashooyin la xiriira yaraanta biyaha iyo dayaca kanaa lada waraabka oo aan hagaagsaneyn ku waas oo si toos ah u saameeyay hawla hooda wax soosaar.

Intii uu kormeerka ku jiray, Wasiirku waxa uu bulshada beeraleeyda ah u sheegay in Wasaaradda qaadi doonto talaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo dhibaatada biyo la’aanta, isla markaana la xoojin doono dadaalada lagu horumarinayo nidaamyada waraa bka iyo kobcinta wax soosaarka beeraha.

Wasiirka Maaliyadda oo shir guddoomiyay kulanka Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ay weheliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mar -wo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa shalay shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Gobo leedyada iyo Maamulka Gobolka Banaa -dir, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saara yaa xoojinta wada-shaqeynta iyo isku du bbaridka hannaanka maamulka maaliya dda dalka, iyo dardargelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha guud ee Soomaali ya.

Shirka waxaa si gaar ah looga dooda yaa horumarinta nidaamka wadaagga kheyraadka, mideynta dakhliga heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo xaqiijiyo maamul maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana waara.

Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku muujiyay muhiimadda ay kulamadan u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dhisidda kalsoonida iyo wadajirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda. Wu xuu xusay in mideynta dakhliga iyo wa daagga kheyraadka ay laf-dhabar u yihiin kobaca dhaqaale iyo xaqiijinta adeegyo bulsho oo tayo leh.

Waxaa la filayaa in kulanka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed, si loo adkeeyo horumarka

Guddoomiye Dr. Maryam Qaasim oo la kulantay Madaxa sare QM ee Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Ban naan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Madaxa Sare ee Qara mada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Kirsten Youn g, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaa shiga iyo taageerada lagu horumarinayo awoodda iyo waxtarka Guddiga.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii hoggaanka cusub ee Gud diga la doortay horraantii bishan, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xuquu qda aadanaha, dhisidda awoodda hay’ adda, iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka, iyada oo la sii xoojinayo wada-shaqayn ta Qaramada Midoobay iyo Guddiga.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac , ayaa shalay xafiiskiisa ku qaa -bilay wafdi ka socda Dowlad Gobolee dka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta maa mulkaasi Axmed Diiriye.

Wafdigan waxaa sidoo kale ka mid ahaa Wasiirka Kalluumeysiga Waqooyi ga Bari Ismaaciil Sh. Axmed.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa wafdiga Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari u sha raxay siyaasadda dowladda ee warbaa hinta iyo ajendayaasha hor tebinta u leh qaranka oo ay ugu horeeyaan ilaalinta midnimada dalka iyo wadashaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleed yada.

Wasiirka ayaa sidoo kale

ballan qaaday iney ka wasaarad ahaan taageerri doonaan si dhowna ula shaqe yn doonaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, maadaama maamulka uu yahay mid cusub.

Shir muhiim ah oo ku Saabsan Maaliyadda Cimilada Cagaaran oo Lagu Soo Gabagabeeyay Kigali

Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo ku saabsan Cimilada Ca gaaran iyo is dhaafsiga aqoonta iyo khib radaha hannnaanka Maaliyadda cimila da.

Shirka ayaa intii uu socday diiradda la gu saaray hirgelinta hannaan maaliya deed oo cimilada ah oo qaran oo Dowla dda Soomaaliya hogaamiso, isla markaa na si waafaqsan uga shaqeeya dham maan hay’adaha iyo heerarka dalka (whole-of-country approach).

Shirkaan oo ay martigelisay Hey’adda Cimilada Qaran ee dalka Rwanda (Rwa nda Green Fund) ayaa sidoo kale ka qey bgalayasha isku dhaafsadeen dooddo wax ku ool ah oo ku aadan hannnaanka Maaliyadda cimilada Cagaaran, is dhaaf siga khibradaha, hirgelinta, caqabadaha jira,iyo sida dalalka Afrika ay uga faa’iidaysan karaan maalgelinta cimilada Maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku soo bandhigtay sida ay hor umar la taaban karo uga samaysay hir gelinta iyo tallaabooyinka wax ka qaba shada isbeddelka cimilada iyo maalge linteeda mudnaanta qaran ee ku xusan aragtida Qaran ee 2060, Qorshaha Isbe ddelka Qaranka (National Transforma tion Plan), iyo sidoo kale NDC-yada iyo NAP-yada.

Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF) Mudane Liibaan Cabsiiye iyadoo ay wehlinayeen xubno sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’ii-sul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheyn ta Qaranka iyo Bangiga Horumarinta Soomaaliya.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Kgali, Agaasimha Fulin ta Sanduuqa Qaran ee Cimilada ee dal ka Rwanda, Marwo, Teddy Mugabo iyo Mudane, Félix Yvan Rugwizangoga Madaxa Istaraatiijiyadda ee Sanduuqa Cagaaran ee Rwanda.

” Waxa aan si weyn ugu mahadcelinay naa Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horu marinta ee Dowladda Ingiriiska, taagee rada ay ka geysteen tijaabooyinka heli taanka Maaliyadda Cimilada ee Soomaa liya, iyo sidoo kale Hey’adaha DAI oo door muuqda ka qaatay abaabulka iyo fududeynta shirkaan muhiim ka

ah ee ku saabsanaa is-weydaarsigan aqooneed.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulin ta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimi lada Soomaaliya Liibaan Cabsiiye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wa xay dadaal xooggan ugu jirtaa xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha maaliya deed ee cimilada iyo ururrada waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha Cimilada Ca gaaran, si loo dardargeliyo helitaanka iyo ka faa’iidaysiga maalgelinta cimilada.

Markabka Cağri Bey ee Shidaal qodista oo ku soo wajahan Soomaaliya

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo ho wlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.

Tallabadaas ayaa qeyb ka ah fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkey.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bad da Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Jaamac ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaageeda dhan kasta ah.

Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa shalay ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiir ka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo ma suuliyiin kale, dhanka Turkiga masuu liyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hogg aaminayo ayaa ka qeyb galay munaas abadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.

Wasiirka Batroolka XFS” shalay waa maalin taariikhi ah oo aan gaarnay xilliga aan la soo bixin lahayn Kheyraadkeenna”

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo amba-bixiyo Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona xeevaya Dalkeenna.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaaba dan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysansyso Kheyraadkeeda dihan.

"shalay waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaali ya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaney so aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsa neyso mustaqbal horumar leh, mark abkan shalay u amba-baxaya biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

Sidoo kale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay hanti Qaran, islamarkaana ay xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan xeerarka caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha shalay iyo kuwa dambe.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa ugu baaqay shac abka Soomaaliyeed ku sugan gudaha iyo dibadda in ay muujiyaan garab istaag, midnimo iyo horumarka socda ah ee ah shidaal qodista.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista ceelkii ugu horeeyay ee shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”.

Masar oo sheegtay inay dhawaan Soomaaliya u soo dirayso ciidamo iyo diyaarado malateri si ay fuliyaan codsiga Soomaaliya

Masar ayaa kaga dhawaaqday shir madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa in ay dhawaan u soo diri doonta Soomaaliya ciidamo iyo diyaarado militari, taasoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatt oo la hadlayay warbaahin ta Al Jazeera, ayaa sheegay in dirista ciidamadu ay timid codsi ka yimid Midowga Afrika iyo Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC), iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, si loo taageero xasiloonida dalka Geeska Afrika.

Badr Abdelatt wuxuu tilmaamay amni ga Soomaaliya inuu si toos ah ula xiriiro amniga qaran ee Masar, Carabta iyo Afrika, sababa la xiriira muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay ku taallo iridda Badda Cas.

"Midnimada dhulka Soomaaliya waa arrin aad muhiim ah,” ayuu yiri Abdelatty, isagoo ka digay in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo Soomaaliya ama lagu goynayo mid ka mid ah gobolladee da aan la aqbali karin.”

Abdelatty wuxuu intaas ku daray in Ma daxweynaha Soomaaliya, Xasan Shee -kh Maxuamud, uu dhowaan booqday Masar, halkaas oo uu ku kormeeray ciidamada Masar ee isu diyaarinayay ku biirista howlgalka nabad ilaalinta Soom -aaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya oo ay Masar isku hayaan biyaha webiga Niil ayaa kasoo horjeedda in ciidamo ka socda Masar la geeyo Soomaaliya, iyadoo u aragta mid xasilooni darro ka abuuri karta Gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena u aragta cadowgeeda.

Shiinaha oo canshuur dhaaf u samaynaya badeecadaha ay u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaq day in ay hirgelin doonto nidaam can shuur dhaaf loogu samaynayo badeeca daha ay dalkiisa u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah, kuwaasi oo uu la leeleeya hay xidhiidho diblomaasiyadeed, laga bi laabo 1-da May 2026.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa Sabtidii baahisay in tallaabadan ay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Warbixinta telefishinka dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Shiinuhu sii wadi doono dadaallada ku aaddan wada-xaajoodka iyo saxiixa heshiisyo iskaashi dhaqaale oo wadajir ah, isla markaana uu ballaadhin doono suuq-geynta badeecadaha Afrika loo dhoofiyo Shiina ha.

Arrintan ayaa lagu fulin doonaa hanna -an la casriyeeyay oo ay ku jirto nidaam ka loo yaqaan "green channel” oo fudud eeya gelitaanka suuqyada.

Shiinaha ayaa ah lammaanaha ganacsi ee ugu weyn ee ay Afrika leedahay, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaraa maalgelinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee qaaradda, gaar ahaan kuwa hoos yimaada hindisaha caalamiga ah ee loo yaqaan Belt and Road Initiative. Hindisahan ayaa Shiinaha u suurtogeliyay in uu saameyn ballaadhan ku yeesho horumarka dekedaha, waddooyinka, tareennada iyo tamarta ee dalal badan oo Afrikaan ah.

Canshuur dhaafka cusub ayaa lagu dabaqi doonaa dhammaan dalalka Afrika marka laga reebo Eswatini, oo ah dalka keliya ee qaaradda ku yaalla ee weli xidhiidh diblomaasiyadeed la leh Taiwan. Shiinaha ayaa Taiwan u arka qayb ka mid ah dhulkiisa.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa sanna dihii u dambeeyay sii xoojinayay xidhiidh kooda ganacsi ee Shiinaha iyo quwadah a kale, kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadkii hore ku soo rogay canshuuro culus badeecado badan oo caalamka laga keeno dalalkan. Tallaabadaas ayaa saameyn ku yeelatay isu-socodka ganacsiga adduunka.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in heshiiskan canshuur dhaafka ahi "uu shaki la’aan abuuri doono fursado cusub oo horumarineed oo Afrika ah.” Hadalkan ayuu ka jeediyay xilli hoggaamiyeyaasha Afrika ay ku shirsanaayeen caasimadda Itoobi ya ee Addis Ababa, intii uu socday shir-madaxeedka sanadlaha ah ee Midowga Afrika.

 


Mareykanka oo isku diyaariyay weerar uu ku qaado Iran


Ciidamada Mareykanka ayaa isu diyaarinaya suurtagalni mada hawlgallo joogto ah oo toddobaadyo ah oo ka dhan ah Iiraan haddii Madaxweyne Donald Trump uu amro weerar, sida ay u sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah wakaaladda warar ka ee Reuters, taasoo noqon karta iskahorimaad aad uga da ran sidii hore loogu arkay dalalka dhexdooda.

Milatariga Mareykanka ayaa isu diyaarinaya suurtagalnima da hawlgallo joogto ah oo socon kara toddobaadyo ka dhan ah Iran haddii Madaxweyne Donald Trump amro weerar, sida ay laba masuul oo Mareykan ah u sheegeen Reuters, arrin noqon karta iska horimaad aad uga culus kuwii hore ee dhex maray la bada dal.

Shaacinta saraakiisha, oo codsaday inaan la magacaabin sa babo la xiriira dabeecadda xasaasiga ah ee qorshaha, ayaa kor u qaadaysa xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Ma reykanka iyo Iiraan.

Wakiilada Mareykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa wadahadallo Talaada kula yeellan doona Iran magaalada Geneva, iyadoo wakiillo ka socda Cumaan ay u shaqeynayaan sidii dhexdhexaadiyayaal. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Sabtidii ka digay in inkastoo Trump uu doorbidayo inuu heshiis la gaaro Tehran, "taasi aad bay u adag tahay in la sameeyo.”

Dhanka kale, Trump wuxuu ciidamo militari ah ku ku daa bulay gobolka, taasoo keentay cabsi laga qabo tallaabo milatari oo cusub. Saraakiisha Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in Pentagon-ku uu u dirayo Bariga Dhexe markab kale oo diyaara daha xambaar, isagoo ku daraya kumanaan askari oo dhee raad ah oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka, gantaallo iyo awood kale oo weerar fulin karta isla markaana iska difaaci karta weerarro.

Trump, oo Jimcihii ka hadlay kadib munaasabad milatari oo ka dhacday Fort Bragg ee gobolka North Carolina, si cad ayuu u soo jeediyay suurtagalnimada in la beddelo dowladda Iran, isaga oo sheegay in ‘u muuqato in taasi ay noqon lahayd waxa ugu wanaagsan ee dhici kara.’ Wuxuu diiday inuu shaaciyo cidda uu doonayo inay la wareegto hoggaanka Iran, balse wuxuu yiri, ‘dad baa jira.’

‘Muddo 47 sano ah, way hadlayeen oo hadlayeen oo hadla yeen,’ ayuu yiri Trump.

Trump muddo dheer wuxuu muujinayay shaki ku saabsan dirista ciidamo lug ah oo gudaha u gala Iran, isaga oo sanadkii hore yiri, ‘waxyaabaha ugu dambeeya ee aad rabto waa ciida mo dhulka ah,’ waxaana awoodda milatari ee Mareykanka ee hadda lagu ururiyay Bariga Dhexe ay muujinaysaa ikhtiyaarro weerarro inta badan ku saleysan hawada iyo ciidamada badda. Dalka Venezuela, Trump wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu ku tiirsanaado sidoo kale ciidamada hawlgallada gaarka ah si ay u qabtaan madaxweynaha dalkaas, Nicolas Maduro, weerar lagu qaaday bishii la soo dhaafay.


Hay'adda socdaalka Maraykanka oo ku dhawaaqday inay ciidankeeda ICE ka saarayso Minneapolis


Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidamada hay’adda Socdaalka Maraykanaka ICE ay ka baxayaan Minnea -polis, taasoo lagu tilmaamay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu doo nayo in diiradda lagu saaro fulinta sharciyada gudaha United States.

Kaddib toddobaadyo howlgallo xooggan oo laga fuliyay ma gaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota, waxaa la go’aamiyay in la xoojiyo la-dagaallanka socdaalka sharci darrada ah gudaha dhulka Mareykanka, iyadoo ICE diiradda saarayso gobollada kale ee ay ku badan yihiin ajaanibta sharci la'aanta.

"Waxaan shaqo muhiim ah ka qabannay Minneapolis, balse waa waqtigii aan diiradda saari lahayn fulinta shuruucda soc daalka gudaha Mareykanka,” ayuu yiri Wakiilka Xuduudaha ee Tom Homan

ICE ayaa horraantii Diseembar ka bilaabay howlgal lagu ma gacaabo Operation Metro Surge magaalada Minneapolis, iya goo bartilmaameedsanayay dembiilayaal la tuhunsanaa inay ku lug leeyihiin xatooyo maaliyadeed iyo falal kale oo sharci darro ah.

Intii uu howlgalkaas socday, dhowr Soomaali ah oo isugu jiray kuwa sharci haystay iyo kuwo sharci la'aan ah ayaa lagu qab tay howlgalladan. Sidoo kale labo qof oo caddaan ah oo u dha shay Maraykanka ayaa ku dhintay mudaharaadyada looga soo horjeeday qab qabashada Soomaalida.

Si kastaba, howlgalladooda waxaa caqabad ku noqotay in qof kasta oo laga masaafuriyo Minneapolis dib loogu celinayay isla deegaankiisii Minneapolis.

Sida uu sheegay agaasimaha ku-meelgaarka ah Todd Lyons, ICE ayaa howlgalo ka bilaabi doonta Koonfurta California, hal kaas oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin ajaanib sharci darro ah oo aad u badan.

Markii warkan la daabacay, koox ka tirsan saraakiisha ICE ayaa lagu arkay iyagoo ku qulqulaya makhaayad ku taalla Koonfurta California.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip