HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 14-FEB-2026

0
Saturday February 14, 2026 - 08:49:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 14-FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay martigelisay Jamhuuriy adda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya.

Shir madaxeedkan ayaa looga hadlay -ay xoojinta dadaallada iskaashiga iyo kobcinta xiriirka dhaqaale iyo istaraatiiji yadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo dalalka Afrika, iyadoo wadahadalladu diiradda saarayaan ganacsiga, maalga shiga, tamarta, kaabayaasha dhaqaala ha, beeraha, iyo hal-abuurka.

R/Wasaaraha XFS oo la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygii sa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Axmed ,xilli loo madlan yahay shirka wa dahadalka dowladda iyo Golaha Mustaq -balka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa booqa shadiisa waxa ay qeyb ka tahay niyad wanaagga madaxda dowladda ku waja hayaan dadaalada lagu abuurayo jawi kasta oo keeni kara in dalka lagu sii wa so xasillooni waara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in go gosha dowladda ay mar kasta fidsan ta hay, albaabka madaxdana uu furany ahay, muhiimna tahay in dhinacyada la gala fariisto xal-u-helista arrimaha taa gan, si dalka uu horey ugu tallaabsado, loogana xoreeyo cadowga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto faraga linta dibadeed ee lagu sameeyay guda ha dalka.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

Raysal Wasaare Xamse oo sheegay in dowladdu ka go'an tahay gogosha wada hadal ee ay fidisay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soom -aaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shee gay in Dowladda Federaalka Soomaali ya ay si buuxda uga go’an tahay gogo sha wada hadalka, islamarkaana ay mar walba fidsan tahay, isagoo sheega in albaabku u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xalay la yeeshay xubno uu ka mid yahay raysal wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ku jira siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira gogosha wadahadalka ee u dhaxeysa dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Xamse ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaariijta, iyo in si wadajir ah looga hortago faragelinta dibadeed ee lagu sameeyo dalka.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Labadan mas’uul ee hore ayaa la sheegay in laga hor istaagay kulan ay Golaha Mustaqbalka xalay ku la haayeen Hotel Airport oo ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo looga arrinsanayay diyaar garowga wada xaajood la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golaha Mustaqbalka waxay sheegeen in ay ka go’an tahay ka qeybgalka wada hadallada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa hannaanka doorashada dalka, loogana baaqsan lahaa firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada qaranka ku qaabilay wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriis ka oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dow laha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaa gay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar aha an dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuri yadda ayaa uga mahadceliyey Dowlad da Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixi sada iyo hirgelinta qorshayaasha horu marineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Marwo Jenny Chapman ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, isa goo xusay muhiimadda xasilloonida Soo maaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Wasiirka Betroolka XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed, oo booqasho ku jooga dalka Kuwait, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Kuwait dhiggiisa Wasiirka Batroolka Kuwait Mudane Tareq Sulaiman Al-Ruumi.

Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca horumarinta kheyraadka shidaalka. Waxay ka wada hadleen sidii dowladda Kuwait ay uga taageeri lahayd Soomaaliya dhismaha iyo horumarinta kaabeyaasha shidaalka, kor u qaadidda aqoonta iyo tayeynta sha qaalaha, iyo wadaagista khibradda dheer ee Kuwait u leedahay maareynta iyo soo saarista shidaalka.

Wasiir Tareq Sulaiman Al-Ruumi ayaa xaqiijiyey sida ay dowladda Kuwait uga go’an tahay inay Soomaaliya ku taageer to khibraddeeda iyo waayo-aragnima deeda dhinaca horumarinta shidaalka, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku soo jiidato maalgashi iyo iskaa shi caalami ah oo lagu horumarinayo waaxda shidaalka iyo macdanta.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarad da Gaashaandhigga, Mudane Cabdifa taax Cabdulqaadir Faarax, ayaa shalay shir-guddoominayay kulanka sadex biloo -dlaha ah ee Guddiga Isku-dhafka Wa saaradaha, Arrimaha Carruurta iyo Col aadaha Hubeysan.

Kulankan oo ku saabsanaa dib-u-eegis ta sannadlaha ah ee waxqabadka sanad ka 2025, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshayaasha lagu ilaalinayo carruurta ku nool goobaha ay saamee yeen colaadaha hubeysan, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamka.

Intii uu socday kulanku, waxaa lagu falanqeeyay warbixinno la xiriira hawlihii laga fuliyay dowlad-goboleedyada, iyo si doo kale falanqayn ku saabsan isbeddel lada iyo natiijooyinka ay soo bandhigeen hay’adaha UNICEF iyo UNTMIS.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta xu quuqda carruurta, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay colaadahu saa meeyeen, isagoo ku boorriyay dham maan hay’adaha ku lugta leh in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo fulinta qorshayaasha la dejiyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shirguddoomiyay kulan doceed kamid ah shir-madaxeedka Afrika

Iyadoo ay barbar socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, isaga oo ah Isu-duwaha Kooxda A3, ayaa guddoo miyay Shirkii Lixaad ee Heerka Wasiirra da A3.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir ka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Liberia, Marwo Sara Beysolow Nyanti; Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Marwo Noëlla Ayeganagato Nakwipone; Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabad da iyo Ammaanka, Danjire Bankole Adeoye; iyo Kormeeraha Joogtada ah ee Midowga Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mohamed Fathi Edrees.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta mu dnaanta iyo danaha Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iya ga oo adkeeyay baahida loo qabo xoo jinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Golaha Nabadda iyo Ammaan ka ee Midowga Afrika iyo Kooxda A3, si loo mideeyo codka Afrika loona kordhiyo saamaynteeda istaraatiijiyadeed ee heer caalami.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkee yeen muhiimadda midnimada Afrika oo ku dhisan aragti istaraatiiji ah oo cad iyo mabda’ wada-tashi ku saleysan, xilli ay jirto hubanti la’aan sii kordhaysa oo ka jirta nidaamka caalamiga ah, iyaga oo ku baaqay in la dhowro lana xoojiyo nidaamka wada-jirnimada caalamiga ah (multilateralism).

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto.

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Nin 37 jir ah oo he ysta labada dhalasho ee Soomaaliya iyo Australia lagu xiray garoonka diyaarada ha ee Jomo Kenyatta isagoo loo heysto denbiyo la xiriira wax is daba marin.

Cige Naasir ayaa lagu qabtay Terminal 1A, isagoo ka yimid Australia, soona maray magaalada Johannesburg, wuxuu na saarnaa diyaaradda Kenya Airways ah.

Booliska Kenya wuxuu sheegay inay dabagal ku hayeen ninkan oo ku calaa madeysanaa digniin la xiriirta xakamay nta socdaalkiisa, taasoo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026, iyadoo lala xiriiri yay kiis ah inuu lacago badan ku helay si been abuur ah.

Markii lagu baaray Saldhigga Booliska ee JKIA, waxaa loo wareejiyay saraa kiisha DCI si loo sameeyo baaritaanno dheeraad ah, iyadoo ay weli socdaan baaritaanada lagu hayo.

Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duu bay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro Booliska Kenya ee la dagaalama argag ixisada, wuxuuna xarigiisa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo soo dhoweeyay wafdi ka socday Jaamacaad Carabta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shalay magaalada Muqdisho ku soo dho weeyay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminaayey Xogha yaha Guud Dr.Maxamed Walad Acmar.

Wasiirka iyo wafdiga uu horkacayo Xog hayaha Guud ee Jaamacadda Carab ta ,ahna wakiilka Waxbarashada, Dhaqa nka iyo Cilmiga waxa ay kulan ay yee sheen ay kaga wada hadleen qodobbo ay kamid yihiin kor u qaadidda iyo horumarinta waxbarashada iyo tacliinta dalka.

Imaatinka wafdiga ka socda Jaamacad da carabta oo salka ku hay indho indhey nta xaaladda dalka iyo sidii loo yeelan la ha xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya maamulka Jaamacadda Carabta iyo wasaaradda waxbarashada XFS.

Danjire C/Kariim Axmed oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Boqorka Norway

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Dalal ka Nordiga Mudane C/Kariim Axmed Maxamed ayaa waraaqihii aqoobsiga danjiranimo u gudbiyay Boqorka Dalka Norway Boqor Herald.

Kuulankaasi oo ka dhacay xarunta qas riga boqortooyada waxaa labada dhinac ay kaga wada hadleed Bilowga shaqada xagga dibolomaasiyadda iyo xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Danjiraha Soomaaliya waxa uu boqor Herald u gudbiyay salaan uu uga sidday madaxweyne Xasab Sheekh,waxaana halkaasi la iskula soo qaaday in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha siyaasadda iyo dhinaca dibolomaasiyadda.

Danjire C/Kaeiim Axmed Maxamed oo ah safir fadhigiisu yahay Dalka Sweden waxa uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay dalalka la isku yiraahdo Nordi gga ee ay ku jirto Norwey.

Danjiraha ayaa shalay La kulmay jaali yadda Soomaalida ee Norwey,isagoo siiyay warbixin ku saabsan shaqada sa faaradda Soomaalida ee dalkaasi iyo howlaha kala duwan ee ay u qaban doo nto ,gaar ahaan adeegyada khuseeya dukumiintiyada iyo baasaboorada.

Safiirka ayaa horay ula kulmay madax ka socotay wasaaradda Arrimaha Dibad da ee Dalka Norwey

AU "Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Mido wga Afrika ayaa maalinimadii dorraad cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay tahay waxba kama jiraan sida ku xusan sharciga caalamiga ah.

Bayaan laga soo saaray xarunta Mido wga Afrika ee Addis Ababa, ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soo maaliya,waxaana la dalbaday in si deg deg ah looga noqdo go’aanka aqoonsiga ee dhacay Diseembar 2025.

Midowga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsa day in xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan,iyagoo si cad u diidaya Jamhuuriyadda Somaliland,isla markaa na taageeray madaxbannaanida buuxda ee Soomaaliya.

Dhinaca kale.golaha ayaa soo dhawee yay guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee al-Sha -baab, waxaana lagu dhiirrigeliyay ciidam ada amniga Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamka inay xoojiyaan howlgal lada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay in maamulada ka jira dalka ay sii wa daan dhinacooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Israa’iil ayaa weli ah dalka kaliya ee aqoonsaday Soomaaliland ,waxaana tal laabadaasi ay dhalisay dhaleeceyn xoog gan oo ka soo yeertay Geeska Afrika iyo guud ahaan dalalka caalamka.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Kulan wada qaatay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soom -aaliya iyo Kenya oo Kulmay Intii uu Socday Shirarka Midowga Afrika.

Intii ay socdeen shirarka Midowga Afri ka ee ka qabsoomaya magaalada Addis Ababa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Dr. Hon. Musalia Mudavadi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray

Si loo horumariyo loona mideeyo mud naanta wadajirka ah ee labada dal, oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga go bolka, iskaashiga xuduudaha, iyo horu marinta ganacsiga. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay lee dahay derisnimo wanaaga iyo sii wadid da wada-tashiyada joogtada ah.

Soomaaliya iyo Nayjeeriya oo Xoojinaya Xiriirkooda Laba Geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi-salaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibad da ee Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Danji re Yuusuf Maitama Tuggar, intii uu soc day shirka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooj inta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaa rinta iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay arrimaha mud naanta u leh qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, horumar ka waara, iyo adkeynta midnimada Afrika.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta loo marayo qaab dhismeedka Midowga Afrika, iyo in la joogteeyo wadatashiyada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nayjeeriya, si loo horumariyo danaha wadajirka ah iyo doorka labada dal ee arrimaha qaaradda.

Soomaaliya oo la Kulantay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisa lam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Guang Cong, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Geeska Afrika, kulan kaas oo dhacay Intii uu Socday Shirarka Midow ga Afrika.

Kulanka ayaa dib loogu xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo wadajir dhuleedkeeda, iyo hirgelinta xalal ay hoggaaminayso dowladda Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu u rajeeyey Mudane Guang Cong guul iyo horumar xilkiisa cusub, isaga oo muujiyey diyaar-garowga Soomaaliya ee ah in ay si dhow ula shaqayso si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo soo dadajiyo ciidamo iyo maalgelin lagu xoojiyo howlgalka AUSSOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si adag u adkeeyay baahida loo qabo in la soo dadajiyo helitaanka ciidamo ku filan Soomaaliya iyo maalgelin waarta oo lagu xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo dardargeliyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in si degdeg ah loo helo tiro ciidamo ah oo ku filan hawlgallada ka socda, Soomaaliya isla markaana la xaqiijiyo maalgelin waarta oo la saadaalin karo, isla markaana muddo-dheer ah oo lagu taageerayo AUSSOM.

Goluhu wuxuu soo dhoweeyay guulaha milatari ee laga gaaray Al-Shabaab, isaga oo ku dhiirrigeliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah in ay sii xoojiyaan hawlgallada si si wax ku ool ah loo wiiqo loogana adkaado Alshabaab.

Sidoo kale, Golaha ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo diiday aqoonsi kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax-bannaan, isla markaana ku baaqay in laga noqdo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa wadajirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in xasillinta Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo beesha caalamka, si loo mideeyo dadaallada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay arrimmo badan oo ay ku jiraan siyaasadda iyo difaaca dalka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dha qanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’ uud Aweys Jaamac, oo wareysi dhinac yo badan taabanaya siiyay Telefishinka Al-Carabiya, ayaa dul istaagay qodobbo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen iskaas higa istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in aqoonsi kasta oo ay bixiso Israel uu noqonaayo mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah mid nimada iyo wadajirka dhuleed ee Soom aaliya,isla markaana kahor imaanaya xeerarka caalamiga ah ee ay wada dhig teen dalalka dunida.

Mudane Daa’uud Aweys ayaa caddee yay in damaca Israel uu yahay sidii goob colaadeed looga dhigi lahaa marinka Baabulmandab iyo guud ahaan biyaha badda cas ee ay kulaaalaan dalal badan,wuxuuna ku taliyay in la hor-istaago rabshadaha uu dalkaasi doonayo in uu u soo warejiyo gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uud Aweys waxa u ka dhawaajiyay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir wanaagsan ay la leedahay Masar,Turki ye iyo dalal badan,wuxuuna intaa raac iyay in ujeedku yahay in la sameysto iskaashi difaac iyo mid siyaasadeed,isla markaana Soomaaliya oo ah saaxiib hore gacan lagu siiyo sidii ay u ilaashan laheyd midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed ee ay leedahay.

Iskaashiga aan la leenahay dalalka saa xiibada nala ah waa mid suurtagalin ayain la burburiyo kooxaha argagixisada ah”ayuu tiri Daa’uud Aweys,isagoo dhinaca kalena tilmaamay in Dowladda Sooaaliya ay dadaal ugu jirto sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo xasilooni darro ka wadda geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in uu socdo heshiis ganacsi oo Itoobiya dhexmaraya

Madaxweynaha Somaliland, Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu wado dadaallo uu maal gashi ugu raadinayo Somaliland, isaga oo xusay in uu doonayo in uu abuuro deegaan ku habboon maalgashiga, isa ga oo soo bandhigay khayraadka kala duwan ee Somaliland qani ku tahay.

Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay CNN Business Arabic, ayaa sheegay in dhawaan la soo gabagabeyn doono heshiis ganacsi oo Itoobiya dhexmaraya. "Waxa aanu Itoobiya la wadnaa heshiis ku saabsan xamuulka oo aan rajaynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo,” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu abuuro gobol nabdoon oo ganacsigu ku badhaadho, isaga oo xusay in gaar ahaan dowladda Maraykanka uu diyaar ula yahay in uu la galo heshiis ku saabsan ganacsiga macdanta qaaliga ah ee laga helo Somaliland.

Waxa uu sheegay in cid kasta oo maalgashata Somaliland ay heli doonto cashuur-dhaaf muddo dheer ah, isla markaana ay faa’iido fiican ka heli doonto ganacsiyada sida macdanta iyo shidaalka. Waxa uu intaas ku daray in laba shirkadood ay hadda ku hawlan yihiin soo saarista shidaalka Somaliland sannadka 2027.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jiraan qaar ka mid ah bangiyada adduunka ugu fiican, isla markaana si maalgashiga loo sii fududeeyo uu u yeedhay bangiyo kale oo caalami ah, isaga oo rajaynaya in qaar badan oo kale ay soo eegan doonaan fursadaha jira, isla markaana xarumo ka furan doonaan Hargeysa.

"Waxa aanu leenahay dhammaan noocyada macdanta, saliidda iyo gaaska, khayraadka badda, dalxiiska iyo xeebaha ugu fiican caalamka, dhul dihin oo beeraha ku habboon. Waxa aanu haysanaa fursado badan,” ayuu yidhi Cirro.

Madaxweynaha ayaa dhawaan wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay in uu socdo heshiis ganacsi oo Israa’iil lagaga iibinayo macdanta qaaliga ah ee Somaliland, isla markaana ay Somaliland ku helayso qalabka casriga ah ee Israa’iil soo saarto iyo tiknoolajiyad qaali ah.

Maamulahii Shirkada DP World oo la badalay kadib fadeexada Jeffrey Epstein

Shirkadda dekedaha ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, DP World, ayaa si rasmi ah u beddeshay maamulkeedii sa re Sultan Axmed bin Sulayem kadib mar kii uu kasoo muuqday faylashii fadeexa da ee maalqabeenkii reer Maraykanka, Jeffrey Epstein.

War ay shirkaddu soo saartay Jimcaha shalay ayay ku sheegtay in Essa Kazim loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha, halka Yuvraj Narayan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Kooxda, iyaga oo beddelaya Sultan Ahmed bin Sulayem.

Sida ku cad dukumentiyo ay dhawaan sii daysay Waaxda Cadaalada ee Maraykanka, Epstein ayaa mar ku tilmaamay Sulayem "saaxiib dhow oo shakhsi ah” isla markaana ka mid ah dadka uu aadka u aamino. Si kastaba ha ahaatee, Sulayem laguma soo oogin wax dacwad dambi ah, mana jiro eedeyn rasmi ah oo ka dhan ah.

Sulayem waxa uu ahaa Guddoomiyaha DP World tan iyo 2007, halka uu Agaasime Guud ahaa tan iyo 2016. Intii uu xilka hayey, waxa uu hoggaaminayey koboca dekedda Jebel Ali oo noqotay xarun maraakiibta waaweyn ee biyaha qotada dheer ku socda, iyo ballaadhinta DP World oo shalay maamusha dekedo ku yaalla ku dhowaad toban meelood.

Isbeddelkan maamul ayaa yimid kadib cadaadis ka yimid yqaar ka mid ah la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee shirkadda. Sanduuqa hawlgabka ee Kanada, La Caisse, oo in ka badan 5 bilyan oo doolar la maalgeliyey DP World tobankii sano ee u dambeeyey, ayaa sheegay inuu hakiyey maalgelin cusub oo uu la samayn lahaa shirkadda.

Sidoo kale, British International Investment, oo la maalgalisay DP World afar dekedood oo Afrika ku yaalla, ayaa sheegtay inay joojinayso maalgelin cusub ilaa shirkaddu qaaddo tallaabooyinka "lagama maarmaanka ah.”

La Caisse ayaa bayaan ay siisay warbaahinta ku caddeysay inay muhiim tahay in la kala saaro shirkadda DP World iyo shaqsiga Sultan Ahmed bin Sulayem, hase yeeshee ay filayso in shirkaddu si cad uga hadasho arrinta oo ay qaaddo tallaabooyin ku habboon.

Dukumentiyada la sii daayey ayaa muujinaya in Sulayem iyo Epstein ay is dhaafsadeen farriimo la xidhiidha arrimo ganacsi, talooyin ku saabsan kulamo iyo maalgashi. Qoraallo kale ayaa xusay arrimo anshax xumo iyo adeegyo la xidhiidha galmo, inkasta oo masuuliyiintu ku adkaysteen in ku xusnaanshaha faylasha Epstein aanu ka dhignayn in qofkaasi ku lug lahaa wax dambi ah ama uu qayb ka ahaa shabakad sharci darro ah.

DP World ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in magacaabista cusub ay taageerayso istaraatiijiyadda koboc waara, isla markaana ay xoojinayso doorka shirkadda ee silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo kaalinta Dubai ku leedahay ganacsiga iyo saadka. Ilaa hadda, Sulayem kama uusan hadlin si rasmi ah arrintan.

Kenya oo ku dhawaaqday 15 sano kaddib in ay dib u furayso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u furayso Xuduudda ay la wa daagto Soomaaliya, ku dhawaad 15 sa no kaddib markii loo xiray sababo la xirii ra weerarada kooxda Al-Shabaab, sida uu shaaciyey Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Alshabaab ayaa ka dambeysay taxana ha weeraro ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Kenya, oo ay ku jiraan mid ka dhacay xarun ganacsi oo ku taalla caasimadda Nairobi, kaas oo lagu dilay 67 qof sannadkii 2013, iyo mid ka dhacay jaamacadda Garissa labo sano kadib oo lagu dilay 148 qof.

Ruto wuxuu sheegay in qorshaha dib u furista labada goobood ee xuduuddu ka socoto uu ku saleysan yahay sannado qiimeyn amni ah, isaga oo intaa ku daray in ciidamada ammaanku si weyn loo dhigi doono si loo hubiyo in tallaabadan aysan khatar gelin amniga.

Madaxweynaha ayaa qorshahan ku shaaciyey booqasho uu ku tagay magaalada xuduudka ee Mandera oo ku taalla waqooyi-bari Kenya, halkaasoo ay ku badan yihiin Soomaalida deegaanka.

"Ma aha wax la aqbali karo in muwaadiniinta Kenya ee Mandera ay ka go’an yihiin ehelkooda iyo deriskooda ku sugan Soomaaliya sababtoo ah xirnaashaha dheer ee Xuduudda Mandera," ayuu Ruto ku qoray X.

Khudbaddiisa, wuxuu ku baaqay dhammaan dadka Mandera, oo dhowr jeer la beegsaday, in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah al-Shabab.

"Al-Shabab waa kuwo aan waxba tarayn, waxaan doonayaa inaan idin xaqiijiyo in Kenya ay la shaqeyn doonto idinka, kaliya naga caawi la dagaalanka dambiyada iyo argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha Kenya.

Marka laga soo tago weerarkii ka dhacay suuqa Westgate iyo Jaamacadda Garissa, weeraro kale oo waaweyn oo al-Shabab ka geystay Kenya waxaa ka mid ah dilkii 28 rakaab bas ah oo ka dhacay degmada Mandera sannadkii 2014 iyo weerar lagu qaaday hotel ku yaalla Nairobi shan sano kadib, kaasoo sababay dhimashada ugu yaraan 21 qof.

Sannadkii 2015, Kenya waxay bilowday dhismaha xayndaab xuduudka ah oo ku fadhiyo 680 km (423 mayl) oo xuduuda guud ah, si looga hortago hanjabaadda argagixisada, laakiin mashruuca waa la joojiyey ku dhawaad saddex sano kadib markii kaliya 10 km (6 mayl) oo silig ah la dhisay, iyadoo kharashka ku baxay uu gaaray $35 milyan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip