
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 12-FEB-2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaranka la wadaagay hambalyada xubinimada golaha nabadda Midowga Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee -kh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bo gaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha Qaranka, taas oo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee dalkeennu uu ku hanatay kursiga Go laha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, muddada 2026–2028.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guu shan ay astaan u tahay horumarka diblo maasiyadda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalkeennu uu ku leeyahay heer qaara deed iyo heer caalam iyo shaqada wan aagsan ee ay qabatay Wasaaradda Arri maha Dibadda iyo Iskaashiga Caalami ga ah ee dalkeena.
"Kalsoonida iyo taageerada ay Soom aaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, shalay waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo xusay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.
Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Ciraaq
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mu dane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya Mudane Dr. Qahtan Taha Khalaf Al-Janabi, wax ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hor umarinta iskaashiga dhinacyada siyaa sadda, amniga, dib-u-dhiska, iyo gargaa rka bani’aadannimada iyada oo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo fursadaha wada shaqeyneed si ay uga faa’iideystaan labada shacab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Ciraaq ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxa-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo xusay in Sooma a liya ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalalka Carabta.
Dhankiisa, Danjire Dr. Qahtan, ayaa caddeeyey sida ay dowladdiisu uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii kordhin doonto taageerada dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.
Wasiirka cadaaladda XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Turkiga, Mudane Yılmaz Tunç.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoo jinta iskaashiga labada dal ee dhinac yada cadaaladda iyo garsoorka, iyo sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka ee labada dowla dood.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ee dalka Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Cada aladda.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo Kulan La Qaatay Maal-gashadayaal Caalami ah
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka socotay Empire Investment Bank, oo ah bangi caalami ah oo maalgelin ku sameeya shirkadaha ka shaqeeya macdanta, isla markaana xaruntiisu tahay dalka Shiinaha, iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee Dalka Koonfur Afrika, President Adv. Mtho Xulu.
Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Cape Town, xilli Wasiir Daahir Shire Maxamed uu ka qaybgalayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika. Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa madaxda ka socotay bangiga iyo rugta ganacsiga si faahfaahsan ugu soo bandhigay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya hodanka ku tahay. Madaxdaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixinta qotada dheer ee uu Wasiirku bixiyay, iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.
Dhankooda, madaxda bangiga iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ayaa qiray in Soomaaliya ay leedahay khayraad macdan iyo mid badeed oo ballaaran, isla markaana ay muhiim tahay horumarinta iyo sare u qaadidda maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka.
Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka xiga uu ka qabsoomo gudaha Soomaaliya, si loo sii dardargeliyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta.
Shir sanadeedka Garsoorka oo saaka Muqdisho ka furmaya
Shir sanadeedka 8-aad ee garsoorka Dalka ayaa shalay ka furmaya magaala da Muqdisho ee caasimada dalka, shir kan ayaa inta uu socdo waxa lagu band higayaa dood cilmiyeed muhiim ah oo ku saabsan fal dambiyeedka iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada,iyadoo ay ka qayb gelayaan doodan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo tali yaha Booliiska gobolka Banaadir.
Doodda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha garsoorka, Booliska iyo hay’adaha kale ee amniga, si wax looga qabto dambiyada iyo yareynta saameynta ay ku yeeshaan bulshada.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka iyo hubinta in muwaadiniintu helaan caddaalad hufan.
Wasiir Faarax:Wasaaraddu waxay baahisay adeegyada waxbarashada iyadoo gaarsiisay deegaannadii laga xorreeyay Khawaarijta
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdul -qaadir ayaa si rasmi ah u furay maalinta 4-aad ee Shirweynaha 3-aad ee Waxbar ashada Qaranka,ayaa ka hadlay daadejinta iyo kordhinta goobaha waxba rashada.
wasiirka ayaa xusay in ay gaarsiiyeen adeegyada waxbarashada goobihii laga xorreeyey Khawaarijta Wasiirka ayaa yiri”Wasaaraddu waxay baahisay adeegyada waxbarashada iyadoo gaarsiisay deegaannadii laga xorreeyay Khawaarijta, si carruurta iyo dhallinyarada deegaankaas ay u helaan fursado waxbarasho oo ku habboon.”
Dhinaca kale wasiir Faarax ayaa ku dhawaaqay in la dhisay xarumihii wasaaradddaha waxbarashadda Jubaland iyo Hirshabeelle dhowaan na la dhisi doono xarunta wasaaradda waxbarashada Waqooyi bari.
Wasiirka cadaaladda XFS oo booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee dalka Aljeeriya
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Muda ne Xasan Macallin Maxamuud iyo Safiir ka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee dalka Aljeeriya, kadib saxiixii heshiiska is-afgaradka ee lagu xoojinayay iskaashiga garsoorka iyo caddaaladda labada dal.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka hay’adaha garsoorka, is-weydaarsiga khibradaha, iyo adkaynta wada-shaqeynta sharciga ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Wasiirka Batroolka XFS oo kulan la qaatay Wasiiradda dhiggiisa ee dalal Kenya iyo Tanzania
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Cape Town kulan kula yeeshay dhiggiisa dalalka Kenya iyo Tanzania, xilli uu ka qeyb-galayay Shirka Maalgashiga Macdanta.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane H.E. Hassan Ali Joho, iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Jamhuuriyadda Tanzania, Hon. Anthony Peter Mavunde (MP).
Saddexda wasiir ayaa ka wada hadlay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira dalalkooda, iyagoo si qoto dheer uga dooday noocyada kala duwan ee macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee ay hodanka ku yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa ay sidoo kale isla qaadaa-dhigeen sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga saddex-geesood ka ah ee ku aaddan horumarinta, maare ynta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga saddexda dal, si loo dardargeliyo maalgashiga macdanta, korna loogu qaado qiimaha wax-soo-saarka gudaha, isla markaana loo hubiyo in kheyraadka dabiiciga ah si waara oo cadaalad ah looga faa’iidaysto, loogana dhaliyo horumar dhaqaale iyo shaqo-abuur ka hirgala dalalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Ka Qaybgalay Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisa lam Ali ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika (AU) oo ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Kal-fadhigan ayaa waxa uu isu keenayaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Xubnaha ka ah Midowga Afrika, ka hor Kal-fadhiga 39aad ee Caadiga ah ee Golaha Madaxda Dowladaha iyo Dowlad-goboleedyada Midowga Afrika, kaas oo loo qorsheeyay 14–15 Febraayo 2026. Wasiirradu waxa ay dib u eegayaan, ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin, warbixinta Shirkii 51aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC), diyaar-garowga doorashooyinka iyo magacaabista hay’adaha Midowga Afrika, ka-qaybgalka Midowga Afrika ee G20, iyo horumarka laga sameeyay hannaanka SACA.
Shirweynaha Soomaaliyeed ee Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada oo lagu qabtay Muqdisho
waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir cilmiyeed heer qaran ah oo diiradda lagu saaray sugnaanta cuntada, horumarinta abuurka dalagyada beeraha, iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda ayaa diiradda llagu saaray doorka digirta iyo dalagyada kale ee nafaqada leh ku leeyihiin mustaqbalka wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya.
Shirka oo ah kii labaad waxaa ka qeyb galay khubaro ku takhasusay beeraha, hay’ado dowladeed, jaamacado, iyo shirkado gaar loo leeyahay. Ujeedda diisu waxay ahayd xoojinta wada-xaa joodka ku saabsan sida cilmi-baarista, abuur tayo leh, iyo tiknoolajiyada casriga ahi uga qayb qaadan karaan sugnaanta cuntada, adkaysiga cimilada, iyo koboca dhaqaalaha, gaar ahaan bulshada ku tiirsan beeraha iyo nolosha reer miyiga.
Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo nidaam abuur oo la isku halayn karo, kaas oo taageera wax-soo-saar joogto ah. Intii uu socday shirka, khudbadaha furitaanka iyo doodaha miisaska wareega (panels) ayaa muujiyay in horumarinta hidde-sidaha dalagyada, gaar ahaan digirta, ay tahay tiir muhiim u ah kor u qaadidda wax-soo-saarka iyo sugnaanta cuntada.
Waxaa la isla gartay in abuur tayo sare leh uu si toos ah u saameeyo wax-soo-saarka beeraha, kordhinta dakhliga beeraleyda, iyo helitaanka cunto ku filan. Sidoo kale, doodaha ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee beeraleyda yaryar ku leeyihiin sugnaanta cuntada, iyada oo la xusay baahida loo qabo in la siiyo taageero dhinaca aqoonta, adeegyada beeraha, iyo siyaasad u fududeysa wax-soo-saarkooda.
Shirku wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda la qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo la muujiyay in isku xirka siyaasadda, cilmi-baarista, iyo farsamada beeraha uu yahay furaha lagu yareyn karo saameynta cimilada ku yeelato wax-soo-saarka.
Ka qaybgalayaashu waxay tilmaameen doorka ay Dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, xarumaha cilmi-baarista, iyo jaamacaduhu ka qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka beeraha, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah.
Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknolojiyadda, ayaa mar kale muujisay kaalinteeda hoggaamineed ee isku xirka aqoonta, cilmi-baarista, iyo horumarinta qaranka. Jaamacaddu waxay caddeysay in shirkan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu taageerayo xalal cilmiyeed wax ku ool ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya sugnaanta cuntada iyo horumarinta nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray habraaca xiriirka hay’adaha dowladda
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaa mac ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa habraa ca xiriirka hay’adaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo dhanka xiriirka iyo warbaahinta u qaabilsan dowladda. Waxaa lagu soo bandhigay tusaalooyin iyo tijaabooyin la xiriira mowduuca aqoon-isweydaarsiga.
Wasiir Daa’uud Aweys oo hadal ka jeediyay xiritaankii aqoon-isweydaarsiga ayaa tilmaamay in dowladdu mudnaan gaar ah siisay mideynta farriimaha ka soo baxaya hay’adaha, si ay u noqdaan kuwo degdeg ah, sugan, isla markaana xambaarsan xogaha ay shacabku sugayaan waqtiga ku habboon, si meesha looga saaro marin-habaabinta iyo been-abuurka ay fidiyaan Khawaarijta iyo kuwa la hal-maala.
Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay isku xirnaanta sii xoogeysaneysa ee hay’adaha dowladda ee ku aaddan mideynta farriimaha dowladda.
Ugu dambeyn, Wasiir Daa’uud Aweys iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaashii aqoon-isweydaarsiga.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga XFS oo booqday Markab dagaal oo laga leeyahay Turkiga kaas oo yimid Muqdisho
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaasha andhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shalay booqday markabka TCG SANCA KTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaal ka ee Ciidamada Badda Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho.
Booqashadan iyo soo-dhaweynta ma raakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinay so dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda.
Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha CXD waxaa ku wehliyay booqashada Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Bad da, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD iyo kuwa Turkiga.
Booqashadani waxay muujinaysaa iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo horumarinta awooda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha guddaha oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuu riyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ay wehliyaan masuu liyiin kale, waxaana kulanka lagu gorfee yay arrimo la xiriira iskaashi wadajir ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada maamulka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha federaalka, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. Waxa sidoo kale la isla qaatay is-weydaarsiga khibradaha, taageerada farsamo, iyo iskaashiga horumarineed ee kor u qaadaya adeegyada dadweynaha ee dalka.
Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa uga mahadceliyey Safaaradda Shiinaha taageerada joogtada ah, isagoo caddeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo midnimada, dowlad-dhiska, iyo horumarka waara ee Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb ah danjirayaal lagu casuumay madaxtooyada Kenya
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa ka qeyb galay kulankii Sanadlaha ah ee Diblomaasiyadeed ee Bilowga Sanadka cusub oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa waxaa martigeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto, una dhaxeeyay safiirrada, wakiillada sare, iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka Kenya.
Danjire Jabril oo ka hadlay Kulanka ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Dalka kenya da’daaliisa uu ku doonayo in la iskugu furo ganacsiga wadamada Afrika, gaar ahaan dalalka ku bahoobay ururka Goboleedka Bariga Afrika.
Ganacsiga dadka Soomaaliyeed ayaa ku sii fidaya guud ahaan dalalka Afrika.
Wasiir Fiqi oo Sucuudiga kula kulamay wasiirka warshadaha difaaca Azerbaijan
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiq oo magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudi Cara biya ku jooga booqasho shaqo, ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka War shadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Mustafayev, intii uu socday Bandhigga Difaaca Addu unka 2026.
Kulankan ayaa ku soo beegmay iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii iskaashiga difaaca ee labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaas oo dhidibada u taagay xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada gaashaandhigga iyo warshadaha difaaca.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay hirgelinta qodobada heshiiskaas, gaar ahaan dhinacyada sanaacada difaaca. Wafdiga Soomaaliya waxaa la siiyey sharraxaad waafi ah oo ku saabsan awoodda wax-soo-saarka iyo agabka difaaca ee Azerbaijan ku soo bandhigtay bandhigga ka socda Riyaad.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ka faa’iidaysato waaya-aragnimada Azerbaijan ee dhinaca warshadaha difaaca, si loo taageero tayeynta, qalabaynta, iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Aabbe toogtay gabadhiisa kaddib markay kala murantay Donald Trump
Gabar British ah oo 23 jir ahayd ayaa lagu toogtay magaalada Texas kaddib markii iyada iyo aabaheed ay ku murmeen arrin la xiriirta Donald Trump, sida lagu sheegay baaritaan maxka meed.
Lucy Harrison oo ka soo jeedda Warri ngton, Cheshire, ayaa lagu dilay 10-kii bishi Janaayo 2025 guriga aabaheed oo ku yaalla Prosper maalmo yar ka hor caleemo-saarkii labaad ee Trump.
Saaxiibkeed, Sam Littler, ayaa u sheegay Maxkamadda Cheshire in Lucy iyo aabaheed, Kris Harrison, ay subaxdaas yeesheen muran adag oo ku saabsan Trump.
Lucy oo inta badan ka xanaaqi jirtay marka aabaheed ka hadlo heysashada hubka, ayaa weydiisay: "Sideed dareemi lahayd hadii aniga laygu dhibaateeyo?”
Kris Harrison ayaa la sheegay inuu ku jawaabay inuu haysto laba gabdhood oo kale oo uu dhalay, sidaas darteed iyadoo wax la yeelo uusan aad uga nixi lahayn.
Maalintii xigtay, Kris Harrison ayaa Lucy u kaxeeyay qolkiisa jiifka si uu u tuso bastoolad nooca Glock 9mm ah oo uu ku hayay khaanad sariirta agteeda ah. Wuxuu booliska u sheegay inuu u gatay inuu qoyskiisa ku ilaaliyo.
Wax yar kaddib, dhawaaqa xabad ayaa qolka laga maqlay. Kadib Aabihii ayaa u yeeray xaaskiisa isagoo qaylinaya. Waxaa la sheegay in Lucy ay ku geeriyootay goobta.
Bayaan uu bixiyay, ayuu aabuhu wuxuu saraakiisha u sheegay inuusan xasuusan karin in fartiisu ayba taabatay keebka baaskoolada markii xabadu dhacaysay.
Wax dacwad dambi ah laguma soo oogin kaddib markii guddi xeer-beegti ah oo ku sugan degmada Collin ay diideen inay dacwad ku soo oogaan.
Hooyada Lucy, ayaa ku tilshalayy gabadheeda "qof nolol firfircoon ah lahayd” oo aad u daryeesha dadka islamarkaana jecel udooddida xuquuqda dadka masaakiinta ah.
Aabaha oo aanan soo xaadirin maxkamadda, ayaa sheegay inuu ka shaleynayo isagoo bayaan ku yiri: "Ma jirto maalin aanan dareemin culayska khasaarahaas, waa culays aan qaadi doono inta noloshayda ka dhiman.”
Hooyo caruurteeda ay dileen kooxaha mintidiinta ah oo hadda nolosha kow ka bilaabaysa
Digniin: Aqristayaasha qaar ayaa dhibsan kara xogaha ku jira warbixintaan
Yameogo Aminata, oo 57 jir ah, oo fadhida qol mugdi ah oo ku yaalla xero qaxoonti oo ku taalla dalka Ivory Coast, waxa ay aad uga xumaatay xusuustii afartii wiil ee ay dhashay oo ay kooxaha jihaad doonka ah ku dileen waddankeedii hooyo ee Burkina Faso.
Sannadkii 2022, waxay ka maqnayd gurigeeda markii ay soo weerareen fallaagada hubaysan - kuwaas oo argagixiyay bulshooyinka ku dhaqan bartamaha Burkina Faso ku dhawaad 15 sano.
Kooxuhu waxay xoog kula wareegeen tuuladeeda, iyagoo ka qabsaday lo' iyo dhul, waxayna dileen dad badan oo deegaan ka ah - oo ay ku jiraan wiilasheeda da'doodu u dhaxayso 25 ilaa 32 jir.
"Waxay qoorta ka gooyeen afar ka mid ah carruurtayda," ayay u sheegtay BBC-da, iyadoo jirkeeda uu gariirayo.
"Markii aan imid, waxay dilayeen wiilkeyga afaraad."
Aminata ayaa sheegtay in ay soo qabsatay mindi si ay isaga difaacdo, balse laga awood roonaaday, lana garaacay, laguna tuuray duurka, ayna uga tageen dhaawacyo daran oo ka soo gaaray madaxa, garabka iyo cunaha.
Sannadkii 2023, Aminata waxay u qaxday xerada Nioronigué ee dariska la ah Ivory Coast, iyadoo ilaalinaysa dharkii dhiiggu ku daatay maalintaas si ay xasuus murugo leh u noqoto.
"Ma garanayo sida aan noloshayda u maareeyo, waxba ma haysto," ayay u sheegtay BBC-da.
Ugu yaraan 10,000 oo qof ayaa lagu dilay qalalaasaha ka soc da Burkina Faso, oo sidoo kale la daris ah Mali iyo Niger.
Qaramada Midoobay ayaa gobolka ku tilshalayy inuu yahay xudunta qalalaasaha jihaad doonka ah ee caalamiga ah.
Militari ayaa la wareegay awooda saddexda wadan, iyagoo ba lan qaaday inay xakameynayaan kacdoonka.
Waxay ka guureen xulafadooda soo jireenka ah ee reer gal beedka, waxayna u weecdeen Ruushka inay ka helaan kaalmo militari.
Inkastoo ciidamada Ruushka oo wata calanka Afrika ee loo yaqaan African Corps ay ku sugan yihiin dalka Burkina Faso, haddana kacdoonku waa uu sii socday, iyadoo kooxda ugu awoodda badan ee xagjirka ah ay tahay urur taabacsan Al-Qaacida, Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM).
Si la mid ah Aminata, 60-jir beeraley ah Hassane Tall ayaa ka qaxay waqooyiga Burkina Faso 2023 isagoo wata saddex xaas iyo 19 caruur ah ka dib markii uu u dulqaatay weeraro badan.
"Waxaan ka baxsannay isku dhacyo dhexmaray kooxaha jihaad doonka ah iyo ciidamada ammaanka," ayuu yiri. "Waxaan u maleynay inaan dhiman doono."
Xerada Nioronigué oo 12 hektar ah oo hoy u ah Aminata iyo Tall ayaa u dhow xadka Burkina Faso. Waxaa la aas aasay 2023-kii waxaana aasaasay Qaramada Midoobay iyo maamulka Ivory Coast.
Xearada iyo kaamka Timalaayaa ayaa waxaa loogu talagalay ilaa 6,000 oo qof, waxaana haatan deggam ku dhawaad 13,000 oo qaxooti ah.
Xogta Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in in ka badan saddex milyan oo qof ay ka barakaceen colaado kala duwan oo ka dhacay gobolka Saaxil.
In ka badan 80,000 oo qof oo ka yimid Burkina Faso ayaa hadda ku nool xeryo ku yaalla Ivory Coast.
Sheekooyin isku mid ah oo ku saabsan dad waayay dadkii ay jeclaayeen ayaa ka jira dhan walba oo xerada ah.
Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa ka yimid Mali. Waxa ku jira 27 jir ka qalin jabiyay maaliyadda. Isaga iyo walaalihii waxa ay dhawaan safar halis ah ku galeen doon alwaax ah oo ay wabiga Niger uga soo talaabeen, ka dibna waxa ay bas ka raaceen waqooyiga Ivory Coast si ay u badbaadaan.
Ardayda qalin jabisay ayaa sheegay in lagu qasbay in ay baxaan kadib markii wiil ay ilma adeer ahaayeen oo 24 jir ah ay dileen kooxo looga shakisan yahay in ay jihaad doonka.
"Wuxuu ahaa Kalluumeysato, xilli habeen ah ayuu ka soo kalluumeysanayay sida caadada ah, waxaa soo weeraray labo nin oo watay Mooto Bajaaj, waana waxyaabaha maalin walba dhaca.
"Waxaan ku noolayn cabsi, ma garanayno inaan soo toosi doono maalinta xigta," ayuu u sheegay BBC.
Aminata, bilaabista nolol hadda iyo kow ah waxaa u dheer culayska ay ku hayso xasuusta ilmaheedii.
"Weli maskaxdeyda kama tirtiri karo wixii igu dhacay," ayay tiri.
"Waxaan Ilaah ka baryeynaa in nabadu ay dib ugu soo laabato Burkina Faso."
Tabin dheeraad ah waxaa sameeyay Noel Ebrin Brou
Raysalwasaaraha Canada: 'Waxaynu ku soo toosnay adduun ka duwan kii hore'
Mark Carney ayaa khudbad uu ka jeediyey Golaha Hoose ee Baarlamaanka, ku bilaaabay in dadku shalay ay soo tooseen "adduun ka duwan kii hore”.
Qoysaska iyo saaxiibada dhibanayaa sha, shalay waxa ay u tahay "maalin tii ugu horraysay adduunka oo aanay la joogin qofaf ay aad u jeclaayeen”, ayuu yidhi.
Waxaanu sheegay in qaar ka mid ah dhibanayaasha ay weli ku jiraan cisbi taalka iyagoo "u halgamaya in ay noo laadaan”. Baadhista ayaa socota, ciidamada sharci fulintuna waxay u baahan yihiin waqti ay ku qabtaan shaqadooda, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.
Carney ayaa dhanka kalena sharraxay sida Tumbler Ridge ay u tahay magaalo ay ku nool yihiin kaliya 2,400 qof, isla mar kaana ay u tahay mid ka mid ah magaalooyinka ugu da’da yar ee British Columbia.
Wuxuu sheegay inay tahay magaalo ay degan yihiin macdan qodayaal, macallimiin, shaqaale ilaalin deegaan iyo qoysas hal kaas noloshooda ka dhisay.
"Tumbler Ridge waxay matalaysaa sida ugu wanaagsan ee Kanada, ee adkaysi leh, naxariis leh oo awood leh,” ayuu u sheegay baarlamaanka.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 12-FEB-2026
.