HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 3 FEB-2026

0
Tuesday February 03, 2026 - 08:35:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 3 FEB-2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Daah-furay Kulanka Guddiga Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macall -in Fiqi, ayaa shalay si rasmi ah u daa h-furay kulanka Guddiga Difaaca Qara nka, kaas oo ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta hoggaaminta di faaca, kor u qaadista isku-xirka hay’ adaha amniga, iyo mideynta howl-gala da iyo dib-u-habeynta ciidamada qalab ka sida.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaal ka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiir-ku-xigeenka Arrima ha Dibadda Cali Balcad, La-taliyaha Amniga Qaranka Aweys Xaaji Yuusuf, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soo maaliyeed Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booli ska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, taliyeyaa sha kala duwan ee ciidamada, safiirr ada saaxiibada caalamiga ah iyo wakii llo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Guddiga Difaaca Qaranku uu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isagoo noqon doona gole lagu mideeyo yoolalka howl-gal, dib-u-habeynta hay’adaha, iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo helo nidaam difaac oo mideysan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimad da ay leedahay xoojinta awoodda ciida mada qalabka sida, isagoo xusay in amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhismaha ciidan xirfad leh oo leh awood hawl-gal iyo mid dha qaale labadaba.

Gabagabadii, Wasiir Fiqi ayaa tilmaa may in Dowladda Federaalka Soomaa liya ay waddo qorshe kala-guur ah oo lagu doonayo in si buuxda ay ula wa reegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

DFS oo aqbashay in Deni iyo Axmed Madoobe ay hub la yimaadaan Muqidsho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqbashay in madaxweyneyaasha maa mul-goboleedyada Jubbaland iyo Punt land ay caasimadda yimaadaan iyagoo wata ilaaladooda iyo hubkooda culus.

Odayaal dhaqan iyo Beesha caalamka ayaa la sheegay in caddaadis xooggan ay saareen madaxda DFS, taasi ayaa keentay in dowladda ay ogolaato in Deni iyo Axmed Madoobe ay hubkoo da kala soo degaan garoonka diyaara daha Aadan Cadde ee Muq disho.

Madaxdan oo la filayay inay shalay soo gaaraan Muqdisho ayaa hakiyay safarkooda sababo la xiriira arrimo amni, balse wararka hadda la helayo ayaa tilmaamaya in maalmaha soo socda ay imaan doonaan, si ay uga qayb galaan gogosha wadatashiga qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa socda dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, kuwaas oo ay hormuud ka yihiin odayaasha dhaqanka, si loo helo xal waara oo lagu dhammeeyo khilaafka taagan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaali ya ayaa ergo ahaan u soo dirsaday Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, gana csade Mursal Kadiye iyo xubno kale, kuwaas oo wadahadallo la yeeshay dhinacyada siyaasadda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ergadaasi ayaa farriin ka waday madaxtooyada Soomaaliya oo muujineysa in dowladda federaalka ay ka garaawsatay khaladkii ka dhashay tallaabadii hore loogu celiyay diyaarado siday wafdiyo ka socday Jubbaland iyo Puntland.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dejinayo xiisaddii siyaasadeed ee soo xoogeysanaysay, islamarkaana lagu xoojinayo wada-hadalka iyo is-afgaradka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.

Kulanka BFS oo fashil ku soo dhammaaday kadib buuq hareeyay

Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee shalay ayaa ugu dam beyn fashil ku soo dhammaaday, kadib buuq iyo khalalaase ka socday xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lala galo xildhibaanada diidan ajandaha fadhiga.

"Anigoo ku hadlaya magaca gudonka oo wanaaga aad u jecel waxaan odoladay soo jeeinta xildhibaanada, waxaan dib u dhignay kulanka shalay,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Kulanka ayaa dib loo dhigay kadib markii xildhibaanada qaar ay ka codsadeen guddoonka in arrimaha iyo buuqa ka taagan Golaha lagu xaliyo banaanka xarunta si nabad ah.

Fadhigii shalay lama soo saarin wax go’aan ah oo ku saabsan ajandaha dastuurka, waxaana la hakiyay doodihii ku saabsanaa wax ka beddelka qodobo ka mid ah Dastuurka Qabyo-qoraalka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdan taagan loo saaray guddi iskujir ah oo qiimeynaya fadhiga iyo buuqa ka dhashay, isagoo fasaxay Golaha kadib xiisaddii maalmaha soo socotay.

Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeystay in aan muddada la sii dheeraynin fadhiyada si ay uga qayb qaataan arrimaha dastuuriga ah, iyagoo ku dooday in si sharci ah oo dastuuriyan sax ah loo xaliyo khilaafaadka ka jira.

Fadhigii shalay ayaa markale fashil ku soo dhamaaday, iyadoo aan laga hadlin wax ajando ah oo horey loogu talagalay, taasoo muujineysa xasillooni-darro siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa gudaha Baarlamaanka.

NISA oo Muqdisho ku qabatay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay wiil lagu magacaabo Cabdifitaax Axmed Godane, kaas oo la sheegay inuu yahay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee kooxda Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Cabdifitaax ayaa lagu eedeeyay falal amni-darro iyo burcadnimo, kaddib markii kaamirooyinka ammaanka ay duubeen isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Feysal Xaashi, iyaga oo gabar yar ka dhacaya taleefan gacanta ah mid ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, Sida ay baahisay Warbaahinta Qaranka, wiilka la qabtay ayaa baaritaan lagu sameeyay, waxaana uu sheegay inuu ka yimid magaalada Hargeysa.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Cabdifitaax uu dhab ahaan yahay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab, sida uu isagu sheegay intii uu socday baaritaanka.

Markii hore waxaa lagu xiray saldhigga booliska degmada Hodan, balse kaddib markii uu shaaciyay sheegashadiisa, waxaa loo wareejiyay xabsiga Godka Jilicow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdifitaax lagu qabtay isagoo ku hubeysan hub iyo mindiyo, xilli uu ku guda jiray fal burcadnimo.

Hay’adaha ammaanka ayaan weli bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa sharci ama tallaabooyinka xiga ee laga qaadi doono.

Axmed Cabdi Godane, oo ahaa aasaasayaashii ugu waaweynaa ee kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah sanadkii 2014-kii, Sida ku xusan warbixin muuqaal ah oo ay soo bandhigtay Warbaahinta Qaranka, Cabdifitaax Axmed Godane ayaa waxbarashada ka tagay marxalad dhexe, waxaana markii dambe uu ku lug yeeshay isticmaalka maandooriyaha.

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo Wasaaraddu ka hirgelisay koronto bilaash ah oo ka mid ah Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS).

Wasiirka, oo ay weheliyeen Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa booqday dhismaha Wasaaradda Tamarta Galmudug, Isbitaalka Weyn ee Dhuusamareeb iyo dugsi ku yaalla magaalada. Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in korontadu si weyn u horumarisay adeegyada caafimaadka isla markaana ay ka maareen kharashkii korontada.

Wasiir Bidhaan ayaa adkeeyey muhiimadda ilaalinta nidaamyada tamarta qoraxda si adeeggu u noqdo mid waara, isagoo xusay in mashruuca ILAYS uu mudnaan siinayo xarumaha adeegyada bulshada, kana tarjumayo himilooyinka Madaxda Qaranka ee helitaanka koronto la awoodi karo iyo biyo waara.

Safaaradda Talyaaniga ee Tehran oo joojisay adeegyadii ay qaban jirtay

Safaaradda Talyaaniga ee Tehran ayaa joojisay adeegyada qunsuliyadeed. Safaaradda Talyaaniga ee Tehran waxay ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan howlaha xafiiskeeda qunsuliyadeed ilaa ogeysiis dambe.

Sida ku cad qoraal la soo saaray, adeegyada muhiimka ah, degdegga ah, ee aan dib loo dhigi karin kaliya ayaa loo qaban doonaa muwaadiniinta Talyaaniga.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ballamadii hore ee macaamiisha la joojiyay loona qorsheyn doono mar kale haddii xaaladdu ogolaato.

Ka dib bilowgii rabshadaha dhawaan ka dhacay Iran, safaarado kala duwan oo ay ugu badanyihiin kuwa reer Yurub ee ku yaalla dalkaasi ayaa xaddiday ama hakiyay howlaha ay qaban jireen.

Wafdi ka socda wasaaradda warfaafinta oo lagu soo dhaweeyey Birmingham UK

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa shalay si weyn u soo dhaweeysay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalkaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham ayaa isugu timid munaasabad weyn oo Wasiirka ay ku soo dhaweeyeen, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka laga gaaray geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya, guulihii ugu dambeeyey ee difaaca midnimada dalka, xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleystaan kooxaha Khawaarijta ah, doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka bilowday iyo guulo kale oo Xukuumadda Danqaran ay xaqiijisay.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ku bogaadiyey doorkooda ayaa ku booriyey inay garab istaagaan halganka difaaca midnimada dalka, si meel looga soo wadajeesto xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada, qaranimada iyo wadajirka dalkeena.

Jubbaland oo Xorriyaddiisa Dib ugu Soo Celisay Senator Ilyaas Gaboose

Maamulka Jubbaland ayaa xorriyaddi isa dib ugu soo celisay Senator Ilyaas Bedel Gaboose, kaddib markii uu mud do ku dhow hal sano iyo afar bilood u xirnaa maamulka uu hoggaamiyo Mad-axweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Saacado kaddib sii dayntiisa, Madax weynaha Jubbaland ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay Senator Ilyaas Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, naba dda iyo danta guud ee shacabka Jubbaland.

Qoraal uu Madaxweyne Axmed Madoo be ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dhinacyadu isla qaateen in danta guud, nabadda iyo midnimada dadka Jubbaland ay ka sarreeyaan khilaaf kasta oo siyaasadeed, Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay tanaasul ballaaran si loo xaqiijiyo wadajir buuxa iyo xasillooni waarta.

"Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka reer Jubbaland,” ayuu yiri Madaxwe ynaha Jubbaland.

Senator Ilyaas Gaboose ayaa la xiray sanadkii 2024, kaddib markii koox mucaarad ah oo ka soo horjeeday Madaxweyne Axmed Madoobe ay doorasho ay ku qabteen Kismaayo ugu doorteen inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland, arrintaas oo si weyn u sii xumeysay khilaafka u dhexeeyay Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sii daynta Senator Gaboose ayaa loo arkaa tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, isla markaana qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu dhiso isfaham cusub oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Jubbaland, si loo mideeyo mowqifka siyaasiyiinta deegaanka loogana gudbo khilaafaadkii soo jiitamayay.

Madaxweynaha Somaliland oo safar shaqo ugu baxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland, Cabdira xmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu kaga qayb-geli doono Shirka Sannadlaha ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Sum mit) oo ka dhacaya magaalada Dubai.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, safarka Madaxweynaha ayaa xambaar san muhiimad diblomaasiyadeed oo weyn, maadaama uu Somaliland ku metelayo madal caalami ah oo ay isugu imanayaan in ka badan 130 dal, hay’ado caalami ah, iyo hoggaa miyeyaal saameyn ku leh go’aannada siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee dunida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa madasha ka jeedin doona farriin ku saabsan waayo-aragnimada Somali land ee dhinacyada dawlad-dhiska, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo horumarka, sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada.

"Muddada ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin dalka Imaa raadka Carabta waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono iskaashiga horumarineed, maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo arrimaha mudnaanta u leh danaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Ka-qaybgalka Somaliland Madashan Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summ it), ayay Somaliland sheegtay in ay muujinayso danayn sii kordhaysa iyo kalsooni ay Bulshada Caalamku ku qabto Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa sannadkii hore sidoo kale Imaaraatka kaga qaybgalay shirkan, isaga oo halka ka jeediyay hadal uu kaga waramay aqoonsi raadinta Somaliland, iyo horumarka ay Somaliland gaadhay intii ay jirtay.

Baarlamaanka Soomaaliya oo baaraya eedeymo la xiriira askari dhaawacay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdo lagu eedeeyay in mid kamid ah ciidamada amaanka ee Booliska kusugan Villa Haregysa uu si kas ah u dhaawacay xildhibaan ka tirsan Gola -ha Shacabka, taas oo ka dhacday gudaha xarunta Baarlamaanka.

Habdhooraha Golaha Shaacabka Soo maaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdul laahi Xasan (Nuux), ayaa u sheegay warbaahinta in la sameyn doono baaritaan dhammeystiran si loo ogaado xaqiiqda dhacdada.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in haddii askariga ku lugta leh falkaasi lagu helo inuu dhibaato geystay, arrintaasi loo arki doono mas’uuliyad darro amni, isla markaana xildhibaanadu ay garab istaagi doonaan xildhibaanadda dhibbanaha ah.

Xildhibaanad Cadar Xareed, oo la dhigay isbitaal kaddib dhacdadaasi dhaawaca loogu geestay, ayaa u sheegtay warbaahinta maxaliga ah in askari ka tirsan ciidamada ammaanka uu si kas ah u weeraray, xildhibaanad du waxay ka dhaawacantay lugta, sidoo kalena waxaa jabay ookiyaalihii indhaha ay xirneyd.

Dhacdadan ayaa timid xilli uu jahawa reer iyo buuq xooggan ka socday guda ha Golaha, iyadoo ay isku dhaceen xildhibaano iyo shaqaalaha amniga ee Baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa ballanqaaday in natiijada baaritaanka si cad loo shaacin doono, lana qaadi doono tallaabo ku habboon cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda dhacdada.

ONLF: Abiy Ahmed fashilkiisa ayuu ku qarinayaa bandhigyada siyaasadeed ee degaanka Soomaalida

Jabhadda ONLF ayaa cambaareysay waxay ku tilmaamtay bandhigyo siyaasadeed oo uu soo abaabulay Ra’iisul Wasaare Itoobiya, Abiy Ahmed, kuwaas oo lagu soo bandhigay madaxda gobollada deriska ah iyo kuwa sare ee gobolka, iyadoo lagu andacoonayo "horumar” iyo "iskaashi goboleed.”

ONLF ayaa sheegtay in la soo bandhigay muuqaal aan ka tarjumayn xaqiiqda siyaasadeed iyo tan nololeed ee ka jirta dhulka Soomaalida, halkaas oo ay sheegeen in weli laga diiddan yahay xukun aan ka imaanin dadweynaha ku nool deegaanka.

"Bandhiggan ma ahayn horumar dhab ah; waa farriin ah in maamulka Itoobiya uu doonayo inuu muujiyo awood, halka dalka Itoobiya laftiisu uu la tacaalayo qalalaase gudaha ah oo ka jira gobollada Amxaarada, Oromiya, Canfarta, Benishangul-Gumuz, Gambella, iyo xitaa gudaha Ismaamulka Soomaalida,” ayaa lagu sheegay bayaanka ONLF.

ONLF waxay sidoo kale tilshalayy in bandhigga siyaasadeed uu ku soo beegmay xilli nidaamka federaalka Itoobiya uu la kulmay guuldarrooyin militari oo ka dhacay Tigray, halka dhul ballaaran oo ka tirsan Amxaarada uu ka maqan yahay gacanta dowladda, iyadoo iskahorimaadyo ay ka socdaan Oromiya iyo meelo kale.

Waxa kale oo ONLF ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay isku dayayso inay dhulka Soomaalida ka abuurto nabad aan jirin oo lagu qarinayo burburka awoodeed ee dawladda.

Ugu dambeyn, ONLF waxay xusuusisay dhammaan dhinacyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah in xukunka Itoobiya iyo bandhigyada Jig-jiga uusan beddelin xaqiiqda ah in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin go’aan qaadashadooda madax-bannaan iyo ilaalinta sharaftooda.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii raysal wasaare Abiy Ahmed iyo madax ka socotay dalalka geeska Afrika ay isugu tageen degaanka Soomaalida, halkaas oo uu raysal wasaare Abiy xariga uga jaray mashruuca dalxiiska ee gobolka Shabeelle.

Maraykanka oo ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan aqoonsiga Somaliland

Dowladda Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay sida ay u aragto arrinta la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, kaddib hadal-haynta xooggan ee ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Warbixin ay BBC-du si gaar ah u baahisay, kuna xigatay xog ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Washington ay sheegtay in aanu jirin wax war cusub ah oo ay hadda ka bixinayso arrinta aqoonsiga Somaliland.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay in siyaasadda Maraykanku aysan wax isbedel ah ku iman, isla markaana ay weli aaminsantahay tahay siyaasada midnimada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku waxa uu xaqiijiyay in uu jiro xidhiidh shaqo oo wanaagsan oo uu la leeyahay Somaliland iyo maamul goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga, iyo danaha dhaqaale ee wadajirka ah.

Hadalkan ka soo yeedhay Washington ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay mustaqbalka Somaliland iyo rajada aqoonsi caalami ah, iyadoo Somaliland muddo ka badan 30 sano si madax-bannaan isu maamuleysay, isla markaana ay hadda waddankii kowaad oo Israa'iil ah ay ka heshay aqoonsi.

Warbixintan BBC-da ay baahisay ayaa mar kale muujinaysa in Maraykanku uu ka taxaddarayo inuu beddelo mowqifkiisa rasmiga ah. Dowladada Maraykanka ayaa hore shirkii Qaramada Midoobay uga sheegtay in ay taageersantahay midnimada Soomaaliya, lakiin waxay sheegtay in Israa'iil ay xidhiidh la yeelan karto cida ay rabto.

Q.M oo ku baaqay in Deni iyo Axmed Madoobe loo ogolaado inay yimaadaan Muqdisho.

War uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNTMIS ayaa si xooggan ugu dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay mudnaanta siiyaan qabsoomidda madasha wadahadalka ee horey la isugu raacay.

War-saxafadeed kooban oo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya loo baahan yahay in ay gaaraan is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobada kale ee qaran ka hor dhammaadka muddo-xileedka dastuuriga ah ee soo socda.

UNTMIS waxay si dad ban u sheegeen in ay ka xun yihiin in wakiillo horudhac ah oo ka socday Puntland iyo Jubbaland laga celiyay garoonka Muqdisho, taasoo ay sheegeen in ay keeni karto in ay shirka imaan waayaan sababo la xiriira sharuudaha dowladdu ku xirtay.

Sidoo kale, UNTMIS waxay ku boorisay in si degdeg ah loo dhammeeyo shaqada diyaarinta ee kooxaha farsamada, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaranka ay sameeyaan dadaallo dheeraad ah oo lagu abuurayo jawi ku habboon qabsoomidda wadahadalka iyo gaarista heshiis.

Warka Qaramada Midoobay ayaa kusoo kaddib markii shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib hawada uga celisay diyaarado siday ciidamo iyo hubkooda, kuwaas oo ahaa ilaalada madaxda Puntland iyo Jubbaland.


Turkiga oo ka hor istaagay Midowga Yurub qorshe uu ku aqoonsan lahaa Somaliland


Raysal-wasaarihii hore ee Turkiga, Ahmet Davutoğlu, ayaa sheegay in sannadkii 2012 uu hor istaagay qorshe uu Ingiriisku dabada ka riixayay, kaas oo lagu doonayay in Midowga Yurub uu Somaliland ugu aqoonsado dal madax-bannaan.

Davutoğlu waxa uu sheegay in Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska, William Hague, uu ku qanciyay dalalka Yurub in ay aqoonsadaan Somaliland, balse uu isagu joojiyay dadaalkaas, kaddib shir ay wada yeesheen madaxda Turkiga iyo Ingiriiska.

"Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa diblumaasiyiinta Yurub ka dhex waday ololaha aqoonsiga Somaliland. Markii aan kulanka soo galay, ololahaasi meel wanaagsan ayuu marayay. Waxaan ku idhi: maxaad samaynaysaa? Anaguna Soomaaliya ayaanu dajinayayna adiguna waad kala qaybinaysaa,” ayuu yidhi Davutoğlu.

Waxa uu sheegay in Hague uu ugu jawaabay in Somaliland tahay goob deggan oo dimuqraadi ah, isla markaana u qalanta in la aqoonsado, halka Soomaaliya xilligaas ay ahayd dal ay ka jireen qalalaase iyo dowlad-la’aan baahsan.

Davutoğlu waxa kale oo uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu ka dhigan yahay in Ingiriisku sidoo kale aqoonsan karo Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Cyprus, oo iyaduna ah dal deggan oo aan argagixiso ka jirin. "Dadkii qolka joogay way la yaabeen,” ayuu yidhi.

Waxa uu ku faanay in isla maalintaas uu wacay Madaxweynihii Somaliland ee xilligaas, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Madaxweynihii Dowladdii Ku-meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo uu ku yidhi: "Waxaynu nahay dalal Muslim ah, cid kale yaanay arrimaheena soo faragelin.”

Intaa kaddib, ayuu sheegay in Turkigu shir isugu yeedhay labada dhinac si loo sii wado wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo ujeeddadiisu ahayd in Somaliland aan la aqoonsan, isla markaana caalamku u arko in labada dhinac ay wada-hadallo ku jiraan, sidaasna faraha uga qaado arrinta aqoonsiga.

Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo socday in ka badan toban sano, isla markaana aan wax natiijo ah laga gaadhin, ayaa dad badan oo reer Somaliland ahi u arkaan in ay ahaayeen dabin loo dhigay dadaallada aqoonsi-raadinta Somaliland, si beesha caalamku u sugo natiijadooda oo aanay tallaabo kale qaadin, halka kuwo kalena ay qabaan fikrad taa kasoo horjeeda.

Wadahadalladii labada dhinac ayaa hadda burburay, waxaana sii kala fogaaday xidhiidhka Muqdisho iyo Hargaysa kaddib markii ay Somaliland ka xumaatay doorka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari ee laga sameeyay gobolka Sool, taas oo Somaliland ku tilshalayy faragelin ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Somaliland ku daray khataraha ay Soomaaliya wajahayso, iyaga oo khatarta koowaad ka dhigay argagixisada, halka khatarta labaadna ay ku tilmaameen fikirka gooni-u-goosadka, oo ay ula jeedeen Somaliland.

Somaliland ayaa markii ugu horreysay 26-ka December ee sannadkii hore ka heshay aqoonsi buuxa dowladdii ugu horreysay ee ka tirsan Qaramada Midoobay, kaddib markii dowladda Israa’iil ku dhawaaqday inay si buuxda u aqoonsatay.


Midowga Yurub oo niyad jab ka muujiyay dib u dhaca ku yimid shirka wadatashiga Soomaaliya


Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa muujiyay niyad-jab ku saabsan dib-u-dhacyada ku yimid diyaar-garowga wadahadal siyaasadeed oo muddo dheer la sugayay oo lagu qaban lahaa Muqdisho.

Di Mauro ayaa ku qortay barta X in ay ahayd arrin ceeb ah in kooxihii hordhaca ahaa ee ka socday laba ka mid ah dowlad-goboleedyada federaalka aysan shalay soo gaari karin Mqudisho, iyadoo sabab uga dhigtay waxa ay ku tilshalayy is-faham la’aan.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay mar kale ku celisay rajada Midowga Yurub ee ah in dhammaan dhinacyadu helaan xal si wadahadalku u sii socdo.

Kulammada wadatashiga ee la qorsheeyay in lagu qabto Muqdisho ayaa qayb ka ah dadaal caalami ah oo lagu doonayo in lagu jebiyo ismariwaaga siyaasadeed ee soo jireenka ah ee ku saabsan sida Soomaaliya u qaban doonto doorashooyinka sanadkan, ka hor inta aysan dhammaan mudnaanta hay’adaha muhiimka ah.

Maalmihii la soo dhaafay, Ergada Midowga Yurub ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ah inay aqbalaan casuumaadda dowladda federaalka si ay uga qeyb galaan madasha wadatashiga ee ka bilaabanaysa Muqdisho 1-da Febraayo.

Waxay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhisaysa kalsooni, balse waxay adkeeyeen baahida loo qabo jawi ku habboon wadahadallo macno leh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip