
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 2 FEB-2026
Ma isbeddel ayaa ku yimid gogosha wada-hadalka kadib tallaabada df ee shalay
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa caddeysay in martiqaadkeedii gogosha wada-hadalka aysan waxba iska baddalin, xilli ay shalaydib u celisay diyaaradihii waday ciidamadii ay iska hor mariyeen madaxweynayaasha juba-land iyo puntland.
Wasaaradda amniga gudaha oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ku boorrisay xubnaha madasha mustaqb alka in ay ilaaliyaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si loo abuuro jawi xasiloon oo nabad ah oo shirku ku qabsoomo.
Wasaaradda ayaa celinta ilaalada madaxda puntland iyo jubaland soo direen shalayku tilmaamtay kuwo ka hor imanaya habraacyada amni ee garoonka muqdisho iyo guud ahaan kan caasimadda.
"dowladda soomaaliya waxay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda federaalka soomaaliya waxay hore u meel marisay qaraarro caddeynaya baratakoollada iyo habraacyada lagu sugayo amniga garoonka caalamiga ah ee aadan cadde, iyo guud ahaan amniga caasimadda taas oo suurta gelisay amniga iyo nabadda lagu naaloonayo,” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxay sheegtay in xubno ka mid ah madasha mustaqbalka oo ka qeyb-gali lahaa shirka wada-hadallada ee dowladda ku baaqday in ay shalayisku dayeen in ay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedada ay ka leeyihiin, tas oo xad-gudub ku ah qaraarrada amniga lagu sugayo.
Qaraarada baratoolka iyo habraacyada amniga lagu sugayo ayey wasaaraddu sheegtay inay yihiin kuwa ay ku dhaqmaan dhammaan madaxda sare ee dowladda federaalka soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo madaxda hore ee dalka.
"hay’addaha amniga dowladda iyo gudida qaban-qaabada shirka waxay ku wargaliyeen xubnaha guddiga ku matalayey golaha mustaqbalka, in aan la aqbali karin ciidamo iyo hub aan la soo marin hanaankii iyo habraacyadii lagu dhaqmayo,” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaa radda amniga gudaha soomaaliya.
Dowladda federaalka soomaaliya ayaa shalayhawada muqdisho dib uga celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha jubaland iyo puntland, kuwaas oo shalaykasoo ambabaxay kismaayo iyo garoowe.
Mas’uuliyiinta hay’adda duulista hawada ayaa la siiyay amar toos ah oo ku aaddan in aysan jiri karin diyaarado dambe oo sida ciidamo oo kasoo duuli kara labada magaalo, sida ay ogaatay caasimada online.
Si kastaba, tallaabadan waxaa durba si adag uga fal-celiyay maamullada puntland iyo jubaland, kuwaas oo sheegay in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada soomaaliya.
Waxay sheegeen in ujeedka ka dambeeya go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan villa soomaaliya iyo golaha mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.
Tallaabooyinkan ayey xuseen inay ka dhalan karaan halis iyo qalalaase hor leh, isla markaana la iskula xisaabtami doono falkaasi.
Xildhibaanno iyo senatarro laga joojiyay kulamada bf + sababta
Guddoonka labada gole ee baarlam aanka soomaaliya oo shalaysoo saaray go’aanno culus ayaa fadhiyada golaha ka mamuucay illaa 20 xubnood oo isugu jiro labada aqal, kuwaas oo ku lug yeeshay fowdadii dhawaan ka dhacday xarunta baarlamaanka.
Guddoomiyaha gola-ha shacabka sheekh aadan maxamed nuur (madoobe) oo qoraal soo saaray ayaa 12 kulan oo xiriir ah ka joojiyay18 xildhibaan oo ka tirsan golaha, kuwaas oo qayb ka ahaa qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadaji-rka ahaa ee labada aqal ee qabsoomay 28-kii janaayo, 2026-ka.
"haddaba iyada oo la tixgeliyo xaaladaha amniga, iyo in aysan soo noqon fowdo iyo carqaladeyn kale ee ka dhacda golaha, kuwaas oo si toos ah halis u gelinaya badqabka xildhibaan nada, shaqaalaha golaha shacabka iyo hannaanka gudashada waajibaada golaha shacabka, in xubnaha ka tirsan golaha ee ku lug lahaa qalalaasaha ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada aqal ee taariikh 28-01-2026, laga joojiyay ka qayb-galka 12 kulan oo ah fadhiyada wadajirka ah ee labada gole iyo fadhiyada kale ee golaha shacabka oo ka bilaabaneyso taariikhada 02-02-2026” Ayaa lagu yiri go’aankasoo baxay guddoomiye sheekh aadan madoobe.
Sidoo kale, guddoomiyuhu waxaa kale oo uu digniin kama dambeys ah u diray illaa 11 kale oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhigaas, isagoo adkeeyay in la dhowro nidaamka, anshaxa, iyo xeer-hoosaadka golaha, isla markaana la ilaaliyo sharafta iyo haybadda baarlam aanka jamhuuriyadda federaalka so omaaliya.
Waxaa kale oo uu faray ciidamada amniga inay fuliyaan amarka shalaysoo baxay, isla markaana ay celiyaan xildhibaannada la ganaaxay.
"taliska amniga ee golaha shacabka waxaa la farayaa in uu dhaqangeliyo go’aankan si waafsaqsan xeer-hoosaadka golaha shacabka bjfs” Ayaa lasii raaciyay.
Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka sarecali shacbaan ibraahim oo isna soo saaray go’aan kan lamid ah ayaa isna 12 kulan ka fadhiisay senanatarrada leyla nuue maax iyocabdullaahi sheekh ismaaciil (fartaag), oo lug yeeshay qalalaasihii dhowaan ka dhacay baarlamaanka.
Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xiisad culus ay ka dhalatay wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee dastuurka kmg ka ah oo la geeyay baarlamaanka, si ay uga doodaan, kadibna ay uga gaaraan go’aan rasmi ah
Cali jeyte oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne
Guddoomiyihii hore ee gobolka hiiraan, cali jeyte cismaan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka hirshabelle.
Jeyte ayaa sheegay inuu qayb ka yahay isbeddel lagu badbaadinayo maamulka hirshabelle, si loo helo maamul heybad leh, isla markaana la hana-qaado maamullada kale ee dalka.
"waxaan shaacinayaa inaan ahay musharrax u taagan hanashada xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka hirshabelle, kaddib markii aan aqbalay talo-soo-jeedin muddo fog iiga imaaneysay ummadda ku dhaqan dowlad-goboleedka hirshabelle, dal iyo dibad,” Ayuu jeyte ku yiri qoraal uu soo saaray.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hanka iyo himilada ugu weyn ee uu xaqiijinayo ay tahay in hirshabelle noqoto deegaan ka caagan argagixiso, isla markaana leh qiyam maamul oo sharfan, una noqota udub-dhexaad adkeynta amniga dalka iyo xoojinta midnimada nidaamka federaalka ee dowladnimadeenna.
"sidaas darteed, walaalayaal, barnaam ijkayga siyaasadeed oo ah mid baaxad leh, waxaan ku bayaamin doonaa madal siyaasadeed oo aan iclaamin doono, hadduu eebe idmo.”
Hoos ka aqriso qoraalka jeyte:
Bismillah,
Ciidanka nisa oo howlgal qors heysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan khawaarijta
Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (nisa), ayaa howl gal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka maxaa saciid ee gobolka shab eellaha dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen horjoogeyaal ka tirsan khawa arijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhag ar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen horjoogeyaal.
Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cad aadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dha gartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.
Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaa yeen; macallin caseyr, macallin muxumed axmed xasan, shiikh cali guuraale , ca bdiraxmaan shiikh cali (c/raxmaan dhe gey), iyo macallin caadey, kuwaas oo khaw aarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen gobollada shabeellaha dhexe, galgaduud iyo bay.
Shirweynaha isku-duwid da tamarta iyo kheyraad ka biy aha oo la soo gebage beeyay
Shirweynaha isku-duwidda tamarta iyo khayraadka biyaha ee heer federaal iyo dowlad gobolleedyada oo si rasmi ah shalayloogu soo gebagebeeyay dhuusa mareeb.
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo
khayraadka biyaha ee xukuumadda federaalka soomaaliya (xfs), mudane cabdullaahi bidhaan warsame, oo ay weheliyaan wasiiru-dowlaha iyo wasiir-ku-xigeenka, ayaa magaalada dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray shirweynaha isku-duwidda tamarta iyo khayraadka biyaha ee u dhexeeya heerarka federaalka iyo dow lad-goboleedyada. Shirweynahan oo soc day labadii maalmood ee 31 janaayo iyo 1 febraayo 2026, kana qabsoomay dhuusam areeb, ayaa waxaa lagu falanqeeyay xoo jinta wada-shAqeynta iyo isku-duwidda siya asadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qaban ayo abaaraha, loona horumariyo adeegyada tamarta iyo biyaha ee bulshada sooma aliyeed.
Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin.
* mashruuca soo kabashada korontada soomaaliya (ilays)
* mashruuca jowhar, oo ka mid ah mashaariicda horumarinta biyaha
* mashruuca barwaaqo +, oo ah mashruuc ballaaran oo laga fuliyay qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuna saleysan deris-wanaag iyo iskaashi bulsho, isla markaana xoogga saaraya dhismaha biyo-xireenada.
* barnaamijka abaartire, oo ay si gaar ah u fulisay wasaaradda tamarta iyo khayr aadka biyaha, (xfs) kaas oo ujeeddadiisu tahay in xal waara laga gaadho saameynta abaaraha, lana xaqiijiyo in soomaaliya yeel ato ilo biyo oo la isku halayn karo must aqbalka.
Wasiirradda wasaaradaha tamarta ee dowlad-goboleedyada ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta kala dhaxaysa wasaarad da federaalka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta tamarta dalka iyo sidii looga hortagi lahaa abaaraha, dhinaca kale waxay xuseen in mashaariicda si isku mid ah loogaga faa’iideeyo deegaannada dalka oo dhan.
* dowlad-goboleedka -galmudug
* dowlad-goboleedka -koonfur galbeed
* dowlad-goboleedka -hirshabeelle
* dowlad-goboleedka -waqooyi-bari
* dowlad-goboleedka -jubbaland
Wasiirka wasaaradda tamarta iyo khayr aadka biyaha xfs, mudane cabdullaahi bi dhaan warsame, ayaa sheegay in wasaara dda ayka go’an tahay ka shaqeynta sidii so omaaliya u yeelan lahayd koronto iyo biyo la isku halayn karo, isago xusay in mashaa riicda iyo ceelasha biyaha laga fulinayo dal ka oo dhan si siman, aysanna ku xirnayn siyaasad gaar ah.
Ujeeddada shirkan ayaa ahayd xoojinta wa da-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qor she qaran oo mideysan, loogana jawaabo caqabadaha abaaraha, loona xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah iyo tamar la awoodi karo, si loo gaaro horumar waara.
[19:09, 01/02/2026] ali sheikhal: Wasiirk bi dhan "markii aan imid wasaaradda, waxaan mudnaan gaar ah siiyay mashruuc kasta iyo shaqo kasta oo lagu hormarinayo wasaarad da, anigoo ujeedkeygu yahay in shacabka soomaaliyeed helaan koronto qiimo jaban iyo biyo nadiif ah, taasi ayaana saldhig u noqotay guul kasta oo aan ka gaarnay shaqooyinkeenna.
Doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee somaliland oo dib loo dhigay
Komishanka doorashooyinka somaliland (kdq) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in aanay suuragal ahayn in doorashooyinka gole yaasha wakiillada iyo deegaanka lagu qab to waqtigii loo asteeyay ee 31-ka may 2026, kaddib qiimeyn ballaadhan oo lagu samee yay xaaladda guud ee doorashooyinka.
War-saxaafadeed ka soo baxay koomii shanka ayaa lagu sheegay in sababo la xidhi idha abaaro baahsan oo saameeyay gobo llada somaliland, arrimo nabadgelyo oo ka taagan qaybo ka mid ah somaliland, iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo saame eyay hanaanka doorashooyinka, ay adk aatay in la helo jawi ku habboon qabso omidda doorasho xor iyo xalaal ah.
Komishanku wuxuu xusay in, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo awoodaha uu siinayo xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha (xeer lr. 91/2023), uu go’a amiyay in la qaato muddo kordhin gaar ah si loo xaqiijiyo in dhammaan shuruudaha sha rci, farsamo iyo amni la buuxiyo.
Koomiishanka ayaa go’aamisay in doora shooyinka goleyaasha wakiillada iyo deega anka ee ku beegnaa 31-ka may 2026 aan la gu qaban karin waqtigaas, isla markaana ay jiri doonto muddo kordhin dhan toban (10) bi lood oo ka bilaabmaysa taariikhdaas.
Inta lagu jiro muddada la kordhiyay, komi shanku wuxuu ballanqaaday:
Dhamaystirka arrimaha farsamo ee la xidhiidha diiwaangelinta cod-bixiyeyaa sha, diyaarinta qalabka iyo habraacyada doorash ada. Xoojinta diyaarinta iyo hirgelinta dha mmaan hawlaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorasho waafaqsan dastu urka somaliland, xeerarka iyo halbeegyada caalamiga ah.
Ugu dambayn, koomiishanka ayaa caddey say in go’aankani uu ku saleysan yahay ilaalinta qiimaha sharciyadda, daahfurnaa nta iyo mas’uuliyadda, si loo xaqiijiyo kals oonida shacabka iyo sii xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee somaliland.
Bayaan shaacin rasmi ah xilka madaxweynaha hirshabelle
Ugu horeeyn waxaan salaan diiran u dirayaa guud ahaan shacab’ka soomaal iyeed meel walba oo ay joogaan. Salaan dabadeed, shalayoo ay taariikhdu tahay 01/02/2026, waxaan halkaan ka shaacina yaa anigoo ah (cali jeeyte cismaan) inaan ahay musharrax u taagan hanashada xilka madaxweynaha dowlad-goboleedka hirshabelle ee muddo xileedka 2026–2030.
Sababaha musharraxnimadeyda
1= markii aan arkay ahmiyadda iyo qiimaha ay leedahay in la helo maamul ku dhisan is-ongol iyo isla-guddoomid, anigoo garawsan, waayo-aragna u ah xaaladahii habraaceed ee ay soo martay dowlad-goboleed ka hirshabelle tan iyo dhismaheedii; haddaba si aan u dhisanno maamul cadaalad leh, wadajir leh, halbeegga lagu cabbiri karana uu yahay dad iyo deegaan wadajira, isna aqbalsan, waa sababta aan isugu sharaxay xilkan.
2= markii aan aqbalay talo-soo-jeedin soo socotay muddo fog oo iiga imaaneysay ummadda ku dhaqan dowlad-goboleedka hirshabelledal iyo dibad
Waxaan go’aan saaray inaan wajaho, qaybna ka ahaado isbeddelka lagu badbaadinayo maamulka hirshabelle, si aan u helno maamul heybad leh, lana hana-qaado maamulada kale ee qaybta ka ah dowladda federaalka soomaaliya.
Sidaas daraadeed, walaalayaal,barnaamijkeeyga siyaasadeed oo ah mid baaxad leh, waxaan ku bayaanin doonaa madal siyaasadeed oo aan iclaamin doono, hadduu eebe idmo.
Hanka iyo himilada ugu weyn ee aynu xaqiijinayno waa inaan hirshabelle ka dhiganno meel ka caagan argagixiso, leh qiyam maamul oo sharfan, u-dub-dhexaadna u noqota adkeynta amniga dalka iyo xoojinta midnimada nidaamka federaalka ee dowladnimadeenna.
Ugu dambeyntii, waxaan u soo jeedina yaa kana codsanayaa ummadda ku dhaqan dowlad-goboleedka hirshab elle in loo midoobo midnimada dowlad-goboleedka hirshabelle, oo shalaywajahaya hubanti amni iyo dagaallo argagixiso, qalbiyadana laysku furo, lana abuuro jawi caqli iyo xikmad leh oo aan ku wajahno isbeddel ina dhaxalsiiya horumar iyo amni ku dhisan is-ongol iyo isla-guddoon.
Hoggaanamniiyo amaano leh
xurriyad iyo xasillooni leh
Alle mahadleh
Ciidamada booliska oo magaalada beledweyne ku qabtay saddex eedeysane oo tacaddi kula kacay gabar soomaaliyeed
Ciidamada booliska magaalada beled weyne ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan saddex eedeysane oo ku eede ysan fal tacaddi ah oo ka dhan ah gabar soo maaliyeed, kaas oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada maalmihii la soo dhaafay. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay saldhigga booliska beledweyne, eedeysanayaashan ayaa lagu soo qabtay eed la xiriirta qodobka 398 ee xeerka ciqa abta soomaaliyeed, kadib markii lagu arkay muuqaal muujinaya falal wax u dhimaya kar aamada iyo xuquuqda gabadha dhibbanaha ah.
Boolisku waxa ay sheegeen in falkan uu yahay dembi culus oo si toos ah uga hor imanaya sharciga dalka, isla markaana dha awacaya sharafta, karaamada iyo xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan haweenka soom aaliyeed.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka beledweyne ayaa xaqiijiyay in wali ay ku raad-joogaan rag kale oo kasoo muuqday muuqaalka tacaddiga, iyadoo ay socdaan baaritaanno dhammeystiran si dhammaan dadka ku lugta leh falkaasi si loo hor geeyo cadaaladda.
Booliska beledweyne ayaa mar kale adkeeyay in aan marnaba la aqbali doonin wax xadgudub ah oo lagu sameeyo hawee nka soomaaliyeed, iyagoo ballanqaaday in tallaabo sharciyeed adag laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah anshaxa, sharciga iyo xuquuqda aadanaha.
Ugu dambeyn, laamaha amniga ayaa ugu baaqay bulshada ku nool beledweyne inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amma anka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amniga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo ciribtirka falalka dembiyada ah.
Qatar, urdun iyo masar oo cambaareeyay weeraro ay israa’iil ka gaysatay marinka qasa
Dowladaha qatar, urdun iyo masar ayaa si adag u cambaareeyay weerarro israa’iil ay ka geysatay marinka qasa, kuwaas oo ay ku tilmaameen jebin cad oo ka dhan ah heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaadhay bishii oktoobar, iyagoo ka digay in falalkaasi ay halis gelinayaan dadaallada lagu doonayo xasilloonida.
Qoraallo kala duwan oo ay soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee saddexda dal ayaa lagu sheegay in israa’iil sabtidii fulisay duqeymo cirka ah oo ka mid ah kuwii ugu xooganaa tan iyo xabbad-joojinta, kuwaas oo lagu beegsaday guryo, teendhooyin iyo saldhig boolis oo ku yaalla qasa. Wasa aradda caafimaadka falastiiniyiinta ayaa sheegtay in weerarradaasi ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, oo ay ku jiraan saddex gabdhood oo hal qoys ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee qatar ayaa sheegtay in jebinta xabbad-joojintu ay keentay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana ay khatar ku tahay dariiqii siyaasadeed ee lagu dajinayay xiisadda.
Dooxa waxay israa’iil ugu baaqday inay si buuxda u ixtiraamto heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn si loo hirgeliyo wejiga labaad ee qorshaha madaxweynaha mareykanka donald trump iyo qaraarka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee tirsigiisu yahay 2803. Sidoo kale, qatar waxay adkeysay muhiimadda abuurista xaalado ku habboon soo kabashada hore iyo dib-u-dhiska qasa.
Urdunayaa iyaduna ku tilshalayy weera rrada "xad-gudub qaawan” Oo ka dhan ah xabbad-joojinta. Afhayeenka wasaara dda arrimaha dibadda urdun, fouad majali, ayaa ku baaqay in si adag loo raaco he shiiska xabbad-joojinta, gaar ahaan fudude ynta gaadhsiinta gargaar bani’aad annimo oo degdeg ah oo ku filan.
Wuxuu sidoo kale ku celiyay baaqa urdun ee ah in la helo aragti siyaasadeed cad oo horseedda dhismaha dowlad falastiini ah oo madax-bannaan, kuna saleysan xuduudihii 4-ta juun 1967, bariga qudusna ay noqoto caasimad, sida ku cad xalka laba-dowla dood iyo hindisaha nabadda carabta.
Masar ayaa dhankeeda cambaareysay jeb inta xabbad-joojinta soo noqnoqotay ee isra a’iil, taas oo ay sheegtay inay sababtay dhim ashada ugu yaraan 25 falastiiniyiin ah. Qaahira ayaa ka digtay in falalkan ay xaaladda "qaraxin karaan,” Isla markaana ay khatar ku yihiin dadaallada lagu doonayo xasillooni amni iyo mid bani’aadannimo.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda mas ar ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay is-xakameyn buuxda, ilaalinta xabbad-joojinta, iyo ka fogaanshaha tallaabo kasta oo wiiqi karta geeddi-socodka siyaasadeed, iyadoo adkeysay in jebinta joogtada ah ay si toos ah u halis gelinayso rajada xasillooni waarta oo qasa ka dhalata.
Warbixintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan joojinta colaadda iyo dardargelinta gargaar bani’aadannimo, iyadoo dalalka carabta ay ku adkeysanayaan ilaalinta xabbad-joojinta iyo bilaabista dib-u-dhiska marinka qasa.
Abiy Axmed: "Badda cas waxay nooga dhigan tahay si la mid ah waxa ay Israa'iil Golan Heights uga dhigan tahay"
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay la hadlayey baarla maanka dalkiisa ayaa mar kale meel adag iska taagay doonista dalkiisa inuu boos ku yeesho badda cas.
Wuxuu yiri "Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka dabiiciga ah in loo maleeyo in Itoobiya aysan bad rabin", wuxuuna intaa ku daray in badda cas ay muhiim u tahay Itoobiya.
"Itoobiya iyo badda cas lama kala reebi karo" ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Itoobiya aysan doonayn inay xoog ku hesho marin ay u marto badda cas.
Dhanka kale, wuxuu arrinta badda cas la barbar dhigay sida ay Israa'iil u koontaroosho guuraleyda Golan Heights oo ay u aragto arrin amnigeeda ku xiran.
Wuxuu sheegay in Israa'iil ay Golan Heights u qabsatay sababo la xiriira walaac xagga amniga ah, Itoobiyana ay danteeda qaranka ku xiran tahay badda cas. "Itoobiya ma doonayso inay xaabbad riddo si ay taas u gaarto" ayuu yiri.
Itoobiya iyo Eritrea
Ra'iisul Wasaare Abiy oo ka jawaabayay su'aalo ay weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka ka weydiiyeen arrinta Eritrea ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay wadeen bililiqo ballaaran oo ay ku jiraan warshado ay biliqaysteen xilligii uu socday dagaalka waqooyiga Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu xumaaday, isagoo sheegay in Eritrea aysan raali ka ahayn saxiixa heshiiska Pretoria.
"Sidee heshiis loola geli karaa [ TPLF] iyadoo aan TPLF meesha ka baxayn," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay dhowr jeer u dirtay magaalada Asmara saraakiil ka tirsan dowladda si ay u soo celiyaan hantidii laga dhacay dagaalkii Tigray, isla markaana ay joojiyaan bililiqada.
"Markii aanu gaarnay magaalada Adigrat waxaan ugu tagnay warshadii dawooyinka oo la furfurtay, wixii aan laga guurinna waa la duminayay, xaaladuna waxa ay gaartay halkii ugu saraysay, laakiin wakhtigaas dawladda Itoobiya awood uma lahayn in ay ka hortagto.
Abiy Axmed wuxuu mar kale ka hadlay arrinta biyo xireenka weyn ee Itoobiya, wuxuuna ku celiyey in aysan jirin wax deyn ah ama kaalmo ah oo ay ka heleen dhinacna intuu lagu guda jiray dhismaha biyo xireenka.
"Waa mashruuc ku suuragalay go'aankii geesiyaasha Itoobiyaanka ahaa, iyo dadaalka ay muujiyeen dadka reer Itoobiya gudaha iyo dibaddaba" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo carrabka ku dhuftay in aan wax deyn ah ama gargaar ah lagu qaadan dhismaha biyo xireenka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku celceliyay dhawaan in dalkiisu uu maalgeliyey dhismaha biyo xireenka Grand Renaissance Dam (GERD), jawaabta Ra'iisul Wasaare Abiy-na waxay daba socotaa arrintaas.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in aysan joogsan ka shaqeynta Mashaariicda waaweyn ee Itoobiya; Waxa uu sidoo kale sheegay in la bilaabay dhismaha mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn Afrika.
Dani oo ku eedeysay madaxwey naha dowladda federaalka inuu qaaday tallaabo lagu fashilinayo shirka muq disho
Puntland ayaa ku eedeysay madaxda dowladda federaalka in ay khatar galiyeen nolosha saraakiil iyo ciidan ka tirsan kuwa illaalada madaxweynaha puntland, kuwaas oo safar u ahaa magaalada mogadishu iyaga oo hordhac u ah shirka lagu ballansanaa in uu ka dhaco magaalada muqdisho.
War-saxafadeed kasoo baxay madaxtoo yada puntlan ayaa lagu sheegay in madax weynaha dowladda federaalka ah uu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo gogosha lagu ball amay, islamarkaasna uu ka xun yahay in gol aha mustaqbalka soomaaliyeed ay aqbali doonaan gogosha.
Puntland waxay sheegtay in guddiga farsamada golaha mustaqbalka iyo guddiga diyaarinta shirka ee dowladda federaalka ay isla meel dhigeen habsami u qabsoomidda shirka.
"illaa wakhtigii ay dowladda puntland iyo guud ahaan golaha mustaqbalka soomaali yeed ay aqbaleen ka qaybgalka gogosha ay dhigtay dfs, madaxweynaha dowladda federaalka ah wuxuu qaaday tillaabooyin uu dhammaantood uga gol lahaa in uu fashiliyo gogosha lagu ballamay, asaga oo sida muuqata aan fileyn in golaha mustaqbalka soomaaliyeed ay aqbali doonaan gogosha,” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay puntland.
Puntland waxay ku wargalisay shacabka iyo beesha caalamka in aan marna la aqbali karin waxay ugu yeertay hab dhaqanka madaxda dowladda fede raalka ee lagu kala fogeynayo wadajirka iyo midnimada dalka iyo dadka soom aaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, weli dow ladda federaalka soomaaliya wax jawa ab ah kama bixin eedda loo jeediyay oo ah in ay muqdisho ka celisay ilaalada madaxda puntland iyo jubbaland
Garyaqaan iyo yuu boss oo loo xiray kiis xasaasi ah
Taliska qaybta guud ee booliska gobolka banaadir ayaa xalay soo xiray mahad maxamud xamarow (garyaq aan) iyo yuusuf xasan (yuu boss) oo labaduba kamid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada ee internet-ka, gaar ahaan aaladda
Tiktok. Garyaqaan iyo yuu boss ayaa lagu xiray saldhigga
degmada hodan, iyada oo booliska uu sheegay in ay wajihi doonaan cadaaladda, lana horgeyn doono maxkamad.
Labada eedeysane ayaa loo haystaa kiis xasaasi ah, gaar ahaan kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni, sida lagu sheegay qoraalka booliska.
"ciidanka boliiska soomaaliyeed gaar ahaan, saldhigga boliiska hodan ayaa soo xiray eedeysane mahad maxamud xamarow garyaqaan. Eedeysanaha ayaa loo xiray ku lug lahaasho kicin dadweyne & qalqalgalin amni, waxaa la horgeydoonaa maxkammada awooda u leh” Ayuu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo uu boolisku farriin u diray shacabka, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan wax kasta oo liddi ku ah amniga.
"muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee ciidanka boliiska soomaaliyeed ee 991 wabilaahi-towfiiq” Ayuu lasii raaciyay.
Horay taliska booliska soomaaliya ayaa u xiray dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay isku dirka qabaa’illada, waxaana la horgeeyay maxkamad, inkastoo markii dambe ay dib u heleen xorriyadooda


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 2 FEB-2026
.