
HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 1 FEB-2026
Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dha weeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Madax weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Muda ne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dha weynta bulshada deegaanka.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mu dane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhi ya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, waxa ayna ka wada-hadleen dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaa laha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha.
Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo caddeeyey in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo.
Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa shalay si rasmi ah u furay shirka isku-duwidda tamarta iyo khayraadka biyaha ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Wasiirka, oo ay weheliyaan Wasiiru Dow laha, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasima ha Guud ee Wasaaradda, ayaa daah-furay shirka, kaas oo diiradda lagu saa rayo xoojinta wada-shaqaynta, is-dhaaf siga khibradaha iyo isku-dubbaridka qor shayaasha la xiriira horumarinta tamarta, maaraynta khayraadka biyaha dalka iyo ka hortagga khataraha abaaraha.
Shirkan, oo ah mid muhiim u ah horumarinta adeegyada aasaasiga ah, ayaa ujeedkiisu yahay in la helo hannaan mideysan oo lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, iyo adkeynta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.
Shirkan oo ah mid ahmiyad gaar ah siinaya abaaraha ka jira dalka, ayuu Wasiir Bidhaan xusay in si qoto dheer loo gorfeeyo, loogana doodo khataraha biyo la’aanta.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in inta shirku socdo si gaar ah xoogga loo saari doono arrimaha abaaraha, si xal waara loogu helo caqabadda biyo la’aanta ka jirta dalka.
Waxaa shirka ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ee Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kuwaas oo kala ah:
* Dowlad-Goboleedka Galmudug
* Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed
* Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari
* Dowlad-Goboleedka Jubbaland
.Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle
Guddiga Wada-hadallada DF iyo Golaha Mustaqbal oo la kulmay Bulshada Rayidka
Waxaa shalay kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah isugu yimid Guddiyada wada hallada ee Dowladda Federaalka Soo -maaliya (DFS), Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyo guddi matalayey qey baha bulshada.
Kulankan, ayaa ku yimid codsi ay soo jeediyeen guddi ka kala socdey culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka. Guddiga ka socdey qeybaaha bulshada ayaa siday fariimo iyo aragtiyada ay ka qabaan qabsoomida gogoshada wadahadallada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa la is-weydaarsaday xogo iyo warbixinno ku saabsan heerka diyaargarowga gogosha wadahadallada.
Ugu dambeyn, Gudiyadda diyaargaro wga shirka wadahadaladda waxay u mahadceliyay culimada, odayaasha dha qanka iyo bulshada rayidka ah
oo qaatay doorkooda, waxa ayna qadda rinayaan talooyinkooda iyo daneyntooda masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan geeddisocodka wadahadallada arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo Munaasabad kagu taageerayay maamulka W/Bari kaga qeyb galay London
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Wa rfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaale, oo maalmahan u joogay dalka UK hawlo shaqo, ayaa ka qeyb galay xaflad lagu taageerayay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, taas oo ka dhac day magaalada London.
Munaasabadda ayaa kagu muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK iyo masuuliyiin ka socday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee UK.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo New Delhi kaga qeyb galay shir caalami ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Abdisalam Ali, ayaa shalay ka qeyb galay kulanka xiritaanka Shirka Hindiya–Carabta oo socday muddo laba maalmood, kuna qabsoomay magaalada New Delhi, iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray ballaarinta fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Hindiya iyo dalalka kasoo qeyb galay shirka, iyadoo xoogga la saaray hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo helitaanka suuqyada, isla markaana lagu dardargelinayo iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo natiijooyin la taaban karo, abuurista fursado shaqo, iyo dhismaha iskaashi waara oo muddo dheer ah.
Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo aad loogu garan og yahay Cabdullaahi wadaad waxa uu dhashay sanadkii 1965-kii, isaga oo ku dhashay degmada Ruun Nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxa uuna kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ku biiray sanadkii 2009-kii, isaga oo waqtigaas kaga biiray magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, isagoo kamid noqday madaxda sare ee kooxda Al-shabaab.
Sida la sheegay Horjooge Cabdullaahi Wadaad, waxa uu ka mid ahaa Raggii loogu doonista badnaa marka loo eego shartiisa, kuwaasi oo ay dowladda Soomaaliyeed aad u baadi-goobeysay. Sanadkii 2024-kii ayey dowladdu ku dartay liiska Horjoogaaasha waaweyn ee cunqabataynta la saaray, waxaana ay dowladdu xayiraad saartay dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana uu soo qantay xilal kaa gedisan, isagoo noqday sargaalka u qaabilsan Khawaarijta isku xira beelaha dega gobolka Shabeellaha dhexe.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barrow, kaasi oo lagu khaarijiyay horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo muddo dheer dhibaato ku hayay nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka.
Horjoogahan ayaa si weyn loogu yaqaanay dhaca iyo baadda hantida shacabka, falal amni-darro oo uu ka geystay deegaanno kala duwan, iyo cabsi gelin joogto ah oo uu ku hayay bulshada, islamarkaana waxa uu ku lug lahaa dilalka ganacsato badan oo dalkooda maalgashanayay, iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka, sida uu Wasiirku sheegay.
Horjooge Cabdulaahi Cabdi Xassan (Wadaad) waxa uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, waxaana la sheegaa in uu hadda ka mid ahaa 10 xubnood ee ugu sarreeya kooxda. Horjoogaha Wadaad ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday Kuumyo sida ay xaqiijinayaan ila muhiim ah. Horjoogahan ayaa ka mid ahaa kuwa aadka iskaga ilaaliya Sawirada waxaana laga hayaa sawir yar ee uu ka mid yahay midkaan kore. Warar la helay ayaa tilmaamaya in uu isticmaalo magacyo Been abuur ah, si uu hormariyo xirfadiisa ku saabsan is-qarinta.
Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaas higa Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali , ayaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, munaasabadda furitaanka kulankii labaad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta, oo lagu qabtay magaalada New Delhi.
Kulankan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta, iyadoo diiradda la saaray horumarinta wada-shaqeyn, wadahadal wax ku ool ah, iyo iskaashi dhab ah oo gacan ka geysanaya xasilloonida iyo barwaaqada wadajirka ah.
Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay diblomaasiyad dhismeed oo heer gobol ah, iyo dhisidda iskaashiyo miro-dhal ah oo wax ku ool u ah danaha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaa lada Ankara si rasmi ah ugu soo gebaga beeyay barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda.
Xafladda gebagabada waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Maxkamad da Hantidhowrka Turkiga, laba ka mid ah Ku-xigeennadiisa iyo Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda TİKA. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa matalayay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamal Ismaaciil.
Intii uu socday tababarku, waxaa sidoo kale dhacay kulamo doceedyo u dhexeeyay hoggaanka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga, iyo Hay’adda TİKA, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wadaagga khibradaha, iyo ballaarinta wada-shaqeynta hay’adeed.
Dhanka kale, Hay’adda TİKA ayaa mar kale adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan taageerada Xafiiska Hantidho wrka Guud ee JFS, halka Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud uu uga mahad celiyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Dowladda Turkiga martige linta iyo iskaashiga miro-dhalka ah.
Gebagabada barnaamijka, hantidhowr ayaashii ka qaybgalay tababarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin, taas oo muujinaysa guusha iyo muhiimadda barnaamijkan horumarinta xirfadaha baarista maaliyadda.
Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshi yaad ka tirsan Khawaarijta.
Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad qeybta koowaad ee kumaandooska Gorgor Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ku howlanaa farsameynta qaraxyada si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.
Howlgallada ka socda gobollada Dalka ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyagoo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dadka masaakiinta ah dhibaateyn jiray.
Dowladda Soomaaliya oo Beenisay Warar Sheegaya in Diyaarad Israa’iil Leedahay Laga Mamnuucay Hawada Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar si ballaa ran ugu faafay warbaahinta gudaha iyo dibadda, kuwaas oo sheegayay in Soomaaliya ay hawadeeda u diidday mid ka mid ah diyaaradaha ay leedahay shirkadda Arkia ee laga leeyahay Israa’iil, waxaana wararkaasi ku tilshalayy kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijisay in aysan jirin wax tallaabo ah oo dowladda Soomaaliya ay ku diidday ama ku hor istaagtay diyaarad Israa’iil leedahay isticmaalka hawada dalka.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere), ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
"Wararka sheegaya in shirkadda Arkia laga hor istaagay hawada Soomaaliya waa kuwo aan waxba ka jirin, Dowladda Federaalka Soomaaliya ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama uga mamnuucday isticmaalka hawada, iyadoo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista,” ayuu yiri Faradheere.
Mas’uulka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhaqdhaqaaq kasta oo duulimaad oo ku wajahan gobollada waqooyi ee dalka uu yahay arrin la xiriirta waajib qaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhulka iyo hawada Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in warbaahinta qaarkeed ay faafiyeen warar khal-khal gelinaya nidaamka duulista iyo sumcadda qaranka.
Dhanka kale, wasaaraddu waxay sheegtay in adeegga duulista hawada Soomaaliya uu u socdo si hufan, kuna saleysan xeerarka caalamiga ah ee Ururka Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), iyadoo si cad u sheegtay in aysan marnaba u dulqaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madax-bannaanida hawada Soomaaliya.
Hindiya oo markale garab istaag u muujisay Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaash iga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Magaalada New Delhi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Mudane Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka. Wasiir Cabdisalaam ayaa muujiyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo Culimada gobolka oo war kasoo saaray cabashada qoys sheegay in laga boobayo gurigooda
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa si adag uga hadlay cabasho kasoo yeertay mid ka mid ah qoysaska degan xaafada Xaawo taako ee magaalada Baledweyne, kuwaas oo ka cabaanayay in gurigooda laga dhacayo, islamarkaana naftooda halis ku jirto.
Gudoomiye Maxamed Carab ayaa faray Hay'adaha amaanka iyo kuwa garsoorka gobolka inay ka shaqeeyaan sidii Cadaalada u Heli lahaayeen qoyskan Soomaaliyeed ee sheegtay in la doonayo in laga boobo gurigii ay daganaayeen.
"Anigo wakiil ka maamulka Gobalka Hiiraan waxaan ka shaqeen doonaa in ay cadaalad heeli doonaan Qooyskan Soomaaliyeed Hay'adaha amniga iyo Garsoorka waa in ay ka howlgalaan sidii qooyskan ay cadaalad ku heeli lahayeen, Marnaba raali kama noqon doonno in dulmi lagu sameeyo dad soomaliyeed oo aan waxba galabsan oo aan anaaga masuul ka nahay Ciid walba waxay heeli doonta xaqeedaa" ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Carab.
Qoyskan Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya shaqsiyaad gaar ah oo ay ku sheegeen iney doonayaan iney ka dhacaan guriga, halka shaqsiyaadka la eedeynayo iney boobayaan gurigaan ay sheegayaan dhankooda in gurigan uu yahay guri waqaf ah oo cidii la heyd u waqaftay Masaajidka, islamarkaana reerka haatan degan mudo ka badan sodon sano ay kiro ku daganaayeen gurigan.
Caalimka ugu weyn gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed Nuur oo ka hadlay murunka ka dhashay gurigan ee la xiriira lahaanshahiisa ayaa sheegay in burburkii dowladdii dhexe kadib gurigaas loo aqoonsanaa waqaf (Hanti Masaajid) islamarkaana kirada lacagta laga qaado gurigan lagu dayactiri jiray Masjidka Bardaha.
" Sida aan ku soo gaarnay gudigii Masjidka Bardaha oo Shariif Cali ugu dambeyay waxay noo sheegeen in gurigaas cidii laheed Masaajidka ay waqaf uga dhigtay oo kiro loga soo qaadi jiray" ayuu yiri Sheekh Maxamed Nuur.
Ugu dambeyntii qoyska haatan degan gurigan ayaa dhankooda sheeganaya milkiyada gurigan, waxaana kiiska gurigan uu haatan ka furan yahay Maxkamadda degmadda Baledweyne, taasoo la filayo in go’aan rasmi kasio saarto gurigaan.
Jeneraal Elio Manes oo La Wareegay Hoggaanka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Jeneraal Elio Manes ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta dhexe ee hawlgalka.
Xilka ayuu kala wareegay Jeneraal Sofia Westermark, iyadoo habraacyada hawlgalka si buuxda loo raacay si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqada EUTM-S.
Xil-wareejinta ayaa muujisay ballan-qaadka joogtada ah ee Midowga Yurub uu u hayo taageeridda hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, hagista iyo dhisidda awoodda.
Jeneraal Manes ayaa billaabaya waajibaadkiisa isaga oo diiradda saaraya xoojinta barnaamijyada tababarka ee jira iyo ballaarinta taageerada la jaanqaadaysa baahiyaha hay’adaha ammaanka Soomaaliyeed, si kor loogu qaado awooddooda qorshayn iyo fulin hawlgallo amni oo xasilloon.
"Waa sharaf inaan hoggaamiyo EUTM-S xilli muhiim ah,” ayuu yiri Jeneraal Elio Manes.
"Ujeeddadeennu waa inaan sii adkeyno iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada Soomaaliyeed, si ay u hoggaamiyaan dadaalladooda amni.”
EUTM-S oo haatan ku jirta mandate-keedii 9aad, waxay door muhiim ah ka qaadataa dhismaha Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo bixinaysa talooyin heer istaraatiiji ah, tababar iyo dhisid awood.
Howlgalka Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deeegaano muhiim ah
Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka.
Khawaarijta ayaa howlgalkan looga saaray in ka badan 100-deegaan oo istiraatiiji ah muddo badan dadka ay ku dhibaateyn jireen,kuwaas oo dhaca gobollada Shabeelooyinka.
Howlgalkan Seefta Aamusan oo uu hormuud ka yahay Gaashaanle dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), Taliyaha qeybta 1-aad kumaandooska Gor Gor ayaa noqday mid lagu guuleystay oo u fulay sidii loo qorsheeyay, kuwaas oo nafta kagu dhaafiyay inta badan horjoogayaashii Khawaarijta ee gobolladaas.
Guulaha wax ku oolka ah ee ay Ciidamadu gaareen waxaa ka mid ah qabashada deegaannada kala ah Jendershe, CeelSaliini, Jabad Ari Dhannaane, Mukeyga, Ceel Beenaad, Xiinka Besaani, Ceel Caliyow iyo deeganno kale oo badan oo ka tirsan labada Shabeelle.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa balan qaaday in Khawaarijta dib dambe u soo damaaci doonin deegaannada laga xoreeyay oo shacabka ka doogteen dhibtii ay ku hayeen.
Q.M oo soo wajahday Dhaqaalo xumo baahsan.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hay’adda ay halis ugu jirto burbur dhaqaale oo degdeg ah sababo la xiriira khidmadaha aan la bixin iyo xeerarka miisaaniyadda oo qasba inay soo celiso lacag aan la isticmaalin oo laga yaabo in aysan marnaba helin.
Warqad uu u diray safiirada QM, Antonio Guterres ayaa sheegay in fulinta barnaamijyada Qaramada Midoobay ay khatar ku jirto.
Afhayeen ku-xigeenka QM, Farhan Haq, ayaa sheegay in in ka badan boqol iyo konton dowladood oo xubno ah ay bixiyeen khidmadahooda. Laakiin wuxuu intaas ku daray in weli hal bilyan iyo lix boqol oo milyan oo doollar ay ka dhiman tahay.
Dowladda ugu deeqda badan QM oo ah Maraykanka ayaa diiday inay bixiso lacagaha waajibka ah isla markaana hoos u dhigtay taageerada iskaa-wax-u-qabso ee hay’adaha QM.
Dowladda Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Egypt Air oo beeniyay wararka ku saabsan joojinta Baasaaboorka Soomaaliga ee lagu tagayay Masar
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa si rasmi ah u beeniyay warar ku faafay baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya in Baasaaboorka Soomaaliga la joojiyay loona diiday safarka dalka Masar.
Diyaaradaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa si caadi ah u shaqeynayay Jimcihii, iyadoo aan la soo sheegin wax isbeddel ah oo ku yimid habraacyada socdaalka ama socdaalka la xiriira labada dal.
Shirkadda Egypt Air ayaa war rasmi ah ku sheegtay in aysan jirin wax "joojin ama xayiraad ah oo ku saabsan aqbalidda Baasaaboorka Soomaaliga”. Shirkaddu waxay caddeysay in rakaabka Soomaaliga ee haysta dukumentiyada safarka saxda ah iyo rukhsadaha gelitaanka loo baahan yahay ay u safri karaan magaalada Cairo sidii caadiga ahayd.
Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhaq-dhaqaaqa u dhexeeya labada dal uu yahay mid aan isbeddelin, iyadoo bulshada lagu booriyay in laga fogaado wararka aan la xaqiijin oo lagu tiirsanaado ilo rasmi ah oo sax ah.
Wararkii been-abuurka ahaa ee faafay saacadihii la soo dhaafay ayaa walaac geliyay safarrada Soomaalida ee qorsheynayay in ay booqdaan ama ku gudbaan Masar.
Dowladda Soomaaliya iyo Masar waxay xoojiyeen in ay jiraan xiriiro diblomaasiyadeed oo xooggan iyo iskaashi muddo dheer socday, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, siyaasadda, ganacsiga, iyo amniga.
Maraykanka oo ballaarinaya hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Geeska Afrika
Maraykanka ayaa bilaabay mashruuc ballaarin ah oo lagu sameynayo garoon diyaaradeed oo ku yaalla saldhig ciidan oo ku yaalla Kenya, meel u dhow xadka Soomaaliya, kaas oo ku kacaya $70 milyan. Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee Geeska Afrika.
Saldhigga cirka ee Manda Bay, oo hoos yimaada Ciidamada Difaaca Kenya kuna yaalla ismaamulka Lamu, ayaa ah goob ay adeegsadaan ciidamada Maraykanka, wuxuuna muddo dheer ahaa xarun istaraatiiji ah oo lagula dagaallamo kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab, oo xiriir la leh al-Qaacida.
Sannadkii 2024, madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay qorshe Kenya looga dhigayay saaxiibka ugu horreeya ee weyn ee Maraykanka ee aan ka tirsanayn NATO ee ku yaalla Afrika ka hooseysa Saxaraha, taas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo diblomaasiyadeed, inkasta oo uusan jirin heshiis amni oo rasmi ah.
"Waa inaan tusnaa kuwa doonaya inay na weeraraan in aan ka go’an tahay in aan is-difaacno,” ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, xilli uu ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga Khamiistii.
"Saldhiggan ayaa ka dhigan "ballanqaad aad u muuqda oo ku saabsan difaaca wadajirka ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Kenya,” ayuu yiri.
"Waxay diraysaa fariin aad u xooggan oo ku wajahan kuwa noo noqon kara cadow,” ayuu Landau yiri intii uu ku guda jiray booqasho saddex maalmood ah.
Sannadkii 2020, saddex muwaadin oo Maraykan ah ayaa la dilay kaddib markii al-Shabaab ay jebisay amniga adag ee xerada Camp Simba, oo ka tirsan saldhigga Manda Bay, iyadoo burburisay diyaarado iyo gaadiid ciidan.
Sannadkii 1998, safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania ayaa mar qura la beegsaday weerarro ay fuliyeen al-Qaacida. Weerarradaas ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 oo qof, oo ay ku jireen 12 Maraykan ah, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Landau ayaa sidoo kale ammaanay doorka Kenya ee ay ku leedahay "xasiloonida caalamiga ah” ee Haiti.
Ciidamada Jubbaland oo Baar Sanguuni ku qabtay laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab
Ciidamada ammaanka Jubbaland ee ku sugan tuulada Baar Sanguuni ayaa galabtii Jimcaha gacanta ku dhigay laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidamada kadib markii ay ka goosteen kooxdaasi.
Labada nin ee la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Mustafa Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim, kuwaas oo hore uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka howlgala agagaarka jiinka Wabiga Jubba, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha amniga ee deegaanka ayaa xaqiijiyay in labada dagaalyahan ay wateen laba hub, oo mid kamid ah uu ahaa BKM, halka kan kalena uu watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa sida ay daabacday warbaahinta Jubbaland.
Dhanka kale, wararku waxay sheegayaan in maalmahan dambe ay soo kordhayaan dagaalyahannada Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada kala duwan ee Jubbaland, taas oo ay saraakiisha ku micneeyeen inay muujinayso cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo kooxdaasi iyo hoos u dhac ku yimid awooddeeda dagaal ee gobolka.
Waxaana dhammaan arimahaan ay kusoo aadayaan iyadoo todobaadyadii lasoo dhafay ay kordhiyeen ciidamada Danab ee Dowladda iyo kuwa Jubbaland howlgallada ka dhanka ah Al shabaab.


0 



HALKAN KA AQRISO W.WARGESYKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER 1 FEB-2026
.