
Dokumentiga qorshe sir ah oo dadka Soomaalida looga mamnuucayo dalka…
Xisbiga Mucaaradka ah ee Liberal-ka dalka Australia ayaa si degdeg ah isaga fogeeyay dokumiinti sir ah oo banaanka u soo baxay, kaas oo soo jeedinayay in la adkeeyo shuruudaha dal-ku-galka (Fiisaha) ee dadka ka imaanaya dalalka ay colaaduhu ragaadiyeen, oo ay Soomaaliya ku jirto.
Warbaahinta Australia ayaa baahisay in qorshahan, oo si hoose loo diyaariyay, uu dhigayo in la hakiyo ama gebi ahaanba la diido codsiyada fiisooyinka ee dadka ka soo jeeda deegaannada ay maamulaan kooxaha hubeysan ama argagixisada.
Qorshaha ayaa lagu saleeyay sababo la xiriira "sugidda amniga qaranka”, halkii uu ahaan lahaa mamnuucis guud oo dalka oo dhan saameynaysa.
Si gaar ah, xusidda Soomaaliya ee qoraalkan ayaa dhalisay walaac xooggan, maadaama dalku uu muddo dheer la daalaa-dhacayay dagaallo sokeeye iyo kacdoonka kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno ka mid ah dalka.
Tani ayaa cabsi gelisay Soomaali badan oo ku nool Australia oo ku tiirsan barnaamijyada isu-keenidda qoysaska (Family reunification) iyo fiisooyinka bani’aaddannimada si ay ehelladooda u badbaadiyaan.
Hase yeeshee, madaxda sare ee Isbaheysiga Mucaaradka ayaa gaashaanka u daruuray in qorshahani uu yahay siyaasadooda rasmiga ah. Angus Taylor, oo ka mid ah hoggaanka sare ee mucaaradka, ayaa sheegay in dokumiintigaasi uusan lahayn sharciyad rasmi ah, uuna ahaa mid ay diyaariyeen xubno hore balse aan la horkeenin golaha sare ee xisbiga.
Sidoo kale, afhayeenkii hore ee arrimaha socdaalka ayaa beeniyay inuu wax ka ogaa ama taageeray qorshe si gaar ah u beegsanaya Soomaalida, isagoo xusay inuu walaac ka muujiyay qodobadaas markii hore.
Saameynta iyo walaaca bulshada
Dokumiintiga la dusiyay ayaa sidoo kale soo jeedinayay isbedello ballaaran oo lagu sameeyo hanaanka socdaalka Australia, sida in si degdeg ah dalka looga masaafuriyo magangalyo-doonka codsiyadooda la diido iyo in la dhaqangaliyo shuruudo adag oo la xiriira "Qiyamka Australia” (Australian values), tallaabadaas oo dadka u dooda xuquuqda aadanaha ay sheegeen inay dhibaato ku noqon karto qaxootiga iyo ardayda shisheeyaha ah.
Khubarada dhanka socdaalka ayaa digay in haddii la meelmariyo qorshe ku saleysan "deegaan”, ay ka dhigan tahay in qofka Soomaaliga ah aan lagu xukumin dhalashadiisa oo kaliya, balse lagu xiro deegaanka uu ku noolaa ama uu soo maray.
Ururrada bulshada rayidka ah ayaa ku dooday in tallaabada noocan ah ay ciqaab ku tahay dadka shacabka ah ee iyagu laftoodu ka soo cararaya dhibaatooyinka iyo amni-darrada kooxaha xagjirka ah.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa hadda ah mid ku kooban qoraal hoose oo aan weli noqon go’aan dowladdeed ama siyaasad rasmi ah, iyadoo xisbiga Mucaaradka uu sheegay inay soo bandhigi doonaan siyaasadooda rasmiga ah ee socdaalka waqti dambe.


0 



Dokumentiga qorshe sir ah oo dadka Soomaalida looga mamnuucayo dalka…
.