Kaalin shidaal oo ku taala Magaalada Guriceel oo dab uu qabsaday

0
Tuesday February 17, 2026 - 17:09:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaalin shidaal oo ku taala Magaalada Guriceel oo dab uu qabsaday

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Kaalintan shidaalka oo ay leedahay Shirkadda Ganacsiga ee Beder One ayuu xalay dab qabsaday, iyadoona ay dhowr saacdood qaadatay, sidii dabkaasi loo baqtiin lahaa.

Dabka ayaa si lama filaan ahayd uga kacay gaari booyad shidaal, kaas oo la sheegay in uu shidaal ku shubayay kaalinta, oo uu hortaagnaa.

Dabka ayaa si dhakhsa ah ugu fiday kaalinta shidaalka oo ku taala afaafka hore ee Beder Hotel and Restaurant, isla-markaana ku dhow Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dabku uu bilowday abaare 9:50 caweysnimo, isla-markaana damintiisa lagu guuleystay saacaddu markay ahayd 1:30 oo goor dambe oo habeenimo ah.

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay booyaddii shidaalka iyo kaalintii goobta ku tiilayba.

Dadka reer Guriceel ayaa gacan weyn ka gaystay, sidii looga hortagi lahaa in dabku uu wada qabsado dhismaha ay leedahay Shirkadda Beder One iyo dhismayaasha kale ee ka ag-dhow, oo Xarunta Hormuud Telecom ee Guriceel ay ka mid tahay.

Lama sheegin wax khasaare nafeed oo dabku uu gaystay, marka laga soo tago burburka hantiyadeed ee uu dhaliyay.

Dadka deegaanka ayaa lagu amaanay in ay xaafadaha magaalada isaga yimaadeen, sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen daminta dabkaasi.

Dhacdooyinka dabka la xiriira ayaa in muddo ahba ku soo badanayay goobaha ganacsiga ee Magaalooyinka Soomaalida, iyadoona aad mooddo in ganacsatadu aysan u diyaarsaneyn ka hortagga dabka sida ba’an u waxyeeleeya ganacsigooda.

Dabka ayaa waxyeelo weyn oo dhaqaale saacado yar gudahood ugu gaysta ganacsatada Soomaaliyeed, waana xilli ganacsigu uu yahay laf dhabarta dhaqaale ee magaalooyinka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip