Dowladda Imaaraatka oo hakisay taageeradii amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya

0
Tuesday February 17, 2026 - 14:48:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka oo hakisay taageeradii amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa xaqiijiyay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay joojisay taageeradii dhinaca amniga oo ay siin jirtay Soomaaliya, kaddib markii ay xukuumadda federaalku si rasmi ah uga baxday heshiisyadii u dhexeeyay labada dal.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in taageerada Imaaraadku ay si gaar ah ugu koobnayd dhanka ciidamada iyo hay’adaha amniga. "Taageerada ay dowladda Imaaraadku bixin jirtay badankeeda waxay ku koobneyd dhinaca ciidamada. Maaddaama heshiisyadii laga baxay, ma jirto sabab muuqata oo taageeradaas ay ku sii socon karto,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa xusay in inkastoo taageerada amni la joojiyay, haddana xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uusan go’in. Wuxuu tilmaamay in labada safaaradood ee ku kala yaalla Muqdisho iyo Dubai ay si caadi ah u shaqeynayaan, taasoo muujinaysa in xiriirka guud ee labada dowladood uu weli taagan yahay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ay qaateen uusan wax xiriir ah la lahayn eedeymaha loo jeediyay Imaaraadka ee ku saabsan faragelinta lagu sheegay inuu ku hayo dalalka Suudaan iyo Yemen, halkaas oo lagu eedeeyay inuu taageero siiyo jabhado hubeysan oo dagaal kula jira dowladahaas.

Bishii Janaayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen kuwa la xiriira iskaashiga amniga, iyadoo ku eedeysay in Imaaraadku faragelin ku hayo arrimo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Dowladda Imaaraatka oo hakisay taageeradii amniga ee ay siin jirtay Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip