Dalalka Carbeed iyo Islaamka oo si kulul u cambaareeyay go'aanka Israa'iil ee Deegaamaynta Daanta Galbeed

0
Tuesday February 17, 2026 - 13:40:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Carbeed iyo Islaamka oo si kulul u cambaareeyay go'aanka Israa'iil ee Deegaamaynta Daanta Galbeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Urdun, Imaaraadka Carabta, Qatar, Indonesia, Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aan ay Israa’iil ku sheegtay in dhulal ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto loo aqoonsado "dhul dowladeed”, iyada oo lagu deegaamaynayo dad Yuhuud ah.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku tilmaameen tallaabadan mid sharci-darro ah oo khatar weyn ku ah xaaladda, islamarkaana lagu dardargelinayo ballaadhinta degsiimooyinka, la wareegidda dhulka Falastiiniyiinta, iyo xoojinta gacanta Israa’iil ku hayso dhulka la haysto.

Wasiirradu waxay sheegeen in go’aankani uu si cad u jebinayo sharciga caalamiga ah iyo sharciga bani’aadannimada, gaar ahaan Heshiiska Afraad ee Geneva, iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo uu ka mid yahay Qaraarka 2334.

Sidoo kale, bayaanka ayaa xusay in tallaabadani ay ka hor imanayso aragtidii talo-bixinta ahayd ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee ku saabsanayd cawaaqibta sharci ee ka dhalan karta siyaasadaha iyo ficillada Israa’iil ee dhulka Falastiin ee la haysto. Maxkamaddu waxay hore u muujisay in tallaabo kasta oo wax ka beddelaysa xaaladda sharci, taariikheed iyo midda dadweyne ee dhulka la haysto ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana ay waajib tahay in la soo afjaro gumeysiga.

Dalalkan ayaa sheegay in go’aankan cusub uu yahay isku day lagu abuurayo xaalad sharci iyo maamul oo cusub si loo xoojiyo gacan-ku-haynta dhulka la haysto, taasoo wiiqaysa rajada xal laba-dowladood ah, isla markaana halis gelinaysa in la helo nabad caddaalad  waarta oo ka hirgasha gobolka.

Ugu dambeyn, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa ku baaqay in beesha caalamku qaadato mas’uuliyaddeeda, isla markaana ay tallaabooyin cad oo wax ku ool ah ka qaaddo joojinta xadgudubyadaas, si loo ilaaliyo xuquuqda aan la duudsiin karin ee shacabka Falastiin, in la soo afjaro gumeysiga, iyo in la dhiso dowlad madax-bannaan oo leh xuduudihii 4-ta Juun 1967, iyadoo Qudus Bari ay noqoneyso caasimaddeeda.

Bayaankan ayaa lagu taariikheeyay 17-ka Febraayo 2026, waxaana soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dalalka Carbeed iyo Islaamka oo si kulul u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ee Deegaamaynta Daanta Galbeed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip