DEG DEG: Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulankoodii u horreeyay

0
Tuesday February 17, 2026 - 15:01:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulankoodii u horreeyay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa haatan ku kulansan hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

 

Hotelkan oo ku yaalla afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa kulan qado ah uga socdaa Xasan Sheekh, Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddiyada farsamo ee labada dhinac, kuwaas oo horey kulamo dhowr ah uga yeeshay ajendaha shirka dhawaan furmaya.

 

 

Martiqaadka kulanka qadada waxaa fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay dalka dib ugu soo laabtay. Kulankan ayay dhinacyadu iskula faaqidayaan halka ay ka dhacayaan wada-hadallada iyo weliba goorta uu furmayo shirka.

Kulanka oo gogol xaar u ah wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayay sidoo kale dhinacyada iskula soo qaadi doonaan xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Wada-hadallada ayaa dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay, iyadoo haatan doodda ugu xooggan ay tahay halka lagu qabanayo shirka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

 

 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa muddo ka badan toddobaad ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo degay xayndaabka garoonka ee xerada Xalane.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddelka dastuurka oo ay isku fahmi la’yihiin Villa Somalia iyo mucaaradka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip