
Guterres oo Hoggaamiyeyaasha Afrika ku booriyay inay metelaad ku yeeshaan Golaha Ammaanka
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo maanta khudbad ka jeediyay Meertada 39aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa madaxda u sheegay in baahi loo qabo in dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Golaha Ammaanka ayaa ah hay’adda ugu sarreysa Qaramada Midoobey ee dhinaca fulinta, wuxuuna ka kooban yahay 15 dal (5 joogto ah iyo 10 la soo doorto), waxaana qaab dhismeedkiisa loo arkaa mid aan caddaalad ku dhisneyn. Golahan ayaa intii uu dagaalka Gaza socday la arkay in uu yahay mid aan macno badan lahayn, ka dib markii uu ku guuldareystay in Israel laga joojiyo xasuuqii ay ku haysay dadka reer Gaza, iyadoo dunida oo dhan ay dalbaneysay in Israel gacmaha la qabto. Inkasta oo inta badan xubnaha golaha ay u codeynayeen in wax laga qabto masiibada bani’aadantinimo ee Marinka Gaza, haddana waxaa aqlabiyadda is hortaagayay Mareykanka oo adeegsanayay awooddiisa Veto. Mareykanka ayaa ka mid ah shanta dal ee joogtada ah ee leh diidmada qaxayan. Adeegsiga Veto ee dal qura ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa aqlabiyadda amaba wixii la isku raaco.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo riixaya in dib-u-habayn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ayaa Madaxda Afrika ku booriyay in ay gacan ka gaystaan, sidii is bedelkan loo samayn lahaa, isla-markaana Afrika ay metelaad xoogan ugu yeelan lahayd golahaasi.
Xoghayaha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, isagoo hoosta ka xariiqay iskaashiga dhinacyada badan leh inay lagama maarmaan u yihiin nabadda, amniga, xuquuqul insaanka iyo horumarka waara.
Waxa uu iftiimiyay saamaynta sii kordheysa ee Afrika ee arrimaha caalamiga ah, isagoo ku baaqaya in dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha caalamiga ah, wuxuuna Hoggaamiyeyaasha Afrika xusuusiyay in maqnaanshaha kuraasta joogtada ah ee Afrika ee Golaha Ammaanka ay tahay mid aan la difaaci karin, illaa iyo inta ay iyagu ka soo jeedsanaya, si ay metelaad macna leh ugu yeeshaan golahan.
"Waxaan joognaa 2026 ee ma joogno 1946.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres oo Madaxda Afrika ku booriyay in ay ka faa’iideystaan saamaynta togan ee ay maanta dunida ku leeyihiin.
"Mar kasta oo go’aanada ku saabsan Afrika iyo adduunka kaleba ay miiska saaran yihiin, Afrika waa inay miiska joogtaa.” Ayuu yiri Guterres.
Guterres ayaa hoggaamiyeyaasha ugu yeeray in ay qayb ka noqdaan qaab dhismeedka wadajirka ah ee nabadda iyo amniga, horumarka waara iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.













0 



Guterres oo Hoggaamiyeyaasha Afrika ku booriyay inay metelaad ku yeeshaan Golaha Ammaanka
.