
Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo
Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Aadan Abuukar oo loo yaqaan Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira falal argagixiso, kadib baaritaanno dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Horey, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 4-tii Diseembar 2025 ku xukuntay Maxamed Aadan Abuukar 15 sano oo xabsi ah, halka Maxamed Qadar Cali Aadan lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah. Si kastaba, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas.
Maxkamadda Sare oo dhageysatay racfaanka isla markaana siisay dhinacyada dacwadda waqti ku filan ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kama dambeys ah gaartay, iyadoo labada eedeysane mid walba lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah oo la xiriira falal argagixiso.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yaroow, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay go’aanka maxkamadda.
Xukunkan ayaa imanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka falalka argagixisada ee ka dhanka ah shacabka.


0 




Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo
.