
Wasiirka Batroolka XFS" Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan gaarnay xilliga aan la soo bixin lahayn Kheyraadkeenna"
Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Dalka Turkiga laga soo amba-bixiyo Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameyn doona xeevaya Dalkeenna.
Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysansyso Kheyraadkeeda dihan.
"Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso mustaqbal horumar leh, markabkan maanta u amba-baxaya biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.
Sidoo kale, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Kheyraadkeenna uu yahay hanti Qaran, islamarkaana ay xukuumaddu ka go’an tahay in loo maareeyo si hufan oo cadaallad ah, islamarkaana waafaqsan xeerarka caalami ah si ay uga faa’ideystaan Jiilasha maanta iyo kuwa dambe.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ku sugan gudaha iyo dibadda in ay muujiyaan garab istaag, midnimo iyo horumarka socda ah ee ah shidaal qodista.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista ceelkii ugu horeeyay ee shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”.


0 




Wasiirka Batroolka XFS" Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan gaarnay xilliga aan la soo bixin lahayn Kheyraadkeenna"
.