
Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo shir xasaasi ah ugu furmay Muqidsho.
Kulankan ayaa lagu falanqeynayaa arrimo ay ka mid yihiin muranka doorashooyinka, khilaafaadka dastuurka, iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Sidoo kale, kulankan wuxuu noqday markii ugu horreysay ee ay si fool ka fool ah u kulmaan Axmed Maxamed Islaam iyo Farmaajo tan iyo markii uu dhammaaday khilaafkoodii siyaasadeed ee hore.
Inkastoo labada dhinac ay horey uga wadahadleen arrimo siyaasadeed khadka taleefanka, haddana kulankan tooska ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed.
Kulankan waxaa kasoo muuqday guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir Cumar Filish.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay doonayaan in la furo bog cusub oo wadahadal iyo isfaham ku dhisan, si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed iyo wada shaqeynta heer qaran.


0 




Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo shir xasaasi ah ugu furmay Muqidsho.
.