
Ciidamo Turki ah oo saldhigyo ka sameystay Shabeellaha Dhexe + Ujeedka
Ciidamo ka socda dalka Turkiga oo la geeyay furimaha hore ee dagaalka ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamadu ay isku fidiyeen aagga xeebta, iyaga oo ka bilaabay howlo amni xaqiijin ah.
Dhanka kae, illaa iyo hadda Dowladda Federaalka iyo saraakiisha Turkiga mid-koodna weli kama aysan hadlin dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas ee Shabeellaha Dhexe.
Ankara ayaa dhawaan xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, waxayna dirtay maraakiib dagaal oo la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka loo soo saarayo Soomaaliya oo dhawaan la guda galayo.
Si kastaba ha’ahaatee, Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaaro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawlgelinta iyo taageerada farsamo.


0 




Ciidamo Turki ah oo saldhigyo ka sameystay Shabeellaha Dhexe + Ujeedka
.