
Xamza oo war kasoo saaray guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya gaartay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay guusha taariikhiga ah ee dhawaan gaartay Soomaaliya, kadib markii ay ku guuleysatay kamid noqoshada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Sidoo kale waxa uu xusay in dadaalka aan kala harka lahayn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu suurta-galiyay guushii Janaayo 2025, markaas oo Soomaaliya ku fariisatay mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Hoos ka aqriso qoraalka Xamza oo dhameystiran:
Gallad Eebbe weyne iyo dadaalka ay Dawladda Soomaaliyeed gashay, ayaa suurtagal ka dhigay in maanta Qarankeenu dhex-fadhiyo labada hay’adood ee adduunka & Afrika u kala qaabilsan amniga iyo nabadda.
Dadkeenna iyo Dawladdeennuna si aan gabbasho lahayn, ayay ugu istaageen iska-difaacii weerarkii qaawanaa ee ay Isra’il kuso qaadday madax-banaanideena iyo Midnimada Qarankeena.
Bishaan hadda aynu ku jirno ee Feberaayo 2026, waxaa dalkeena usoo hoyatay guul kale oo taariikhi ah, kadib markii aan dadaal, ka go’naansho iyo mudnaansiin lanimid taas oo inoo sahashay inaan ku guuleysano kursi kale oo aan joogto ahayn, balse muhiim u ah difaaca danaha Qarankeena, kaas oo ah kursiga Golaha Midowga Afrika ee Nabadda & Amniga (AUPSC 2026-2028).
Guulle ku mahadsan gaarista guulaha aan gaarnay, guud ahaan Dowladda & Danqaran way ku mahadsanyihiin dadaalka joogtada ah ee ay Dalka & Dadkaba ku hoggaaminayaan.


0 



Xamza oo war kasoo saaray guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya gaartay
.