
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka sadex biloodlaha ah ee Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha, Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan.
Kulankan oo ku saabsanaa dib-u-eegista sannadlaha ah ee waxqabadka sanadka 2025, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshayaasha lagu ilaalinayo carruurta ku nool goobaha ay saameeyeen colaadaha hubeysan, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamka.
Intii uu socday kulanku, waxaa lagu falanqeeyay warbixinno la xiriira hawlihii laga fuliyay dowlad-goboleedyada, iyo sidoo kale falanqayn ku saabsan isbeddellada iyo natiijooyinka ay soo bandhigeen hay’adaha UNICEF iyo UNTMIS.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda carruurta, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay colaadahu saameeyeen, isagoo ku boorriyay dhammaan hay’adaha ku lugta leh in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo fulinta qorshayaasha la dejiyay.










0 



Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha
.