
Jarmalka"Gantaallada Iiraan kaliya khatar kuma aha Israa'iil ee Yurubna khatar ayey ku yihiin"
.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay in Maraykanka iyo Iran ay xal diblomaasiyadeed u helaan barnaamijka Nukliyeerka iyo gantaallada ee Tehran.
Johann Wadful oo ka hadlayay kulan uu magaalada Berlin kula yeeshay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka bartamaha Aasiya ayaa yiri "Marka laga soo tago barnaamijka Nukliyeerka, barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Iran wuxuu khatar ku yahay Israa’iil iyo Yurub.”
Wuxuu ku nuux-nuux saday in masaalixdoodu ay ku jirto in arrimahaas lagu dhameeyo wada hadal.
Todobaadyadii la soo dhaafay Jarmalku waxa uu qaatay mawqifka ugu cad cad ee dalalka Yurub oo ay kaga soo horjeedaan dilka dadka mudaaharaadaya ee Iran. "Gantaallada Iiraan kaliya khatar kuma aha Israa’iil, balse Yurubna khatar ayey ku yihiin”.


0 


Jarmalka"Gantaallada Iiraan kaliya khatar kuma aha Israa'iil ee Yurubna khatar ayey ku yihiin"
.