MW Xasan Sheekh oo sheegay in Sacuudiga iyo Xulafadiisa ay kala shaqeynayaan ka hortaga qorshaha Israa'iil

0
Thursday February 12, 2026 - 17:25:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MW Xasan Sheekh oo sheegay in Sacuudiga iyo Xulafadiisa ay kala shaqeynayaan ka hortaga qorshaha Israa'iil

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday istiraatiijiyad saddex geesood ah oo isugu jirta dhinacyo siyaasadeed iyo sharci, si looga hortago loogana buriyo waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda gobolka, si loo ilaaliyo xasilloonida loogana hortago waxa uu ugu yeeray "koror khatar 


Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin "khad cas,” islamarkaana aan la aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida dalka.

"Ma doonayo inaan magacaabo dal gaar ah ama dalal,” ayuu yiri Madaxweynaha, "laakiin waa cadahay in qaar ay u arki karaan aqoonsigan fursad ay ku gaaraan dano gaaban oo ciriiri ah, iyagoo halis gelinaya midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Muqdisho ay waddo dadaal diblomaasiyadeed oo ballaaran si loo helo mowqif mideysan oo ay wadaagaan dalalka Carabta, Islaamka iyo Afrika, si ay uga soo horjeestaan tallaabada uu ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo ay qaadday Israa’iil.

Dhaqdhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dhammaadkii sannadkii 2025 ku dhawaaqay in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay xad-gudub cad oo lagu sameeyay midnimada iyo madax-bannaanida dhulkeeda, iyadoo ka digtay in arrintan ay sababi karto cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo ka baxsan xuduudaha Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku celiyay in dowladdiisu ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci iyo diblomaasiyadeed ee suurtagalka ah si loo difaaco qaranimada iyo midnimada dalka.

Xigasho:-radiorisaala.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip