Wasiir Fiqi oo jawaab kulul siiyay madaxweynaha Puntland

0
Thursday February 12, 2026 - 14:57:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fiqi oo jawaab kulul siiyay madaxweynaha Puntland

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa jawaab kulul siiyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo xalay Xalane ka jeediyay khudbad dhalisay hadal-heyn xooggan, taas oo uu uga hadlay xaaladda dalka.

 

Sciid Deni ayaa si weyn u dhaliilay xildhibaannada Hawiye iyo dadka deegaanka, isaga oo tilmaamay in ‘Xamar’ ay tahay halka laga kala goynayo dalka, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

"Waxaan fiirinaayay 2021-kii halkan waaan joogi jirnay xildhibaannada hawiye ee meeshaan nagu jiir-jiiri jiray meesha ay aadeen ayaan garan waayay horta marka waxaan is iri malaha Xamar waa meesha dalka laga kala goynayo” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan dalka uu u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada, xilli billo kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Madaxweyne Saciid Deni uu ku fashilmay shaqadiisii, isaga oo intaas ku daray in hadallada kasoo yeeray ay yihiin kuwa calaacal ah, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

"Waxaan u jeclahay siyaasi shaqadisii ku soo fashilmay marka uu makarafoonka qabsado oo calaacalo, dhulka isku dhifto, mararka qaar is-qiireeyo, ilmeeyo, ka dibna ku soo gabagabeeyo dalka ha la badbaadiyo. Ninka sidaas dhahaya waa kan marka Soomaaliya iyo shisheeyo isqabto la safan shisheeyaha, weliba u soo raaca oo dibindaabyo iyo kala dhantaalid midnimada umadda iyo dalka shaqo ka dhigta” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inuu mar walba la safto shisheeyaha, sidoo kalena uu kala jabinayo dalka, sidaasna uu kusii rabo inuu xukumo dalka oo dhan.

"Ninka sidaas dhahaya waa midka safka dalka kala jabinaya, ku hadaaqa Xiriirka ayaan u jaray dawladda Federaalka iyo gobolkayga lama soo geli karo haddana Raba inuu dalkaas xukumo” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

 

 

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay "Waa ninka oranaya Villa Soomaaliya ma rabo oo hotel hoolkiis ayaan ka jeclahay in aan kulamo ku qaadanno. Dalkan dad difaacanaya, dhiigga u huraya, shisheeye aan u loogayn ayuu haystaa, ma dhici doonto inuu u gacangalo khaa’inul wadan calooshii la cayaar ah!.!”.

Inta badan madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku adeegsada hadallo kul-kulul oo ay isku marinayaan hawada, kuwaas oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee dalka, siina adkeynaya khilaafka ka jira dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip