
Al-Shabaab oo xaqiijisay in laga dilay hoggaamiye sarre
Ururka Al-Shabaab
ayaa fiidnimadii Isniinta xaqiijiyay geerida mid ka mid ah saraakiishooda ugu
sarraysa, kaas oo ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.
Arrintan ayaa ka dhigan dharbaaxadii saddexaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah ku dhacda hoggaanka sare ee kooxda dhibaatada iyo xasuuqa ku haysa shacabka Soomaaliya.
Bayan kasoo baxay garabka warbaahineed ee kooxda ayaa lagu sheegay in mas’uulka la khaarijiyay uu yahay Sheekh Maxamed Abuu Osaama, oo ahaa madaxii "Guddiga Gurmadka Abaaraha” ee kooxda. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Osaama lagu beegsaday agagaarka degmada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe, oo ah fariisinka ugu weyn ee ay kooxdu ku leedahay koonfurta Soomaaliya.
Inkasta oo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uusan weli soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan duqeyntan, haddana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa Isniintii shaacisay hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen agagaarka degmada Saakow iyagoo kaashanaya "saaxiibbada caalamiga ah.”
NISA ayaa xustay in hawlgalkaas lagu dilay "hoggaamiye sare” oo ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo markii hore aysan magaciisa carabaabin. Duqeyntan ayaa qayb ka ah qorshaha "dagaalka buuxa” ee ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu wiiqo maamulka iyo ilaha dhaqaale ee kooxda.
Dhabar-jabka maaliyadeed ee kooxda
Geerida Abuu Osaama ayaa kusoo aadeysa xilli kooxdu ay weyday labo ka mid ah tiirarka u qaabilsan dhaqaalaha. Sida ay sheegtay NISA, ciidanka gaarka ah ee "Gaashaan” ayaa bishan 27-keedii hawlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Axmed Dhubad Xidig (oo loo yaqaan Sheekh Aadan Dhere).
Xidig ayaa ahaa madaxii maaliyadda ee kooxda u qaabilsanaa gobolka Banaadir, kaas oo ah isha ugu weyn ee ay kooxdu ka hesho lacagaha baadda ah ee laga qaado ganacsatada Muqdisho.
"Hay’adda Sirdoonka Qaranku waxay ku guuleysatay inay shacabka Soomaaliyeed ka dulqaaddo dhibaatadii uu ku hayay hoggaamiye Axmed Dhubad Xidig,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Afar maalmood uun ka hor dilka Xidig, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay Cabdullaahi Xasan Cabdi Osoble, oo ahaa madaxii guud ee maaliyadda Al-Shabaab, ka dib hawlgal dhacay 23-kii bishii Janaayo.
Khubarada dhanka amniga ayaa rumeysan in luminta saddexdan sarkaal—oo u kala qaabilsanaa dhanka gargaarka, baadda gobolka Banaadir iyo maaliyadda guud—ay tahay guuldarro weyn oo dhanka hawlgallada ah oo soo wajahday Al-Shabaab.
Xigasho:-caasimadda,net


0 



Al-Shabaab oo xaqiijisay in laga dilay hoggaamiye sarre
.