
Wasiir Fiqi oo socdaal ku jooga Sucuudiga oo booqday Xarunta la dagaalanka xagjirka ee OIC
..
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta Isbahaysiga Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee xarunta, Jeneraal Maxamed bin Saciid Al-Moghedi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, ciribtirka argagixisada, iyo xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.
Booqashada waxaa Wasiirka ku wehliyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan, Wakiilka IMCTC u fadhiya Soomaaliya, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Turyare, iyo masuuliin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Safaaradda Soomaaliya.






0 



Wasiir Fiqi oo socdaal ku jooga Sucuudiga oo booqday Xarunta la dagaalanka xagjirka ee OIC
..