Rag loo soo qabtay dil laba nin oo walaalo ahaa loogu gaystay Ceelasha Biyaha

0
Saturday February 07, 2026 - 08:55:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag loo soo qabtay dil laba nin oo walaalo ahaa loogu gaystay Ceelasha Biyaha

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidanka Booliska ayaa laba nin u soo qabtay dil ay dadku ka argagaxeen oo xalay laba nin oo walaalo ahaa loogu gaystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag ku labisnaa dareyska ciidamada ay labadaasi nin ku dhex dileen hoygooda, ka dibna ay ka baxsadeen goobta.

Taliyaha Saldhigga Booliska Ceelasha Biyaha, Gaashaanle Maxamed Xaashi Canshuur iyo ciidamadu uu hoggaaminayo ayaa maanta gacanta ku soo dhigay laba nin oo falkaasi lala xiriiriyay.

Wararka ayaa sheegaya in raggan ay haatan ku xiran yihiin Saldhigga Ceelasha Biyaha, isla-markaana lala soo qabtay hub loo maleynayo in ay dilka u adeegsadeen.

Eedeysaneyaasha ayaan la aqoon sababta ay ku dileen labada nin ee walaalaha ahaa, waxaana la filayaa in loo soo gudbin doono dhinaca Muqdisho, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Dhibaneyaasha ayaa lagu kala magacabayay Deeq Axmed Xaydar Raage iyo Liibaan Axmed Xaydar Raage.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip