Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Dooxa

0
Saturday February 07, 2026 - 17:37:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Dooxa

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa ka qeybgalay Barnaamijka Madasha Caalamiga ee Al Jazeera.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay Madasha ayaa ka hadlay qaddiyadaha ka jira caalamka, sida Soomaaliya, Falastiin, amuuraha amniga iyo xasiloonida caalamka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalka Qatar kulamo kula yeeshay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Boqortooyada Qatar, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee labada dhinac.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isagoo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanidaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip