Booliska Beledweyne oo soo xiray eedeysanayaashii ugu dambeeyay ee kiis kufsi wadareed

0
Friday February 06, 2026 - 21:09:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Beledweyne oo soo xiray eedeysanayaashii ugu dambeeyay ee kiis kufsi wadareed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Booliska magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay inay soo xiraan laba eedeysane oo ku lug lahaa fal kufsi wadareed oo ka dhacay magaalada Beledweyne, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah Cabdishakuur Xasan Ibraahim iyo Maxamed Cawaale Cumar, kuwaas oo ahaa labadii qof ee ugu dambeeyay ee ka harsanaa kiiskan, kadib markii horey loo soo xiray saddex eedeysane oo kale.

Kiiskan ayaa noqday mid si weyn u gilgilay bulshada, kadib markii muuqaal laga duubay gabar yar lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo dhalisay caro iyo cambaarayn ballaaran.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaasha la soo qabtay la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo loona helo cadaalad buuxda.

Sidoo kale, Saldhigga Booliska Degmada Beledweyne ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka, gaar ahaan dadka la kulma tacaddi iyo dhibaatooyin, inay cabashadooda si toos ah ugu gudbiyaan booliska, si tallaabo sharci ah looga qaado loona xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Booliska Beledweyne oo soo xiray eedeysanayaashii ugu dambeeyay ee kiis kufsi wadareed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip