Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka laabtay hadal uu ku sheegay lahaanshaha diyaaradaha F-16

0
Friday February 06, 2026 - 19:50:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka laabtay hadal uu ku sheegay lahaanshaha diyaaradaha F-16

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dib uga laabtay hadal uu horay ugu sheegay lahaanshaha diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee dhawaan lagu arkay magaalada Muqdisho.

Arbacadii, wasiir Fiqi ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, hadalkaas oo si weyn u faafay kana dhaliyay dood xooggan baraha Bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, Khamiistii ayuu wasiirku sheegay in hadalkiisa si qalad ah loo fasirtay, inkastoo uu hore si cad u muujiyay lahaanshaha Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa hadda caddeeyay in diyaaradaha F-16 ay si buuxda u leeyihiin dowladda Turkiga, isla markaana ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulka Turkiga, balse ay haatan ku sugan yihiin Soomaaliya si ay taageero iyo gargaar u siiyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

"Diyaaradahan waa kuwo Turki leeyahay, waxayna u joogaan inay taageeraan howlgallada iyo tababarrada ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

"Diyaaradaha F-16 waxa iska leh walaalaheenna Turkiga ee na taageera, hadalkaygana waxaa jaray makarafoonka,” ayuu sii raaciyay Axmed Macallin Fiqi.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay sii xoojineyso xiriirka amni iyo mid milatari ee ay la leedahay Turkiga, oo kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee taageera dib u dhiska ciidamada qaranka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka laabtay hadal uu ku sheegay lahaanshaha diyaaradaha F-16




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip