
Netanyahu oo qarsan waayay welwelka uu ka qabo awoodda sii kordheysa ee…
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku aaddan horumarka ciidan ee ay sameyneyso Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Masar ay wadaagaan heshiisyo rasmi ah oo u dhexeeya labada dal.
"Ciidanka Masar wuu sii xoogaysanayaa, waxaa naga dhaxeeya xiriiro iyo dano gaar ah oo aan wadaagno, sidaas oo ay tahay waxa aan la soconaynaa arrintaan innaga oo kahortagayna awood Militari oo xad dhaaf ah in la dhiso,” ayuu yiri Netanyahu.
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil aysan marnaba aqbali doonin in Qaahira yeelato awood militari oo gaarta heer ay khatar ama cabsi ku noqoto Israa’iil.
Masar ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo ay ku dhiseyso awood militari oo muuqata, taas oo ka dhex iftiimisay Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo Israa’iil ku riixday inay dhaqaale badan ku bixiso xakameynta heerka awood ciidan ee Masar, iyadoo Qaahira ay sameysatay iskaashi ay la leedahay dalal aan si wanaagsan ula xiriirin Israa’iil.
Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu speaks during a joint press conference with U.S. President Donald Trump (not pictured) in the State Dining Room at the White House in Washington, D.C., U.S., September 29, 2025. REUTERS/Jonathan Ernst


0 




Netanyahu oo qarsan waayay welwelka uu ka qabo awoodda sii kordheysa ee…
.