Dr. Maryan Qaasim oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Soomaaliya

0
Wednesday February 04, 2026 - 10:19:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Maryan Qaasim oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Soomaaliya, doorasho si gaar ah indhaha loogu hayay maadaama ay go’aaminayso jihada iyo hannaanka uu guddigu qaadi doono afarta sano ee soo socota.

Doorashada Guddoomiyaha ayaa waxaa ku guuleysatay Dr. Maryan Qaasim Axmed, kadib markii ay heshay shan cod, halka musharraxii la tartamay ee Dr. Cumar Cabdulle Calasow uu helay afar cod. Doorashadu waxay gaartay wareeg labaad, taas oo muujisay loollan adag iyo tartan miisaan culus leh.

Sidoo kale, Maxamed Haaruun, oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba isla markaana xubin ka ah sagaalka xubnood ee guddiga, ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Qaranka, iyadoo uusan jirin musharrax kula tartamay xilkaas.

Dhanka Xoghayaha, Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa ku guuleysatay xilka Xoghayaha Guddiga, kaddib markii ay heshay toddoba cod, halka musharraxii kale ee Cali Maxamed Cilmi uu helay labo cod.

Doorashadan waxaa qabtay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana hoolka ay ka dhacday goobjoog ka ahaa xildhibaano, saraakiil ciidan, korjoogayaal caalami ah, warbaahinta iyo marti sharaf kale, taas oo muujinaysa muhiimadda iyo miisaanka ay leedahay hay’addan qaran.

Doorashada hoggaanka guddigan ayaa markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto toddobaadkii hore, balse dib ayey u dhacday kaddib caqabado farsamo iyo loollan siyaasadeed oo xooggan. Si kastaba, saakay ayay si rasmi ah u bilaabatay codeynta, iyadoo ay ku tartameen musharraxiin miisaan culus ku leh hay’adaha dowladda iyo nidaamka xuquuqda aadanaha.

Dr. Maryan Qaasim Axmed, oo ah dhakhtar ku takhasustay Caafimaadka Dadweynaha, ayaa leh waayo-aragnimo ka badan 30 sano, waxayna hore uga soo qabatay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Qaranka, oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka Soomaaliya, kaddibna waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Dr. Maryan Qaasim oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip