
Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan ka sameeyay Muqdisho
Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa saaka sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose.
Saaka qeybo kamid ah Muqdisho waxaa lagu arkayay diyaaradaha F-16 oo ku socda joog hoose, waxaana wehlinayay diyaarado qumaatiga u kaca ah oo Turkigu horay u keenay dalka, kuwaas oo haatan ay ku shaqeeyaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.
Dhoolatuskan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciidamo ka tirsan Cirka Soomaaliya oo wada-shaqeyn dhow la leh kuwa Turkiga ka socda.
Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.
Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawl-galinta iyo taageerada farsamo.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in keenista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.


0 




Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhoolatus ciidan ka sameeyay Muqdisho
.