
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka dagay Jigjiga + Sawirro
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya & madaxweyne Mustafe Cagjar.
Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay xarrig jarta xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad wayn oo ay ka qayb-galayaan madax kala duwan.
Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tegay Jigjiga, isaga oo ka qayb-galaya daah-furka mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay halkaasi.
Sidoo kale booqashada labada hoggaamiye ayaa muujineyso wada-shaqeynta iyo iskaashiga gobolka ee u dhexeeya Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ee diiradda lagu saarayo arrimo wadajir ah sida nabadda, amniga, is-dhexgalka dhaqaale iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika.
Waa markii labaad ee uu madxweynaha Soomaaliya booqanayo Jigjiga, wuxuuna markii ugu horreysay uu cagta saaray bishii August, 2016-kii ee muddo xileedkiisii hore, markaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.




0 



Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka dagay Jigjiga + Sawirro
.